Xoghayaha Guud Ee Xisbiga Md Kayse Xasan Cige: “Boqolkiiba Sagaashan Waxaan Qabaa In Shirka UDUB Aanu Noqonayn Dimuqraadi, Madaxweynuhu Wuxuu Ku Jiraa Sidii Uu U Kala Daadin Lahaa Ragga.”

“Boqolkiiba Sagaashan Waxaan Qabaa In Shirka UDUB Aanu Noqonayn Dimuqraadi, Madaxweynuhu Wuxuu Ku Jiraa Sidii Uu U Kala Daadin Lahaa Ragga.”

()

hadhwanaag 2009-01-15 (Hadhwanaagnews) Xoghayaha Guud ee xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE,Md.Kayse Xasan Cigge,ayaa sheegay in aanu rajo ka qabin in xisbiyada UDUB iyo UCID dhexdooda lagu tartamo, oo ay si xor ah u soo xushaan murashxiintooda uga qeyb gelaya doorashada madaxtooyada ee fooda innagu soo haysa.

Waxaanu Madaxweyne Rayaale ku eedeeyay inuu waddo wax uu ku tilmaamay olole uu ku kala daadinayo murashixiinta hanka leh ee todobaadkan shaaca ka qaaday inay kula tartamayaan murashaxa Madaxweynaha ee xisbul-xaakimka UDUB.

Xoghayaha Guud ee KULMIYE, waxa kale oo uu sheegay in xisbiga kale ee mucaaridka ah ee UCID uu yahay mid aan la mid ahayn xisbiyada kale, oo qof gaar ahi haysto.

Md. Kayse Xasan Cigge, wuxuu sidaa ku sheegay Waraysi Khaas ah oo uu maanta magaalada Hargeysa ku siiyay Shabakada wararka ee Ramaasnews, xoghayaha oo aanu weydiinay rajada uu ka qabo in xisbiga UDUB dhexdiisa loogu tartamo si xor ah oo xalaal ah wuxuu yidhi “Xisbi waliba wuxuu leeyahay xeer iyo qawaaniin isaga u gaar ah, xisbi kastana isaga ayay gaar u tahay marka uu qabsanayo shirweynihiisa iyo golahiisa dhexeba, hase yeeshee xisbi kastaa wuxuu leeyahay wakhti uu qabto shirkiisa golaha dhexe, shaki kuma jiro in xisbiga UDUB oo qudha maahee xisbiga UCID laftoodu shir la odhan karo waa kii golaha dhexe oo wax baa lagu soo doortay ma jiro.

Nin uun baa yidhi anigaa meesha iska haysta ee ka labaad doorta taasina socon mayso marka shuruucda la eego.” “Xisbiga waxaa laga doonayaa hoggaankii xisbiga, labadii murashax iyo golahii dhexe inay doortaan oo uu qaab dhismeed yeesho, way ku qasban yihiin UDUB iyo UCID-ba inta aan la gaadhin olalaha doorashada inay qabsadaan oo soo saaraan cidda isku soo sharaxaysa murashixiinta jagada Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa, bishan koowaad ha qabtaan ama bisha labaad ha qabtaane way ku khasban yihiin.”Ayuu intaa raaciyay.

Xoghayuhu wuxuu sheegay in madaxda xisbiyada UDUB iyo UCID aanay hubin inay kalsooni ka helayaan xisbiyadooda iyo in kale, isaga oo arrintaa ka hadlayayna wuxuu yidhi “Annagu xisbi ahaan waanu ka libbaysanay[guulaysanay] kol hadii aanay illaa maantadaa ku dhici karin inay banaanka iskeenaan oo shirweyne ay qabsadaan waxna doortaan labada xisbi ee UDUB iyo UCID, sababtuna way caddahay oo waxa weeye wali kalsooni buuxda oo ay ku qabaan nimanka Guddoomiyeyaasha ahi inay helayaan iyo in kale ma jirto, awood ay intay miiska soo saaraan ay yidhaahdaan nasiibkiina ka qaadana ma laha.

Xisbiga UDUB oo isagu ahaa xisbi ay cid kastaaba ku jirto oo reer waliba uu ka muuqdo, maanta waa looga fadhiyaa UDUB inay ka soo dhex baxdo cid tidhaahda waan la tartamaynaa madaxweyne Rayaale.”

Xoghayaha Guud ee xisbiga KULMIYE, oo aanu weydiinay rajada ay ka qabtaan in xisbiga UDUB dhexdiisa si furan oo xalaal ah loogu dhex tartamo, waxaanu ku jawaabay oo uu yidhi “Boqolkiiba Sagaashan waxaan qabaa in aanu shirka UDUB noqonayn dimuqraadi, waxaanu imika Madaxweyne Rayaale uu ku jiraa olole ah inuu nimankan hanka leh ee caddaystay musharaxnimadooda ee C/Laahi Darawal iyo Axmed Sandoon sidii uu u kala daadin lahaa, oo uu dagaal ku qaado ninba meel uu ka soo galaba.”

“Ma dhici karto qaabkii aanu annagu[KULMIYE] u doodnay ee aanu wax u dooranay inay wax u doortaan, Annagu markaanu is dilay mucaarid baanu ahayn laakiin iyagu UDUB taladii ayay hayaan haddii ay is dilaan waa lagu kala kici waayo mishiinkii dawladnimo ayay hayaan, waa inay si sharaf leh shirweynahooda u qabsadaan, imika wuxuu Madaxweynuhu xulanayaa dadka uu is leeyahay way ku taageerayaan ee noqonayaa golaha dhexe, oo ay ka mid yihiin Golahiisa Wasiirada. Markaa Cabdilaahi Darawal iyo Axmed Sandoon, waxa lagu odhanayaa u coddeeya” Ayuu intaa raaciyay Xoghayuhu.

Md. Kayse Xasan Cigge, oo aanu weydiinay sida uu u arko in xisbiga UCID ku dooran doono murashxiintiisa Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka, wuxu ku jawaabay “Xisbiga UCID nidaamkiisu wuu ka duwan yahay UDUB, xisbiga UCID waa xisbi ay dad gaar ahi taageeraan, waa tii beeshii Habar-yoonis ka baxday markii ay yidhaahdeen aynu tartano ee uu Guddoomiyuhu yidhi annigaa kaadidayda u soo cabay, xilligana wuxuu rabaa uun in Madaxweyne ku xigeenka loo tartamo, laakiin ma rabo in isaga lala tartamo.

Madaxweyne ku xigeenkana laba reer ayuu danaynayay oo ah beelaha Gadabuursi iyo Harti, reer Awdal wuu ka noqonayaa oo wuxuu is leeyahay mar haddii ay Madaxweyne Rayaale iyo Ku xigeenka KULMIYE oo C/Raxman Saylici, ay leeyihiin boos iigama banaana, markaa wuxuu rajo weyn ka qabaa beelaha Hartiga.

“Xoghayuhu isagoo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi “Xisbiga UCID isaga arrintiisu waa gaar oo loolankan faraha badan leh ee beelaha kala duwani kama jiro, reerka Guddoomiyaha UCID-na ma ogola in magaca xisbigu ka wareego.”

Md. Kayse Xasan, oo aanu weydiinay rajada xisbigoodu ka qabo doorashada madaxtooyada ee fooda inagu soo haysa, wuxuu sheegay oo uu ku adkaystay inay rajo fiican ku qabaan inay doorashada ku guulaystaan.

Waraysigan waxaa qaaday Cumar Maxamed Faarax

Source/Ramaasnews/Hargeysa.

Comments are closed.