Dr Maxamed Cabdi Gaboose Oo Si Heer Sare Ah Loogu Soo Dhaweeyay Magaalada Columbus , Ohio
Dr Maxam
ed Cabdi Gaboose Oo Si Heer Sare Ah Loogu Soo Dhaweeyay Magaalada Columbus , Ohio
Maanta oo ay taarikhdu ahayd 17/01/2009, waxa magaaaladda Columbus, Ohio ee carriga Maraykanka xaflad heer sare ah loogu qabtay guddoomiyaha urur siyaasadeedka QARAN Dr. Mohamed Abdi Gaboose iyo wefti uu hogaaminayo, oo beryahanba safarro ku marayey waddankan Maraykanka.
Safarkan Dr. Gaboose ayaa la xidhiidha olole siyaasaddeed (campaign) siddii la isugu xidhi lahaa taageerayaasha xisbiga KULMIYE ee North America iyo taageerayaasha ururka QARAN, iyo sidii dhaqaale ururin loogu samayn lahaa xisbiga KULMIYE (fund-raising).
Haddaba xafladdan oo si heer qaran ah u dhacday ayaa waxaa ka soo qayb galay dhammaan bulshaweynta reer Somaliland ee ku dhaqan magaaladda Columbus, ee gobolka Ohio.
Haddaba ugu horrayn waxaa xafladaas ka hadlay guddoomiye ku xigeenka xisbiga KULMIYE North America ahna guddoomiyaha xisbaga KULMIYE ee Columbus, Ohio, Mr Saxardiid Mohamed Shaacir oo u mahad celiyey bulshaweyntii reer Somaliland, sida diirran ee ay uga soo qayb galeen xafladdan.
Muddo yar ka dib waxaa microphone ka lagu soo dhaweeyey guddoomiyaha ururka QARAN Dr. Mohamed Cabdi Gaboose, oo shacabkii ugu mahad naqay sida diirran ee ay usoo dhaweeyeen. waxaanu Dr. Gaboose ka warramay marxaladihii uu waddanku soo maray iyo xaaladda uu imika ku sugan yahay, waxa kale oo uu ka warramay dhibaatooyinka waddanka ka taagan dhinac kasta.
Xafladda Soo Dhawaynta Dr. Gabose, Columbus, Ohio
Wuuxu sheegay Dr. Gaboose in uu maadaxweyne ina Rayaale waddankii ka dhigay (monopoly) oo wax kasta u xidhay cid gaar ah:
- Shidaalkii waxaa loo xidhay shirkadda total o qudha
- Adhigii waxaa loo xidhay nin carab ah
- Warshaddii sibidhka ilaa imika waa siddeeda ka dib markii uu dahir rayaale yidhi waxaan ku wareejiyey shirkad jarmal ah, oo dhagaxntii weli halkii ayey taalaa
- Waddankii dhalinyaraddii way ka yaacday oo waxay ku xidh xidhan yihiin xabsiyadda Liibya iyo Suudaan
- Goloyaashii qaranku uma shaqeeyaan si madax banaan
Waxaas oo dhibaato ah waxa uu Dr. Gaboose dusha ka saaray xukuumadda ina Rayaale.
Waxa kale oo uu Dr. Gaboose ka waramay xadhigoodii, sababtii loo xidhay iyo waxyaabaha ku kalifay in ay taageero siyaan xisbiga KULMIYE (indorsement). Dr. Gaboose waxa uu sheegay in uu xisbiga KULMIYE yahay xisbiga keliya ee oggol in la furo xisbiyo.
“Markii aanu aanu eegnay saddexda xisbi QARAN ee doorashadda u tartamaya waxay nala noqotay xisbiga wadddanka badbaadadiisu ku jirto waa KULMIYE, markaas hiil iyo hooba ha la isla garab taago xisbiga KULMIYE iyo Muj Siilaanyo” sidaa waxa yidhi Dr. Gaboose.
Gebogebaddii xafladda su’aalo la waydiiyey Dr. Gaboose ka dib waxaa halkaa shahaado sharaf ku kudoonsiiyey ururka dhalinyaro ah oo reer Somaliland ah oo la yidhaaho (UBAD), waxaana shahaadada gudoonsiiyey guddoomiyaha ururka (UBAD) Mr Ahmed Hassan.
Free Jornalist Abdisalam Mohamed Buraleh
csalaan2003@hotmail.com
Dr. Gabose oo socdaal ku maraya dalka Maraykanka
Dhalinyarada ka qaybqaadatay soo dhawaynt Dr. Gabose
Dr. Gabose oo soo dhawayn diirran oo lagu qaabilay