Marwadii Ugu Horaysay Ee Ka Mid Noqotay Mudanayaasha Golaha Guurtida Somaliland

Hargaysa (Kulmiye.org) Marwo Faadumo Jaamac Ileeye, ayaa markii u horeysay taariikhda Somaliland ka mid noqotay mudaneyaasha Golaha Guurtida Somaliland, oo ah aqalka sare ee baarlamaanka Somaliland.

Guddoomiyaha Maxkamada sare ee Somaliland Mudane Maxamed Ismaaciil Xirsi Oomane, ayaa shalay Xubintan cusub ee haweenka u dhaariyay xubin-nimada golaha guurtida Somaliland, ka dib markii ay buuxisay jago uu golahaas ka banneeyay odaygeedii Marxuum Maxamed Cismaan Guuleed, waxaana xafladii lagu dhaariyay goob joog ka ahaa shirguddoonka Golahaas.

Guddoomiyaha Golaha guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aaden (Saleebaan Nuur), oo munaasibada dhaarta ka dib hadal kooban oo dardaaran iyo soo dhawayn ah halkaa ka jeediyay ayaa yidhi “Aniga oo ku hadlaya Magaca golaha waxaan kugu soo dhuwaynaynaa xubinimada aad golaha guurtida ka mid noqotay, waxaanuna Ilaahay kaaga baryaynaa inuu kuu fududeeyo xilkaa aad qaaday. Xil wayn baad qaaday oo xildhibaan Baarlamanka ka mid ah ayaad noqotay, wixii hawl ah ee Xildhibaan looga baahnaana waad qaban ama bulsho wayn ha noqoto ama golaha dhexdiisa ha noqotee Ilaahayna ha kuu fududeeyo.”

Xaaji Cabdikariin Cabdi Xuseen (Cabdi waraabe), oo ah guddoomiyaha gudida joogtada ah ee golaha guurtida, oo isna halkaasi ka hadlay ayaa aad u soo dhaweeyay xubin-nimada marwo Faadumo waxaanu yidhi “Wakhtigan socda waxaanu Ilaahay ugu mahadnaqaynaa Maxamed Cismaan Guuleed oo ka baxay golaha guurtida Naxariistii janno Ilaahay ha siiyee, abaal-gudka shir-guddoonku u gartay ee guurtiduna ku wada raacday in Xaaskii iyo Carruurtii la siiyo jagadii inta nooga hadhay wakhtiga, waanuna ugu mahadnaqaynaa.”

Xaaji Cabdi waraabe oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Dumarku waxay odhan jireen guurtida ayaa horumarkii naga horjoogta, albaabkaasina hadduu furmay oo guurtidii la qorey oo Guddoomiye Saleebaan Maxamuud Aaden gartay oo shir-guddoonku oo dhami ku raacay oo guurtidu ku raacday kaana waanuna ku faraxsanahay.”

Mudane Cabdikariin waxa uu sheegay in cid walba wixii tallo ah looga baahan yahay balse la diidan yahay oo kaliya waxa shareecada ka hor imanaya “Waa albaab furmay oo dhana shareecadeena wixii ka horimanaya ayuun baa la diidan yahay ee wixii tallo ah qoom walba waa looga baahan yahay, oo dumarka ayaa looga baahan yahay inay soo hanuuniso oo wixii qaloocan ilaaliso oo wixii xun ee xaafadaha soo galaya u feejignaato oo iyaduna (Haweenayda guurtida lagu daray), waa caalimad oo Tafsiirkay akhridaa oo waan aqaanaa, oo markii la qaxay ayay Kaam Abokor ayay Tafsiirka ugu akhriyi jirtay dumarka oo dhan.”

Guddoomiyaha guddida joogtada ah ee golaha guurtida Somaliland Mudabe Cabdikariin Cabdi Xuseen, waxa uu Xildhibaanada u soo jeediyay inay dadaasho oo ay xukuumada iyo caalamkaba la shaqayso isla markaana ay u feejignaato wixii dhib keenaya ee xaafadaha soo galaya.

Marwo Faadumo Jaamac Ileeye, oo aanu waydiinay dareenkeeda ka dib markii xilka xildhibaanimo loo dhaariyay ayaa tidhi “Aniga oo ah Faadumo Jaamac Ileeye, waxaan aad iyo aad raali uga ahay ama ugu faraxsanahay maamulkaa la ii dhaariyay maanta ee aan noqday xubin ka mid ah Guurtida, Ilaahayna (SWT) waxaan ka rajaynayaa inaan ku guulaysto hawlahaa la ii xilsaaray oo aanan noqon mid dayacda aniga oo ah gabadhii ugu horeysay ee guurtida soo horfadhiisata ee loo doorto kursigan inkastoon Ilaahay qadarkiisa aan ku imid.”

Source: Geeska Afrika.

Comments are closed.