Boqolaal Dumarka Reer Saaxil Ah Oo Ku Soo Biiray Xisbiga Kulmiye

http://harowo.com/uploads/Image/Tartanka%20Quraanka/Tartan%202.JPG

Hargeysa (Somaliland.org) – Boqolaal Haween ah oo ka tirsan haweenka gobolka Saaxil ayaa sheegay inay ku biireen Xisbiga KULMIYE.

Xaflad loo sameeyay oo ay masuuliyiinta Xisbiga u sameeyeen haweenkan, oo lagu qabtay Hotelka Maansoor ayaa waxa hadalo ka jeediyay qaar kamida haweenka gobolka Saaxil oo ay ka mid ahaayeen Milgo X. Daa’uud Cigaal iyo Faadumo Caaqil Maxamed Cabdillaahi, waxaanay ka dayriyeen Xaalada nololeed iyo bulsho ee gobolka Saaxil.

Haweenku waxa kale oo ay dayro ka muujiyeen xaalada Cusbitaalka Dhimirka iyo Cusbitaalka guud ee Magaalada Berbera oo ay sheegeen in xaaladoodu aad u liidato.

Haweenka gobolka Saaxil ee ku biiray xisbiga KULMIYE waxay shacbiga gobolka Saaxil ugu baaqeen inay codkooda siiyaan xisbiga KULMIYE.

Xafladan waxa kale oo hadalo ka jeediyay qaar kamida masuuliyiinta xisbiga KULMIYE oo ay ka mid ahaayeen gudoomiyaha garabka haweenka ee Xisbiga KULMIYE Marwo Canab Cumar Illeeye, Xog-hayaha dhaqaalaha Maxamed Cabdi Iskeerse iyo Xog-hayaha guud ee xisbiga KULMIYE Kayse Xasan Cige.

Waxa kale oo munaasibadaa hadal ka jeediyay xil. Siciid Cilmi Rooble oo kamida xildhibaanada xisbiga KULMIYE uga soo baxay Gobolka Saaxil, waxaanu xildhibaanku sheegay in xukuumadda Somaliland ay dhawaan soo gaadhay 470 kun oo Dollar oo Sheekh Xamdaan binu Sayid Al-nahyaan ugu deeqay cusbitaalka degmada Gabiley, balse uu Maamulka Madaxweyne Riyaale gaadhiisayay Cusbitaalkaa kaliya $90 kun oo lacagtaasi ka mida, lacagtaas oo weliba ay xukuumadu iskaga dhigayso mid ay jeebkeeda ka bixisay.

Xildhibaan Siciid cilmi rooble waxa uu sheegay in Lacagtaasi uu Riyaale damacsan yahay inuu ku galo ololaha tartanka doorashada.

Masuuliyiinta Xisbiga KULMIYE waxa ay xafladda soo dhawaynta kaga dhawaaqeen deeq ay ugu talo galeen in la gaadhsiiyo Cusbitaalka dhimirka iyo cusbitaalka guud ee magaalada Berbera, Deeqdaas oo isugu jirtay Lacag, Xoolo nool iyo 250 xabo oo maro kaneecooyin ah.

Comments are closed.