Mahadnaq Balaadhan oo General Maslax ( Ina Afweyne) U soo Jeediyey Madaxweyne Rayaale

General Maslax Maxamed Siyaad Bare Oo Uga Mahadnaqay Madaxweyne Riyaale Kaalmo Lacageed Oo La Sheegay Inuu u Fidiyay Xilligii uu Ku Jiray Diyaar Garowga Tartanka M/weynaha Ee Soomaaliya.

Somalilandfuture) Wiil uu dhalay M/weynihii hore u dambeeyay ee dalkii la isku odhan jiray Soomaaliya Maxamed Siyaad Barre oo magaciisa la yidhaahdo General Maslax Maxamed Si yaad Barre ayaa uga mahad celiyay M/weynaha Somaliland Daahir Riyaale Kaahin kaalmo lacageed oo la sheegay inuu u fidiyay xilligii uu u diyaar garoobayay tartanka doorashada M/weynaha dalka Somaliya oo shalay lagu soo gebagabeeyay shirka ka socda dalka Jabouti, kaas oo M/weyne loogu doortay Sheekh Shariif Sheekh Axmed hogaamiyihii maxaakiimta.

General Maslax Maxamed Siyaad wuxuu sidaa ka sheegay hadal uu ka jeediyay maalintii doraad shirka kooxaha soomaalida uga socday magaalada Jabouti ee jamhuurida Jabouti, kaas oo Maslax ka mid ahaa xubnihii u tartamayay jagada M/weynaha ee dalka Soomaaliya.

General Maslax Maxamed Siyaad Barre oo ka mid ahaa saraakiishii dawladii melateriga ahayd ee aabihii uu M/weynaha ka ahaa isla markaana ka mid ahaa dadkii ka dambeeyay ee qaybta weyn ku lahaa tacadiyadii iyo xasuuqii loo geystay shacbiga reer Somaliland sanadihii sideetamaadkii ugu horeyn isaga oo ka hadlaya madasha uu ka socday shirka kooxaha soomaalida wuxuu yidhi “Marka hore waxaan u mahadnaqayaa dhamaan marti-sharafta iyo ergooyinka ka soo qayb galay shirka, sidoo kale waxaan u mahad celinayaa oo halkan u marinayaa M/weynaha Somaliland Daahir Riyaale Kaahin oo qayb weyn ka qaatay mar aan ku jiray diyaar garowga hawshan aan manta u tartamayo ee M/weynenimada”Ayuu yidhi General Maslax Maxamed Siyaad.

Waxaanu intaa ku daray “M/weyne Riyaale inkasta oo aanan aqoon fiican isu lahayn labadayadu waqtigii dawladii hore {Dawladii Aabihii M/weynaha ka ahaa} hadana waan ka mahad sheeganaynaa qoys ahaan wayna jirtay xidhiidho kale oo qoyska ah kuwo toosa iyo kuwo dadbanba ha noqdaane”Ayuu yidhi General Maslax Maxamed Siyaad.

General Maslax Maxamed Siyaad inkasta oo aanu carabka ku dhufan ama daboolka ka qaadin tirada deeqda lacageed uu u fidiyay M/weyne Riyaale hadana waxay xogo lagu kalsoon yahay sheegeen in M/weyne Riyaale ugu deeqay General Maslax lacag dhan $125,000(Boqol labaatan iyo shan kun oo dollar),taas oo la sheegay inuu u mariyay mid ka mid ah xawaaladaha laga leeyahay dalka Soomaaliya

Dhinaca kale Waxaa hore wadanka u yimi dad badan oo loo tirinayey inay ka dambeeyen xasuuqyadii loo geystay dadka reer Somaliland isla markaana aan cafis loo fidinin, waxaa hore magaalada Hargeysa booqasho ugu timi gabadh uu dhalay General Maxamed xaashi Gaani oo ka mid ahaa ragii sida weyn uga qayb galay jariimooyinkii iyo xasuuqyadii loo geystay shabiga Somaliland waqtigii dawladii keli taliska ahayd ee Maxamed Siyaad Barre.

Gabadhaasi oo magaceeda la yidhaahdo Muna Maxamed Xaashi Gaani waxa la sheegay inuu la socday nin u dhashay dalka Talyaaniga oo la sheegay inuu qabo ama ay ooridiisa tahay gabadhaasi, kaas oo magaciisa la yidhaahdo Lucciano, waxayna qoyskaasi intii ay joogeen Hargeysa marti u ahaayeen qoyska madaxtooyada.
Xigasho / Somalilandfuture Hargeisa

Comments are closed.