War Deg Deg, Gudoomiyihii Komishanka Qaranka Md Maxamed Ismaciil Kabaweyne Oo Is Casilay
hadhwanaag 2009-02-01 (Hadhwanaagnews) Hargeysa(HWN):- Guddoomiyihii Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland md Maxamed Ismaaciil Kabawayne, ayaa mardhawady iska-casilay Xilkii Guddoomiye-nimo ee uu ka hahay Komishanka.
Sida ay noo xaqiijiyeen ilo xogogaal ah oo u dhadhaw Guddiga doorashooyinka, Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Maxamed Ismaaciil Kabawayne, ayaa la caddeeyay in uu iska casilay xilkii Guddoomiyanimo ee Komishanka doorashooyinka Qaranka. inkasta oo aanu warku si cad u sheegin sababta uu Guddoomiye Kabawayne isku casilay, haddana waxa soo baxaya warar daaha ka rogaya in culays fara badan oo kaga yimi dhinaca Xubnaha lixda ah ee Komishanka iyo Madaxtooyada Somaliland uu isucasilay.
hase ahaatee, warbaahinta dalka oo ka dib markii warkaasi soo baxay Salaadkii Duhur ee maanta isku dayday, in ay wax ka ogaato iscasilaadan iyo sababaha keenay ayaa laga hor istaagay in ay galaan xarunta guud ee Komishanka doorashooyinka ee Caasimadda Hargeysa, ka dib markii Askartii Irida hore ee xarunta doorashooyinka taagnayd ay ku doodeen in aanay gebi ahaanba sii daynaynin cid ka socota warbaahinta, taasoo ay sheegeen in maamulka Komishanku kula dar-daarmay in aanay cid sii dayn karin amar dambe oo ka soo baxa mooyee.
Guddiga doorashooyinka ayaa tan iyo shalay lahaa Shirar albaabadu u xidhan yihiin, oo aan Saxaafadda loo ogolayn, isla markaana aan haynin Shaqadii qaranka ee loo igmaday, balse ku mashquulsanaa Shirar aan la shaacin ujeedooyinkooda, kuwaasoo ay maanta caddaatay in lagu gorfaynayay ku qasbida iscasilaadda Guddoomiye Kabawayne.
ka hor intii aanay dalka ka bilaabmin diiwaan-gelintii codbixiyayaasha Somaliland, ayaa Xubnaha Guddiga doorashooyinka 4 xubnood oo ka mid ahi góáansadeen in Xilka laga qaado Guddoomiye Maxamed Ismaaciil Kabaweyne, balse waxay taasi meesha ka baxday , ka dib markii Saddexda Xisbi, Akaadamiga nabada iyo horumarinta iyo Guddiga dhawrida Anshaxa ee Komishanka doorashooyinku ay ergo dhex-dhexaadin ah ka galeen, in aan Guddoomiye kabawayne xilka Guddoomiyanimo laga qaadin, inta la dhamaystirayo hawlaha diiwaan-gelinta oo markaa wakhtigoodo soo dhawaa.
hase ahaatee, inkasta oo uu xaalku u muuqday in xubnaha komishanka doorashooyinku sidii hore isaga soo dhawaadeen intii lagu guda jiray hawlaha diiwaan-gelinta codbixiyayaasha, haddana maalmahan u dambeeyay ayaa laga dhex dareemayay khilaaf hoosaad ka dhexeeya xubnaha todoba ah ee Komishanka doorashooyinka. si kasta oo ay tahayna arrimahaasi waxa ay sababeen in Guddoomiye Kabaweyne maanta si rasmi ah Xilkii Guddoomiye-nimo ee Komishanka isaga casilo.
si kastaba ha ahaatee, arrintan iscasilaadda Guddoomiyaha doorashooyinka Maxamed Ismaaciil Kabawayne ayaa si weyn u wiiqi karta qabsoomida doorashada madaxtooyada oo lagu waday inay dalka ka dhacdo 29-ka bisha March 2009-ka oo wakhti koobani ka hadhsan yahay. iyada oo duruufaha komishanka ku xeeran wakhtigana yihiin kuwo aad u qalafsan dhinac kasta oo laga eego.
l
Xigasho /Hadhwanaagnews.com/Office
Hargeysa/Somaliland.