Warar Laga Kalsoonyahay: Amarkii Lagu Xidhi Lahaa Musharixiinta Ku Dhawaaqay Tartanka Xisbiga UDUB

Kulmiye.org-(Feb 3,2009)  Waxaa subaxan saaka ah isku maan dhaafsan xisbiga xukumada ee UDUB oo muran xoogani ka taagan yahay garabka Daahir Riyaale iyo garabka Cabdillahi Xuseen Iimaan ( Cabdillahi Direewal) oo isku haya qaabka loo soo abaabulay qaban qaabinta shirweynahaas. Waxaa si weyn uga biyo diidan shirweynaha ay soo qaban qaabiyeen madaweyne Rayaale iyo madaxweyne ku xigeenku xubno ka mid ahaa asaasayaashii xisbiga UDUB oo u badan golihii dhexe ee xisbiga UDUB iyo xubno kale oo ka tirsan xubnihii golaha wakiilada uga soo baxay xisbiga UDUB oo laga  horjoogsaday shirweynaha ay qabanqaabinayaan madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenku.   Murashaxiinta isu sharaxay mansabka madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka ayaa iyagana laga hor joogaday inay si xalaal ah uga dhex tartamaan xisbiga UDUB halkaas oo la filaayo in ay iyaguna shirweyne kale qaban doonaan isla maanta oo bishu tahay Feb3,2009.

wararka aanu illa hada hayno ayaa sheegaya in magaalada Hargeysa xukuumadu ku soo daysay ciidamo aad u tiro badan halka waraka qaarna noo sheegeen in xukuumadu amar ku bixisay in la soo xidhxidho xubnaha garabka isugu jira murashaxiinta, golihii dhexe ee xisbiga iyo xildhibaanada. wixii war ah ee nagaga soo kordha dhakhso ayaano idiin soo siin doona.

Comments are closed.