Xidhiidhiyaha Udub Uk, Xafiiska Dhexe Ayaa Sheegay Inuu Qadacay Shirka Udub
Xidhiidhiyaha Laamaha UDUB UK & Xafiiska Dhexe ee Hargeysa C/raxmaan Ali Ubaxle ayaa shir Jaraid qabtay shegayna in uu Qadacay Shirka UDUB
Xidhiidhiyaha Laamaha UDUB UK & Xafiiska Dhexe ee Hargeysa ….
|
|
||
hadhwanaag 2009-02-02 (Hadhwanaagnews) Shir jaraaid oo uu xifiiskiisa Birmingham Uk ku qabtay xidhiidhiyaha Laamaha xisbiga UDUB uk iyo xafiiska dhexe ee Hargeysa Md.C/raxmaan Cali Ubaxle ayuu ku cadeeyey in uu qaadacay shirka UDUB ee sida sharci darada ah uu u soo dhoobdhoobay Madaxweyne Rayaale iyo Asxaabtisa u Shaqaysa ee khaladka ku taageersan. Anigoo ka mida oficial Deligaytka ka qayb gelaya shirka UDUB ee ka furmaya Hargeysa 3-4 Febuery 2009 isla markaana ah masuul ka tirsan Xisbiga UDUB oo aqbalay inuu ka qaybgalo shirka ayaan iminka halkan ka cadaynayaa in aan gebi ahaanba qaadacay ka qaybgalka Shirkaasi sida aan sharciga waafaqsanayn loo maamulay, waxaan si buuxda u taageersnahay oo aan ka qaybgelayaa hadii aan ka gaadho shirka ay Iclaamiyeen Xildhibaanada xaqa ah iyo Musharixiinta sida Dimoqraadiyada ah u Tartamaya laakiin la rabo in xaqooda dastuuriga ah laga hor istaago si aan sahrci ahayn.
Waxaan cadaynayaa in aanan marnaba taageerayn arin ku dhisan Digtaatooriyad iyo rabitaan shakhsiyadeed ee aan ahay muwaadin taageersan in la helo isbedel siyaasadeed oo ku dhisan Dimoqraadiyad, sababaha aan shirkan ku qaadacay oo aan u gudbiyey gudiga qaba qaabada shirkuna waa sidan hoos ku cad. From: Cabdiraxmaan Ali Ubaxle (ubaxle@hotmail.com) |
