War Deg Deg ah: Labadii Garab ee UDUB oo Labaduba Shirarkoodii Si Habsami ah U Furtay. Halkan Ka Daawo Sawirada Garabka Isbedel Doonka Ah
Labadii Garab ee Xisbiga UDUB ayaa labaduba shirarkoodii is habsami ah u furtay, oo ay ka socdaan magaalada Caasimada Somaliland. Garabka Xukuumada iyo Madaxweyne Rayaale ayaan loo ogolaan saxaafada madaxabanaan, marka laga reebo shakhsiyaad ay soo xusheen oo saxaafada ka soo xusheen, sidoo kale waxaa wararka ka soo tebin karaya saxaafada ku hadasha afka xukuumada sida, TV-ga qaranka, Radio Hargaysa iyo saxaafada kale ee xukuumadu lugta ku leedahay. Illaa hadda waxaa aynu odhan karnaa waa u furmay garabkaas xukuumada shirkoodii welise wax war ah oo ka soo baxay ma jiraan.
Garabka kale ee UDUB ee is bedel doonka ah, ayaa iyaga shirkoodii si habsamiya u furmay, waxaana lagu soo casumay dhamaan saxaafada madaxabanaan, waxaana lagu qabtay huteel ku yaal cusbitaalka agtiisa oo uu leeyahay nin ahaan jiray Mujaahidiintii oo la yidhaado Yuusuf Cabaade. Waxaa lagu doortay halkaas Shir guddoonka garabka isbedel doonka ah, kuwaas oo shirka si habsami ah u daadihin doona, waxayna kala yihiin.
1. Xildhibaan, Aadan Tarabi Oogle.
2. Xildhibaan, Maxamed Nuur Caraale “Duur”
3. Mujaahid, Cabdi Ibrahim “Cawar”
4. Cabdiqaadir Jaamac Cilmi
5. Jaamac Axmed Rooble
6. Maxamed Odowaa Cigaal
7. Cabdiraxmaan Maxamed Ducaale.
Waxay kaloo sheegeen in garabka is bedel doonka ah in uu shirku u socon doono muddo sadex casho ah. Sidoo kale waxaa bilaabmay wadahadalo u socda in ay isu tanaasulaan xubnaha musharixiinta ahi, waxaana ku dhawaaqay in uu u taagan yahay jagada Madaxweyne ku-xigeenka Mr Jawhari.
Dhanka ammaanka ciidamo ayaa la keenay shirka garabka is bedel doonka hortiisa si ay u joojiyaan shirka, waana u suurtogeli wayday in ay shirka joojiyaan, taas oo sababtay in uu shirkaasi sidii la rabay u socdo.
Ergada guud ee ka soo qaybgashay shirka waxay gaadhaysaa 180 ergay.
Wixii ka soo kordha wararka xisbiga UDUB iyo labada garab kala soco Somalilandfuture Online.
Xigasho: SomalilandFuture
___________________________________________________________
Xigashada Sawirda/ Dhambaalnews
Daawo Sawirada Shirweynaha Udub Garabka Isbedel Doonka

Halka Sare Guji Si Aad U Dawatid Sawirada Shirweynaha Labaad ee Xisbiga Udub Garabka Isbedel Doonka Ah Kaas oo Saxaafada Qaybeheeda kal duwan u furaa si aan shuruud lahayn.


