Dhamaadka Xukuumada Riyaale , Dildilaaca UDUB, Iyo Magacaabista Ku-meelgaadhka ah Ee Baarlamaanka

Anigoo filaya in dadweynaha reer Somaliland meel ay joogaanba ay kawar hayaan halka xaalada dalku manta marayso ayaa hadana aanay sina uga fursanayn in umamada wax akhrida ee dunida dacaladeeda kala joogta  ay si fiican ula socdaan xaalada siyaasadeed ee dalkooda hooyo manta ku sugan yahay. Runtii waa wax dunida aan ilbaxa ahayn ka caado ah in rajiim sii dhacaya lagu arko isagoo marba inta uu laan cuskado ay laantu la jabayso oo hadana mid kale ku boodaya ilaa uu afka ciida darona runtii ma daayo hadba in uu laan aan xejin Karin ku boodo. Ina Riyaale oo hada sii dhamaysanaya hal sano oo si sharci daro ah oo aan dastuurka waafaqsanayn uu madaxweyne ku sheeg ugu magacawnaa Somaliland ayaa hadana waxa muuqata inuu kursiga iskusii adkaynayo oo aanu ogolayn in uu doorasho xor iyo xalaal ah dalka ay ka dhacdo. Waxaana tusaale u ah dhawrkan qodob

  • Xukuumada Riyaale waxay geed dheer iyo geed gaabanba u fuusay sidii doorashada hadana mar kale dib ay ugu dhici lahayd, taasi oo uu uga jeedo inuu kororsiimo xalaalaysto, laakiin waxa ku adkaatay dariiqii uu u mari lahaa
  • Markii ay u muuqan weyday carqalad cudurdaar noqon karta oo doorashada dib loogu riixo, Riyaale iyo kooxdiisu waxay faraha kala bixi waayeen Commisionkii doorashooyinka oo ay iyagii isku direen , si umada loogu tuso in aan komisionku hawsha kazoo bixi Karin oo kuwo kale loo baadi doono, taasi oo wakhti qaadan karta, iyadoo ina Riyaale iyo kooxdiisu ay is tuseen in halkaa waxoogaa cimri dherer ahi , si hadana ay carqalad kale uga fekeraan
  • Ina Riyaale iyo kooxdiise waxay kaloo qas iyo qalalaase ka abuureen xisbiga UDUB dhexdiisa iyadoo shirkii xisbiga laga horjoogsaday masuuliyiin magac ku lahaa oo golaha dhexe ee UDUB ka tirsanaa iyo waliba xildhibaano baarlamaanka UDUB uga soo baxay oo damacsanaa in bal shirka uun ay ka qayb galaan.Run ahaantii waa wax Lagu qoslo, aadna loola yaabo in qofkii xildhibaanka ahaa ee UDUB kusoo baxay loo diido shirkii xisbiga., xildhibaanadu waaba kuwa kaliya ee la hubo xisbinimadooda.

Sidaas daraadeed , Golaha baarlamaanka , Golaha guurtida xisbiyada mucaaradka ah iyo dadweynaha reer Somaliland ee gudo iyo dibed kala joogaba , waxaa u muuqatay in ina Riyaale iyo kooxdiisu aanay sina daacad uga ahayn in doorasho xor iyo xalaal ah ay dalka ka dhacdo, iyagoo adegsanaya dariiqo kasta oo ay doorashadaas ku xanibi karaan. Waxa kale oo xusid mudan in Umadu ay manta isku raacsan tahay in aan Ina Riyaale wax qiil ah oo uu kursiga kusii fadhiyaa aan meelna loogu hayn sidaa darteed , waxa soo baxaya warar sheegaya in golaha baarlamaanka dhexdiisa ay ka socoto qorshe lagu doonayo in hadii xukuumadu ka dhega adaygto in ay doorashada wakhtigeedii lagu qabto , in dalka loo sameeyo dawlad ku meelgaadh ah oo doorashada si dhakhso ah u qabata. Ilahaasi waxay xaqiijinayaan in lasoo ogaaday in marna aan xukuumada Riyaale ku talo galin in dalka doorasho ka dhacdo, maadaama ay u cadahay in ay doorashadaas ku guuldaraysanayaan

Yasin Jaamac Cali

London,UK

Comments are closed.