Labadii Shirweyne Ee UDUB-ta Dimuqraadi Doonka Iyo UDUB-ta Dawlada

Hargeysa, Somaliland( Salaasa Feb 3) - Waxaan saaka subaxdii ku kalahay huteelka Maansoor oo u ka bilaabmayay shirweyne ay soo abaabushay xukuumada madaxweyne Rayaale oo lagu magacaabay shirweynaha 2aad ee xisbiga UDUB.  Intii aan sii socday waxaa meel kasta ka muuqday ciidamo aad u tiro badan iyo booliis, waxaa la xidhay jidadka hormara madaxtooyada iyo isna jidka hormara komishanka qaranka. markaan soo gadhay madasha shirweynaha garabka Rayaale ee huteel Maansoor  ayaa ahayd meel ciidaamada joogay ay aad badnaayeen, waxaa ka mid ahaa iyaguna Boliiska loo yaqaan  SPU da oo meel walba taagna. Shirweynahaasi wuxuu ila muuqday inuu ahaa shir dad gaar ah iyo saxaafad gaar ah loogu talagalay in lagu soo casuumo oo aan loo ogalayn saxaafada dawlada mid aan ahayn mooye  sida Telefishanka qaranka, wargeyska Mandeeq , Radio Hargeysa ,Qaranews iwm.

Shirweynaha UDUBTA Rayaale ayaa la iska hortaagay dhamaan murashaxiintii iyagu hore u shaaciyay inay u tartamayaan madaxweyne iyo madaxweyne ku xigeenba, waxa kale oo la iska hortaagay shirweynahaas dhamaan xildhibaanda iyo ergooyinka  UDUB ee beel ahaan ka soo jeeda bariga magaalada Burco oo qaarna laga soo doortay gobolka Sool, waxa kale oo la iska hortaagay iyagana xildhibaanada iyo ergooyinka beesha Baligubadle, xildhibaano kale oo ka soo jeeda Saaxil sida xildhiban Duur iyo ergooyin kale oo badan.  Xooga yar markaan taagnaa irida laga soo galayay hoolka shirkua oo halkaas aan ka maqlayay sawaxanka durbaanka iyo sacabka ka dhacaayay i xasuusiyeen ururadii dumarka ee xisbiga hantiwadaagii kacaanka Siyaad Bare.  Qadar yar markaan joogay irida hadana waxaa isa soo taagay wasiiru dawlihii hore ee wasaarada hawlaha guud Adan Maxamed Diiriye ( Adan Ruush) oo isna la iska hor taagay inuu galo shirka, waxaana loo sheegay murshax iyo murashax ku xigeenaan aan ahayn Daahir Rayaale kaahin iyo Axmed Yusuf yaasin inaan hoolka shirka loo ogolayn casuumadiisiina ay tahay ka kac!  Shirweynihii garabka Rayaale waxaa uu maanta ku soo gabagaboobay khudbad dheer oo isugu jirtay hanjabaad iyo cagajuglayn oo 35 bog ahayd.

Waxaan u boqoolay dhinacaas iyo Huteel deeq ALLE, halkaas oo jidadka meel  kasta ay ka buxeen ciidamo aad u badnaa. Garabka dimuqraadi doonka UDUB waxay shirkooda ku magaacbeen shirweynaha golaha dhexe ee UDUB. xukumada Rayaale ayaa hore digniin ku siisay dhamaan huteelada dalka inaan loo ogolaan in garabka Cabdillahi Xuseen Iimaan ( Cabdillahi Direewal) la iska hortaago huteel kasta.   Markii aan imid madasha shirweynaha ee Huteel Deeq ALLE markiiba indhahayga waxay qabteen dadweyne aad u badanaa u ahaa taageerayaal wajigooda xamaasadi ka muuqatay.  Waxaa la ii ogolaaday inaan galo shirweynaha markaan tusay kaardhkayga saxafnimada. waxaa halkaa ka muuqday jawi  farxadeed waxaana fadhiyay madasha shirweynaha in ka badan 230 qof.  Waxaa wax yar ka bacdi madsha shirweynaha galbis ku soo galay soo galay murashaxa xisbiga UDUB garabkiisa isbedel doonka ah Muj Cabdillahi Xuseen Iimaan ( Dereewal) . Waxaa uu shirkii maanta lagu soo gabagabeeyay gudi shirgodoon ahayd oo lagu doortay halkaas oo kala ah sidan:

1.  Jamaac Axmed Rooble

2. Maxamed Nuur Caraale ( Duur)

3. Maxamed Odawaa Cigaal

4. Adan Tarabi Oogle

5. Cabd raxman Maxamed Ducaaleh

6. Cabdilqadir Jamac Cilmi

7. Cabdi Ibrahim ( Cabdi Cawr)

Sidaa iyo nabadagaliyo iyo qaybaha ka hadhay  shirweynayaasha Labada garab ee UDUB ee kala ah UDUBTA Rayaale iyo UDUBTA is badaldoonka ah.

Farxaan Cabdilahi Colhaye

Hargeysa, Somaliland

Comments are closed.