Rayaale Iyo Axmed Yaasiin Oo Loo Magacaabay Murshaxiinta UDUB
Hargeysa, Somaliland- Waxaa shalay la soo gabagabeyay Shir ay qabatay garabka xukuumada Daahir Rayaale oo lagu yeedhay shirweynaha 2aad xisbiga ee UDUB. Shirkaas oo furmay malintii salaasada ee bishu ahayd 3 da Feb ayaa lagu qabtay Huteel Maansoor. Dadka shirka ka soo qayb galay ayaa isugu jiray qurba joog tikidhada ay xukuumadu u dirtay, shaqaale dawladeed iyo dad laga soo ururiyay gobalada iyo degmooyinka dalka . Waxaa kale oo ka mid ahaa dad ka dhex muuqday shirkaas dhamaan wasiiradii , wasiir ku xigeenadii iyo agaasimayaashii guud ee xukuumada.
Shirkaas ayaa la iska hortaagay dhamaan asaasayaashii hore ee xisbiga UDUB iyo taageerayaashoodiiba oo qaarkood ay ka mid ahaayeen golaha dhex iyo golaha fulinta ee xisbiga UDUB. Qabanqaabadii shirkan ayaa markii ugu horaysaba dhalisay muran taas oo ay ka biyo diideen murshaxiinta u taagna mansabka madaxweynaha iyo murashaxiinta u taagnaa mansabka madaxweyne ku xigeenka ee xisbiga UDUB oo sheegay in la jabiyay xeerhoosaadyadii u yaalay xisbiga ka bacdi markii madaxweynihii oo ahaa murshax ka id murashaxiinta xisbigu uu magacaabay murshaxii isna madaxweyne ku xigeenka u taagna inu u noqdo gudoomiye gudida qaban qaabinta shirweynaha xisbiga oo xubnaha ku jiray dhamaantood wada ahaayeen wasiirada xukuumada iyo wasiir ku xigeeno. Arintaasi waxay dhalisay muran aad xoogan oo sababy in garab isugu jira asaasaasayashi xisbiga UDUB , xildhibaano ka tirsan golaha wakiilada iyo taageerayaal aad u badani ee iyaguna qabsadaan shirweyne u magac dareen shirweynaha 2 aad ee xisbiga UDUB oo ay ku qabteen huteelka loo yaqaan Deeq ALLA.
Shirka Xukumada Rayaale oo maalintii Arbacadii soo gabgaboobay ayaa waxaa lagu magacaabay Daahir Rayaale Kaahin inuu noqdo murshaxa madaxweynaha ee xisbiga UDUB halka Axmed Yusuf Yaasina loo magacaabay inuu noqdo murshaxa madaxweyne ku xigeenka ee xisbiga UDUB.
Xisbiga Kulmiye ayaa mudo sanad laga imika joogo shirweynahoodii ku qabsaday huteel ambassador ee magaalada Hargeysa halkaas oo lagu doortay hogaankii xisbiga, halka bishii sebtember ee inna soo dhaaftayna golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye ay shirweynahaoodii magaalada Burco ku soo doorteen murshaxa madaxweyne iyo murshaxa madaxweyne ku xigeenka. Xisbiga Ucid iyaa iyaguna dhawaan soo doortay labada musharax ee tartanka doorashada ugu qayb gali doona.
Farxan Cabdillahi Colhaye
Hargeysa, Somaliland