Mudane Muuse Biixi Oo Shacbiga Somaliland Ka Tacsiyadeeyay Hadalka Madaxwayne Ku Xigeenka

Hargaysa (Somaliland.org)- Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee xisbiga Siyaasiga ah ee KULMIYE Mujaahid Muuse Biixi cabdi ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay xarunta xisbiga ee magaalada Hargaysa, waxa uu kaga waramay halgankii loo soo galay xoriyadda Somaliland.

Waxaanu tilmaamay in hadalka ka soo yeedhay Madaxwayne ku xigeenku uu yahay mid baal-marsan masuuliyadda ay ummaddu u dhiibatay iyo distoorka Somaliland, mid nasiib-darro ah ayuu yidhi in maanta Madaxwayne ku xigeenku ku dhawaaqo hadal noocan oo kale ah, iyada oo aynu ognahy in kumanaan qof u naf-waayeen, kumanaan kalena u naafoobeen, oo laba boqol oo sanno wixii hanti ummaddu dhaqanaysayna loo huray dib ula soo noqoshada xoriyadda Somaliland.

mujaahid Muuse Biixi Cabdi waxa uu shacbiga Somaliland ka tacsiyadeeyay hadalka Madaxwayne ku xigeenka Axmed Yuusuf Yaasiin oo uu sheegay in uu yahay mid isaga ku eeg.

Xigasho/ Somaliland.org

Comments are closed.