“Madaxwyne-ku-xigeenku wuxuu madmadow geliyey jiritaanka, madaxbannaanida Somaliland”

Hargeysa (Togdhnews) – Madaxweyne-ku-xigeenka ku tilmaamay mid madmadow gelinaya jiritaanka iyo madaxbannaanida Somaliland, isla markaana ahaa farriin loo dirayo beesha caalamka ee ictiraafka ka sugayno.

Sidaana waxa uu Md. Cali Xasan ku sheegay waraysi gaar ah oo Jamhuuriya shalay kula yeeshay xarunta Wakiillada, isaga oo ku tilmaamay hadalka Madaxweyne-ku-xigeenka mid meel-ka-dhac qaawan ku ah qarannimada iyo dawladnimada aynu 17-kii sanno ee ina dhaafay u soo tabcaynay, kaas oo uu sheegay in aannu ahayn mid ku kooban Madaxweyne-ku-xigeenka oo qudha, balse la qabo Madaxweyne Rayaale oo uu yahay arrin la isla ogyahay oo muddo laga soo shaqaynayey.

Md. Cali-mareexaan oo daba socday hadal Axaddii toddobaadkan ka soo yeedhay Madaxweyne-ku-xigeenka Md. Axmed Yuusuf Yaasiin oo uu kaga hadlay in Somaliland iyo Soomaaliya isla jaanqaadi karaan, Soomaaliduna aanay kala maarmi karin, ayaa wuxuu waraysigaas kaga hadlay arrimo dhawr ah oo aad xiiso badan, kuwaasoo ka mid yihiin doorashooyinka Somaliland, dhaqaale xumada iyo waxa gole ahaan u qorshaysan haddii doorashadu ku qabsoomi waydo muddadii loogu talogalay ee 29-kii March 2009, isaga oo dhinaca kalena shacabka Somaliland ugu baaqay inay jawaab degdeg ah oo adag ka bixiyaan hadallada qarannimada wax u dhimaya ee ka soo yeedhay Madaxweyne-ku-xigeenka oo uu ku tilmaamay inuu ka mid yahay ragga aan ka war hayn dhibaatada loo soo maray halgankii dib-u-xoreynta dalka ee sida nasiibka ah u qabtay xilalka ugu sarreeya dalka.

Ugu horreyn xildhibaan Cali-mareexaan oo ka hadlayey aragtidiisa ku waajahan hadalka Md. Axmed Yuusuf Yaasiin, ayaa waxa uu yidhi; “Hadalka Madaxweyne-ku-xigeenku runtii wuxuu ahaa hadal dhinacyo badan ka hadlaya oo Soomaaliya ma kala maarmi karto oo qudha muu odhane. Waxa kala oo uu yidhi, xuduuddana ma kala yeelan doonto, markaa waxaan u arkayaa in Madaxwyne-ku-xigeenku madmadow geliyey jiritaanka, madaxbannaanida iyo xuduudaha Somaliland, marka Madaxweyne ama Madaxweyne-ku-xigeen hadalkaa soo kale odhanayo waxaan u arkaa inay tahay farriin loo dirayo beesha caalamka ee aynu ictiraafka ka sugayno ee dooddeena sharci iyo teena aayo ka talineedba u sheegaynay.

Sidaa darteed, waxaan u arkaa hadal wixii aynu doonaynay, madaxbannaanideena, qarannimadeena, dawladnimadeenna iyo wixii 17-ka sannadood u soo tabcanayba meel-ka-dhac ku ah, waxaanan u arkaa in aannu isaga oo qudha ku koobneyn ee uu tahay wax xukuumadda Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin ka midaysan tahay, waayo hadalku waxa uu ka soo yeedhay waa labadii ugu sarreeyey xukuumadda talada haysa, waxaanan u arkayaa in ku dhiirashada hadalkaa meel-ka-dhac ku ah qarannimadeena uu yahay waxyaabo marba tallaabo lagu soo darayey oo iminkana maraya in la yidhaahdo Soomaaliya ma kala maarano, xuduudana ma kala lihin.”

Mar la weydiiyey xildhibaanka sababta Madaxweyne-ku-xigeenku hadalkiisa u janjeedha dhinaca Soomaaliweyn uu ugu soo beegay waqtigan oo dalku marayo marxalad xaasaasi ah, waxa uu ku jawaabay; ‘Horta dhawr arrimood baa jira dalkan halgan iyo tacab badan ayaa loo soo maray, haddii ay kii xorreynta tahay iyo haddi kii dambe ee dib-u-dhiska tahayba, dadka aan tacabkaa iyo halgankii dalka qayb badan ka soo qaadanin way la fududahay qarannimada Somaliland, xukuumadda hadda jirta xooggeeduna halgankii hore kumay lahayn mug badan, dib-u-dhiskii shirkii Burco ee qarannimada Somaliland lagaga dhawaaqay iyo goonnni-isu-taagiina kumay jirin, mar dambe ayuun bay soo galeen hawlaha Somaliland, markaa dareenkii halgan ama madaxbannaanida kumay jirin nimankan iminka xilka hayaa oo wax jiray dareen halgan loo galay markii Somaliland lagu dhawaaqayey oo taariikh lahaa, qofka haddaan dareenkaas ku jirin way iskala fududeenaysaa, markaa horta taas waa mid oo raggani waa qaar aan halganka iyo taariikhdaa ku jirin, hadalkaasina wuu iskala fududaanayaa oo waxan oo hawl ah ayaa la fudud.

Ta labaad ee waqtigan loogu soo beegayna waxaan u arkayaa Adduunyadu waxay culays innagu saaraysaa in aynu doorasho qabsano oo dhismaha dawladnimdeena aynu hore u marino, dhaqaalahaa la innagu bixiyey oo diiwaangelintii lacag ka badan 10 milyan oo dollar ayaa adduunyadu innagu kharash garaysay, tii ku baxaysay doorashadana diyaar baa la innoola yahay, halkii ay xukuumadda ka samayn lahayd dhiirrigelin badan oo xagga doorashada ku saabsan, hadalka Soomaaliya ma kala go’i karto waxay noqonaysaa farriin kale oo ah in aannu wadahadal u diyaar nahay.Markaa mashruuceennii jihadii uu u socday maahee jiho kale oo loo duwayo weeye, Adduunyadu hadal fudud isaga qaadan mayso hadallada Madaxweyne iyo Madaxweyne-ku-xigeen uu yidhi, markaa jawaabta shacabka iyo ummadda laga sugayaa inay iyagu si cad uga jawaabaan, waayo qarannimada Somaliland iyagaa leh oo ilaashanaya, waana in ay arintaa ka jawaabaan.”

Waxa kale oo la waydiiyey Md. Cali Xasan Maxamed in hadalka Madaxweyne-ku-xigeenku yahay mid indhaha dadka lagaga jeedinayo doorashada shakiga laga qabo inay muddadii loo cayimay ku qabsoonto si loogu mashquulo hadal-haynta arrintaas, ayaa waxa uu sheegay doorashada madaxtooyada loo qoondooyeey qabashadeeda 29-ka March 2009, taas oo ka dambeysay wadahadalladii lagu soo afjaray khilafkii ka dhashay markii muddadii rasmiga ahayd ee xilka Madaxweyne Rayaale ay dhammaatay 15 May 2008, waxaannu xusay in xukuumadda Madaxweyne Rayaale ay ku fashilantay inay dalka ka diyaariso doorashooyin waqtigoodii ku qabsooma, taas oo waajibku ahaa in lagula xisaabtamo.

Waxa kale oo uu xusay in muddadii dheeraadka ahayd ee lagu darayna aan ilaa hadda wax qabanqaabo ah oo la xidhiidha doorashooyinku aanay muuqan, isaga oo intaa ku daray in haddii doorashadu ku qabsoomi weydi muddadii loo qabtay ay daruuri noqon doonto in arrintaa lagula xisaabtimo xukuumadda xilka haysa, isaga oo arrintaas ka hadlaya waxa uu yidhi; “Waxaan anigu leeyahay 29-ka March haddii la gaadho oo doorashadu qabsoomiweydo ciddii xilkeeda ka soo bixi wayday oo xukuumadda ah waa in tallaabo laga qaado, laakiin qofka yidhaahda haloogu abaalgudo hadanna kordhin waa qof Somaliland aan waxba ku falayn oo aan mustaqbalkeeda, rajadeeda, danteeda iyo horusocodkeeda aan dan ka lahayn, meel ay sharciga kaga jirto in loo kordhiyo mar labaadna meel ay sharciga kaga jirto ma jirto, qodobka dastuurka ee muddo kordhinta ka hadlaya waa qodob waqtigiisii la soo dhaafay, isaga oo qudhana maahee ilaa toddoba qodob oo distoorka ah oo aan iminka shaqaynayn baa jira, kuwaas oo la yaanqaadayey waqtigii lagu shiray shirar beeleedyada ee aan dalkau gelin nidaamka asxaabta badan, markaa haddii xisbiyadii ku heshiiyeen 29-ka March 2009 hadday doorashadu ku dhici waydo in talo la isaga yimaaddo, arrintu markaa Madaxweynaha farihiisa kuma jirto ee xisbi markaa Guddoomiye u noqonayaa, talo gaar ah oo uu ku leeyahayna ma jirto, haddii uu Madaxweynuhu u soo cumaato in loo kordhinaya badheedh buu noqonayaa, laakeen iminka waqti baa la haystaaye in aanay 29-ka March la isla dhaafin oo dalku meel bannaan ku dhicin in iminka la isaga yimaaddo oo cidda ku shaqada lihi ay ka hawlgashaa.”

Md. Cali-mareexaan oo ka jawaabayey su’aal ahayd; ‘Sidaad sheegtay qodobo badan bay xukuumadda Madaxweyne Rayaale jabisay, idinkuna waxaad tihiin Golihii Wakiillada ee ummadda masuulka uga ahaa ilaa intii shuruucda iyo dastuurka dalka, waxaanna jira qodob dastuuri ah oo awood idinka qudhiina miyeydaan qodobkaa dastuuriga ah jabin, maadaama aad daawanayseen shuruucda dalka ee la jabiyey?’ waxa uu ku jawaabay; “Horta maantabadanba [shalay] mooshin ka hadlaya doorashada ayaa Golaha Wakiillada la keenay, mooshinkaasi wuxuu ka digayaa in aan doorashada la warwareejin oo waqtigeedii lagu qabto, haddii waqtigeedii lagu qaban waayana cidda waajib gudasho la’aanta lagu qaadayaa way caddahay, markaana waajibkayaga sharciga ah waannu gudan doonaa haddii Illaahay yidhaahdo.”

Sidoo kale, mar la weydiiyey maadaama oo guddiga dhaqaalaha Golaha Wakiillada ee ka midka yahay sababta keentay in maciishadii iyo qiimihii shidaalka oo caalamka aad hoos uga dhacay in Somaliland ay weli ku jirto marxaladdii sicir-bararka, waxa uu sheegay inay arrintaas ugu wacan tahay siyaasad xumada Madaxweyne Rayaale, isagoo xusay in dalku marayo meel helis ah oo dhaqaale xumo iyo shaqo la’aan baahsan bulshada haysato, sidaa darteedna loo baahan yahay in shacbigu codkooda kaga aarsadaan xukuumadda Madaxweyne Rayaale ee la degtay dhaqaalihii iyo ilihii nololeed ee dalka, iyaga oo raacaya jawaabtii dadka Maraykanku ka bixiyeen dhaqaale xumadii maamuka Bush u horseeday codkoodiina ku soo saaray Madaxweyne Obama oo ballanqaaday inuu wax ka qabanayo dhaqaale burburka.

Waxaan leeyahay dadku jawaab ha bixiyaan iyaga oo codkooda adeegsanaya, mustaqbalkoodana ka fikiraya oo xukuumadda Rayaale waqtigeedii ha ugu gebabgeeeyaan, xataa isbeddelku wuxuu u faa’iido ka yahay in qofku ogaan karo in la beddeli karo oo mid marka la beddelo ka dambe xataa ku cibro qaato in dadku haddii la xumeeyo ay jawaab degdeg ah bixiyaan, laakiin haddii la yidhaahdo waar waxba isma dhammaan oo la qayilo adduunbay kaa go’an tahay.”

Waxa kale oo xildhibaanku waraysigiisa kaga hadlay heshiisyada aan Baarlamaanka la soo marin ee lala galay shirkadaha shisheeye, kuwaas oo uu ku tilmaamay inuu yahay mid qayrul-dastuuri ah, isaga oo xusay in shiradaha yaryar ee heshiiska lagula galay shidaal-qodistu aanay ahayn qaar jira oo ay yihiin kooxo dilaaliin ah oo khayraadka dalka ka iibinaya shirkado kale, kuwaas oo xukuumaddu la ogtahay, arrintaas oo u ku sifeeyey inay tahay khiyaamo laga galay khayraadka dabiiciga ah ee dalka, isla markaana lagala xisaabtami doono ciddii ku kacday.

Xigasho / Jamhuuriya

Comments are closed.