Daahir Riyaale iyo Saleebaan-Gaal: Hoggaamiyayaal Fiintu dhexmiranayso iyo Jawiga Xaammiga ah ee ka bilaabmay Golaha Guurtida

Hargeysa, February 11, 2009 (Haatuf) – Sida ay sheegeen warar laga soo xigtay ilo lagu kalsoon yahay oo u dhuun-daloola labada aqal ee madaxtooyada iyo guurtida waxa muddo ilaa toddobaad gaadhaysa si xaami u socday olole ku saabsan sidii gudoomiyaha guurtida mudane Saleebaan Maxamud Aadan kursiga gudoomiye-nimo looga tuuri lahaa waxaana sida la sheegay ololaha caynkaas ah daadihinaysa xukuumadda madaxweyne Rayaale. Sidoo kale waxay wararku intaa ku dareen inuu gudoomiyaha guurtiduna dhiniciisa si weyn ugu hawlan yahay olole xoog leh oo uu taa gaashaanka ugu daruurayo.

Sida ay wararku sheegeen madaxweyne Rayaale iyo gudoomiyaha guurtida Saleebaan Maxamud Aadan waxa waqtigan xaadirka ah fiinta ayaa dhexmiranaysa, taas oo macneheedu yahay inay si weyn isugu maan-dhaafsan yihiin hogaaminta siyaasadeed ee dalka, waxaana la sheegay inuu madaxweyne Rayaale waqtigan xaadirka ah si weyn u door-bidayo inuu kursiga ka riixo Saleebaan Maxamud Aadan, si uu meesha keeno nin uga ilko-qabow oo aan ka hor-iman qorshayaasha uu doonayo inuu golaha ka fushado. Sidaa darteed ilaa dhawrkii maalmood ee u dambeeyey waxaanay bidhaantoodu qarsoonayn olole xoog leh ku waajahan golaha guurtida, waxaana socday kulamo si is-dabajooga ah uga dhacayey madaxtooyada iyo meelo kaleba, kulamadaas oo u dhacayey si koox-koox iyo shakhsi shakhsiba leh waxa lala yeelanayey qaar ka mid ah mudanayaasha golaha guurtida, taas oo la sheegay in wada-tashiyo iyo gorgortan lagala yeelanayey sidii kursiga looga tuuri lahaa gudoomiyaha guurtida, iyadoo uu madaxweyne Rayaalena ragga qaarkii ugu bushaareeyey inuu saadka u badan doono si ay hawsha uga soo dhalaalaan. Sida ay sheegeen dad kulamadaa u dhuundaloolay madaxweyne Rayaale waxa uu sheegay inaanay meesha wada joogi Karin isaga (Rayaale) iyo Saleebaan, sidaa darteed loo baahan inuu golaha guurtidu bedelo, nin kalena meesha keeno, hase yeeshee ilaa hadda lama oga ninka uu madaxweyne Rayaale la doonayo kursiga gudoomiyaha guurtida, inkasta oo dhawr nin oo uu Xaabsade ka mid yahay la hadal-hayo.

Marka laga yimaado kulamada iyo ololaha laga wado dhinaca madaxtooyada, waxa kale oo jira dhinacyo kale oo laga wado ololaha ku waajahan sidii meesha looga saari gudoomiyaha guurtida, waxaana meelahaa kale ka mid ah nin la yidhaahdo Boqor Cismaan Buurmadow oo la sheegay inuu si weyn uga dhex-muuqdo mashruucan, isagoo si qaawan oo ay badawnimo badani ka muuqato shaaracyada ula taagan yahay Saleebaan baanu ridaynaa iyo baayactan lacageed oo aanu qarsanayn, lamase oga halka uu sheekada ka soo galay, maadaama aanu labada aqal (Madaxtooyada & Guurtida) midna ka tirsanayn. Sidoo kale xubno wasiiro ah ayaa la sheegay in si gaar ah shaqo guri (Home-work) ka midho-dhallinta mashruucan, kuwaas oo qaar ka mid ah magacyadooda shaaricyada lagu hayo oo aanay qarsoonayn.

Sida ay wararku sheegeen waxa socda waxyaalo ay ka mid yihiin baayactan dhaqaale iyo ballan-qaadyo kala nooc-nooc ah, iyadoo ragga qaarna sacabka wax loo saaray.

Ololaha la damacsan yahay in lagu hujuumo gudoomiyaha guurtida Saleebaan Maxamud Aadan (Saleebaan-gaal) wuxuu ku soo beegmay xilli ay kaabiga saarran tahay marxalad cusubi, taas oo ah inuu gabaabsi yahay mudadii sannadka ahayd ee kal hore loo kordhiyey xukuumadda madaxweyne Rayaale, isla markaana uu muuqdo ifafaale muujinaya inaanay doorashada madaxtooyadu dhacayn xiligii lagu ballamay oo ahayd 29-ka bisha March ee foodda inagu soo haysa. Sidaa darteed waxa la aaminsan yahay in ololaha la doonayo in kursiga lagaga riixo Saleebaan-gaal uu hordhac u yahay marxaladda cusub ee kaabiga saarran, taas oo ay dadka arimaha xukuumadda aad ugu dhuundaloolaa soo tebinayaan in maadaama ay madaxweyne Rayaale iyo gudoomiyaha guurtidu si weyn isugu diidan yahay dhinaca siyaasadda ay xukuumaddu ka baqe qabto inuu Saleebaan-gaal caqabad ku noqdo muddo-kordhinta ay xukuumaddu u baahan tahay marka waqtigeedu dhamaado, iyadoo ay mudadii xukuumadda habeeno ka hadhsan yihiin, sidaa darteedna la damacsan yahay inuu Saleebaan-gaal noqdo cidda ugu horaysa ee lagu sad-qeeyo muddo-kordhinta, maadaama la rumaysan yahay inuu ka hor-iman doono hadii ay timaado miiska guurtida, iyadoo ay muddo-kordhintu tahay arin ay dadka badidiisu sas ka qabaan, waxayse hadda u muuqataa inay taasi soo guuxayso, waxaana inay taasi jirto habeen hore qaar ka mid ah saxaafadda u sheegay mudane ka tirsan golaha guurtida, isagoo tilmaamay in gudoomiyaha golahana la ridayo, muddo-kordhintuna ay jirto.

Sidoo kale waxay wararku sheegeen inuu gudoomiyaha guurtidana dhiniciisa si weyn isha ugu hayo weerarka ku soo maqan, sidaa darteedna uu wado dhaqdhaqaaq iyo olole xoog leh oo uu gaashaanka ugu daruurayo weerarka ku soo maqan, iyadoo la sheegay inay mudanayaasha golaha guurtidu u kala qaybsan yihiin laba jinaax oo uu mid taageersan madaxweynaha iyo gudoomiyaha guurtida, lamanase oga ilaa dhinaca aqlabiyaddu u janjeedho, waxayse wararku xaqiijiyeen inuu Daahir Rayaale nidar ku galay inuu kursiga ka tuuro Saleebaan-gaal, halka dhinaca kalena la sheegay inuu Saleebaan-gaal isna nidar ku galay inaanay taasi socon.

Marka la eego dareemada iyo tibaaxaha ka soo baxaya dadka arintan u dhuundaloola waxay leeyihiin hadii ay sheekadaasi sida ay hadda u socoto u socoto waxay saamayn weyn ku yeelan doontaa xaaladda golaha guurtida, taas oo ay dadka arinta u dhuundaloolaa si weyn uga baqe qabaan inay mudanayaasha aqalka guurtidu arintaa si xun ugu kala jabaan, taasina ay wiiqdo midnimadii golaha, iyadoo ay wararka qaar tibaaxayaan in laga yaabo Sabtida foodda inagu soo haysa in golaha la horkeeno mooshinno iska soo horjeeda, taasina ay dhaliso buuq iyo isku dhac mudanayaasha dhexdooda ah, lamase oga waxa ay mooshinadaasi kala xanbaarsan yihiin, waxaase la sheegay inay labada jinaax ee kala taageersan madaxweynaha iyo gudoomiyaha guurtida ay qoloba boqshad gaar ah guntiga ku sidato. Sidoo kale arintani waxay saamayn ku yeelan atmosfeerka siyaasadeed ee Somaliland, waxayna abuuri kartaa buuq iyo khilaaf hor leh oo aan loo baahnayn inay meesha yimaadda xiligan xasaasiga ah ee lagu jiro.

Inkasta oo ay wararku leeyihiin madaxweyne Rayaale way ka go’an tahay inuu Saleebaan-gaal dhinaca isu dhaafiyo si uu meesha u keeno nin arimihiisa u dhego-nugul, hadana waxay dadka badani aaminsan yihiin inaanay taasi ahayn sheeko hawl-yar, ayna keeni karto fad-qalalo siyaasadeed iyo isku dhacyo cusub, iyadoo ay awelba dalka ka jireen ismaandhaafyo iyo khilaafaad siyaasadeed oo la xidhiidha geedi-socodka doorashooyinka, waqtigana ay soo fool leedahay marxalad cusubi, taas oo hadii ay doorashada madaxtooyadu dib u dhacdo aan wax talo laga sii lahayn, lagana baqe qabo in goor aan goor ahayn qaylo yeedho, sidaa darteedna uu khilaaf-ba khilaaf kabriidka ku sii qabto.

Inkasta oo aanay sheekadani ilaa hadda si muuqata shaaracyada ugu soo bixin, hadana waxay qayladeedu yeedhi doontaa marka ay sida la filayo toddobaadka foodda inagu soo haya miiska guurtida timaado.

Xigasho: Wargeyska Haatuf

Comments are closed.