“Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Waa Inuu Is-casilaa Intaanaan Xilka Xayuubin Kusoo Rogin Hadalkii Uu Yidhi Dartii.” Xil. Nacnac.

Hadhwanaag 2009-02-11 (Hadhwanaagnews) Hargeysa(HWN):-Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac) oo ka tirsan Mudanayaasha Golaha Wakiillada ayaa Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland ugu baaqay inuu Is-casilo intaan xil-ka xayuubin lagu sameyn,hadal dhawaan ka soo yeedhay oo uu ku sheegay in aan Soomaaliyi kala maarmi Karin,dhula kala xidhan karin dartii.Sidoo kalena,Nacnac waxa uu Madaxweyne Rayaale u soo jeediyay in uu kala caddeeyo in uu Ku-xigeenkiisa ku raacsanyahay hadalka uu yidhi iyo in kale.

Xildhibaan Nacnac,oo Shir Jaraa’id maanta ku qabtay Xarunta Golaha Wakiillada ee Magaaladda Hargeysa, waxa uu ku dooday in Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Md.Axmed Yuusuf Yaasiin jabiyay qodob Dastuuri ah,isla markaana ka soo horjeestay jiritaankii Qaranimada Somaliland, sidaa daraadeedna ay u sharaf roon tahay inuu iska casilo xilka uu ummadda u hayo.

Md. Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac), oo ka tirsan Xildhibaanadd Xisbiga Kulmiye ee laga soo doortay Gobolka Hargeysa, oo arrimahaas ka hadlayaana waxa uu yidhi, “Hadalkii Madaxweyne Ku-xigeenka ka soo yeedhay ee uu Saxaafada ka sheegay ayaan wax yar ka odhanayaa, taasoo ah, in ay qalad tahay in uu Axdi qarameedkii Dastuurka iyo jiritaanka Somaliland oo waxaan la taaban Karin ahaa inuu jabiyay, oo uu u baaqay nin aan weli waxba iyo Gole Xukuumadeed samaysan, oo uu sheegay xidhiidh dublamaasiyadeed la samaysanayo,”

Xildhibaan Nacnac isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu intaa ku daray oo uu yidhi, “Iyada oo halka ay Soomaaliya Innaga taagan tahay iyo wixii inna soo kala maray aynu ognahay. Oo Mujaahidiinteenii iyo Hooyooyinkood suuqyada dawarsanaya, oo Carruurtii Mujaahidiintu gaajo u bakhtiyayso, isaga oo qaadhaan-diid ka ahaa Sucuudi Arabia, inuu arrintaa ku baaqo waa qalad, Adduun weynuhuna wuu innala yaabayaa. Markaa waxaan ka codsanayaa inuu istiqaaladda dhiibo oo uu iska casilo xilka uu Qaranka u hayo hadalkaa ka soo yeedhay dartii inuu isku casilo intaan xil-ka-xayuubin la saarin ayay tahay sharaftiisa iyo ta wadanku haddii uu wax u tudhanayo.”

Mar Xildhibaan Nacnaac waxa laga waydiiyay qodobada uu u cuskanayho xilka qaadista iyo is-casilaada uu Madaxweyne Ku-xigeenka ka dalbaday, waxa uu ku jawaabay, “Waxa weeye qodobka labaad ee Dastuurka ee odhanaya jiritaanka Somaliland waa wax muqadas ah oo aan laga laabmaynin, isaga oo u soo dhaartay oo Madaxweyne Ku-xigeen ah ayuu yidhi, ‘aynu la galo wax, dad Somali ah ayaynu nahay oo kala maarmi mayno’ kalmadaa uu yidhi ayaa qalad ah waanu gafay. Markaa xataa ka ka sareeya (Madaxweynuhu) inuu garawshiiyio ka bixiyo oo uu yidhaahdaa sidaas iyo sidaas looma jeedin oo ha caddeeyo inaanu Madaxweyne Ku-xigeenka la qaban hadalkan uu yidhi, laakiin haddii uu sidaa odhan waayo, Annagu haddii aanu nahay dadkii Mujaahidiinta ahaa, waxaanu u aragnaa inuu Madaxweynuhuna la qabo arrintaas Ku-xigeenkiisa ayaanu ka doonaynaa Daahir Rayaale.”

Sidoo kale, Md. Nacnac oo ka jawaabayay su’aal In Madaxweyne Rayaale door muhiim ah ka ciyaaray suuragalnimada Shirkii Jabuuti ee Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Sheekh Shariif lagu soo doortay dhaqaale ahaan iyo arrin ahaanba iyo waxa uu Xildhibaan ahaan ama Gole ahaan uu kala socdo, waxa uu yidhi, “Wallaahi wixii la hubo ayuun baa wax laga sheeegaa, laakiin Madaxweyne Rayaale waakii Jabuuti dhawaan u diray Wasiirada Arrimaha Dibada, Maaliyaddaaa iyo Arrimaha Gudaha, nuxnuxdaasina way iska jirtaa. Laakiin, durba ifafaaleheedii ayaanu haynaa oo addigu ku dhawaan bal Fidh-baaga dadka ka bixiyo, dabadeedna waakan Madaxweyne Ku-xigeenku ku dhawaaqay, Madaxweyne Rayaalena wax u qarsoon war uma hayno, maalin dhawaydna Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha Ismaaciil-yare waxa laga hayaa Rayaaluhu Rayaalihii aad ogaydeen maaha ee ha layska hubiyo,”

Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac) oo la waydiiyay waxa ay Gola Wakiillo ahaan kala socdaan olole la sheegay in ay Xukuumadda Madaxweyne Rayaale habeenadanba ugu jirtay sidii Guddoomiyaha Guurtida loo bedali lahaa, waxa ku jawaabay oo uu yidhi, “Waxaanu kala soconaa waxbaa ka jira, illaa xalay in lacag la qaybinayay waanu ogayn, waanay jirtaa in lagu tala-jiro in la casilo oo Guddoomiyaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan la bedalo oo xubin dhaq-dhaqaaqaysa, si uu u yidhaahdo Anniga Madaxweyne Rayaale ahaan laba sannadood ha la ii kordhiyo muddada Xilka.”

Xigasho / Hadhwanaagnews.com/Office

Comments are closed.