Gudoomiyaha Golaha guurtida oo Fashiliyay Shirqoolkii iyo Faragalintii Rakhiiska Ahayd Ee Madaxtooyada Laga Soo Abaabulay.
Hargeysa- Somaliland, Tiro aan ka badnayn 15 xubnood oo laga soo ababulay aqalka madaxtooyada si xilka gudoomiyenimo looga qaado gudoomiyaha golaha guurtida mudane Saleebaan Maxamud Adan ayaa ku soo gabagaboobay waji gabax iyo dafiraad qaar ka midi dafirireen.
Fadhiga maanta oo si weyn loo sugayey, isla markaana ay ku gedaanayd xamaasad weyni waxa saaka ka soo xaadiray xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiillada, siyaasiyiin, aqoonyahanno iyo waxgarad aad u fara badan oo danaynayey arrinta iyo dadweyne aad u fara badan oo isa soo hortubay golaha Baarlamaanka. Hadaba , ka hor intii aanu furmin goluhu ayaa la ogaadey in badiba mudanayaashii watey mooshinka xil-ka-qaadistu aanay ka soo daahirin golaha, iyada oo dhawr xubnood oo ka mid ah kooxda ololaha wadeyna ay dafireen inuu jiro olole xilka lagaga qaadayo Guddoomiyaha.
Fadhiga golaha oo ay fadhiyeen 50 mudane ayaa ku furmay jawi kulul, kadib markii xubnaha Shirguddoonka oo uu horkacayey Guddoomiyaha Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan ay soo galeen hoolka shirka, isla markii shirku furmayna ay gudagaleen arrinta sida weyn loo sugayey ee mooshinka xil-ka-qaadista.
Markii ay isku daygaas ku fashilmeen ayaa halkaas waxaa khudbad dheer ka jeediyey Guddoomiyaha Gollaha Guurtida Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan, wuxuuna kaga hadlay xaalada dalka, nabadgelyada dalka iyo xaaldaha ka soo cusboonaanaya hadba dalka ee lagu damacsan yahay in lagu khalkhalgeliyo ummda Somaliland. Guddoomiyaha ayaa khudbadaas kaga hadlay dhawr qodob, waxaana uu si toosa u abaaray Qasriga Madaxtooyada Somaliland oo uu ku tilmaamay mid xilkeedii ka soo bixi wayday iyo masuuliyadii loo igmaday. Wuxuu guddoomiyuhu sheegay in shantii sano ee la doortay Madaxweyne Rayaale iyo xukuumadiisa uu xilkiisii ka soo bixi waayey, sidoo kale carabka wuxuu ku dhuftay in laba jeer loo kordhiyey markii la arkay qabyo iyo masuuliyadoodii oo ay ka soo bixi waayeen Gollaha Fulinta ee Somaliland, wuxuu sidoo kale sheegay in aanay sinaba u dhacayn in mar sadexaad loo kordhiyo, waana in ummada doorasho loo qabtaa ayuu ku adkeeyey carabka mudane Saleebaan.Wuxuu sidoo kale sheegay in ay haya’da Interpeace wado khalkhal iyo caqabayd oo ay intaas ku doodayso in aan lagu kalsoonaan karin Guddida Komishanka Somaliland, wxuuna sheegay Guddoomiye Saleebaan in aanay hay’ada interpeace ahayn shaqadeeda in ay gasho hawlahaas, wuxuuna uga digay in ay faraha kula sii jirto khalkhalgelinta doorashada iyo arrimaha aan khusayn.
Guddomiye Saleebaan wuxuu kaloo sheegay in ciidamada qaranka iyo kuwa Booliskuba u ahaadaan dhex hay’daha dawlada iyo axsaabta qaranka, wuxuu aad ugu adkeeyey in aanay haboonayn dheeliga ka muuqda ciidamada qaranka iyo Booliska ee aan ahayn dhexdhexaadnimada, sidoo kale wuxuu sheegay in ay tahay qalad, haboontahayna in la soo daayo gaadhi uu lahaa xildhibaan Gollaha ka mid ahi oo boolisku xidhay, ka dib markii uu ku eedeeyey wasiir xukuumada ka mid ahi, in uu gaadhigaasi wado dhaqdhaqaaq illaa hadana uu ku xidhan yahay sidaas. Wuxuu saleebaan ka hadlay asluubta iyo nashaxa looga baahan yahay ciidamada Somaliland, kuwa Booliska iyo kuwa qarankaba.
Wuxuu kaloo ka bixiyey warbixin dheer Guddoomiuhu waxa sababta u ah mooshinka maanta dhex yimi Gollaha Guurtida, wuxuuna sheegay in uu yahay qorshe ay xukuumada Madaxweyne rayaale daba ka riixaysay, ka dibna markii ay ku fashilantay masuuliyadii loo igmaday.