Doorashada Madaxtooyadu Aanay Dib U Dhicin. “Goluhu Wuxuu Isku Raacay In Loo Yeedho Oo Su’aalo La Weydiiyo Komishinka Doorashooyinka”
Hargeysa(Ramaas) Feb22, 2009 – Xildhibaanada golaha wakiilada Somaliland ayaa maanta cod aqlabiyad ah ku ansixiyay mooshinkii ku saabsanaa in doorashada madaxtooyadu ay wakhtigii hore loogu heshiiyay oo ah 29-ka Bisha March ee fooda innagu soo haysa ay ku dhacdo, kaasi oo ay muddo laba todobaad ku dhow ay ka doodayeen.

Fadhigii golaha wakiilada ee maanta oo uu guddoominayay Guddoomiye ku xigeenka Labaad Md. Baashe Maxamed Faarax, isla markaana ay madasha ka soo xadireen 42 Mudane, waxaa in meel marinta mooshinkaasi ogolaaday 33 Mudane, 6 Mudane ayaa diiday, 2 way ka aamuseen guddoomiyuhuna muu codayn.
Mooshinkan oo ay dhawaan golaha horkeeneen 30 Mudane, waxaa kale oo lagu dalbaday in Goluhu u yeedho Komishinka doorashooyinka si ay wax uga wediiyaan halka ay hawshii qaban qaabada doorashadu ay u marayso.
Xigasho /Ramaasnew Desk
Hargeysa.