Musharaxa Madaxwayne Ku Xigeenka Ee Xisbiga KULMIYE Mudane Saylici Oo Maanta Hargaysa Soo Gaadhay

Hargeysa(Dham)-Musharaxa Madaxwayne ku xigeenka xisbiga siyaasiga ah ee KULMIYE Mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) oo in muddo ah safar shaqo ugu maqnaa dalka Ingiriiska ayaa maanta ka soo degay garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargaysa.
Musharaxa Madaxwayne ku xigeenka xisbiga KULMIYE Mudane Saylici waxa garoonka ku soo dhaweeyay hogaanka xisbiga, xubno ka mid ah guddida fulinta iyo golaha dhexe ee xisbiga iyo taageerayaasha xisbigaaasi oo uu hogaaminayo guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).
Mudane Cabdiraxmaan Saylici oo qolka nasashada ee garoonka diyaaradaha kula hadlay saxaafada ayaa sheegay in ujeedada ugu wayn ee safarkiisu ay ahayd sidii ay jaaliyadaha dibada uga iibin lahaayeen fikirkooda oo ah in dalku uu u baahan yahay isbadal siyaasadeed, fikirkaasi oo ay si guul ah noola qaateen áyuu yidhi’ jaaliyaddu, isla markaana ay taageerayaasha KULMIYE iyo guud ahaanba jaaliyadda Somaliland ay ka goántahay in doorashadii ay qabsoonto waqtigii loo qoondeeyay ee 29 March.
Mudane Saylici waxa kale oo uu ka hadlay shir ballaadhan oo xisbiga KULMIYE ku yeeshay magaalada London ee cariga Ingiriiska oo uu ka qayb galay iyo shir kale oo dhamaantood lagaga hadlay isbadalka uu dalku u baahan yahay iyo xisbiga KULMIYE sida uu iskugu diyaariyay dhisme ahaan iyo tayo ahaanba, isla markaana uu yahay xisbi la isku raacsan yahay in isbadal dhab ah uu dalka u horseedi doono.