Xisbiga KULMIYE Iyo Komishanka Doorashooyinka Oo Shir Albaabada Isu Xidhay

Hargaysa (Somaliland.org)- Xisbiga KULMIYE iyo Komishanka doorashooyinka qaranka ayaa maanta kulan alaabadu u xidhan yihiin ku yeeshay huteelka maansoor ee magaalda Hargeisa, kulankaas oo ay kagaga hadlayeen sida xisbiga KULMIYE u aqbali lahaa mudada komishanka qaranku dibv ugu riixyo wakhtiga doorashada la qabanayo.
Kulanka komishanka iyo xisbiga KULMIYE oo aan warbaahinta loo ogolaan ayaa kulanka ka dib gudoomiye ku xigeenka koowaad ee xisbiga KULMIYE muuse biixi cabdi oo warbvaahint al ahadlay aya asheegay in koilankuudu ay kaga hadleen, labada dhinac sidii xisbiga KULMIYE u aqbali lahaa mudada komishanka u cayimay maalinta la qabanayo doorashada madaxtooyada oo ay shalay u mudeeyeen 31-ka bisha May ee sanadka 2009 Mudan Muuse Biixi Cabdi waxa uu sheegay In xisbiga KULMIYE komishanka ku wargeliyey inay diyaar u yihiin inay la shaqeeyaan isla markaana ay sigaar ah u yihiin inay ka qayb galaan, doorashada madaxtooyada inta ka horaysa 6 bisha abril 2009 wakhtigaasi oo ah wakhtiga ay xukuumada m/rayaale kaga egtahay mudadii sanadka ahayd ee loogu kordhiyey, mudada xil haynta
Gudoomiye kuxigeenka koowaad ee xisbiga KULMIYE muuse biixi cabdi waxa uu markale ku celiyey mowqifka xisbiga KULMIYE waxaanu goleyaasha sharci dejinta ugu baaqay inayt dalka ka bedbaadiyaan marxalada siyaasadeed oo murugsan soona dhisaan maamul ku meelgaadha oo 2da ka gaadhsiiya doorashada xor oo xalala marka ay dhamaato mudada sharciga ah ee la doortay m/rayaale
Dhinca kale gudoomiye ku xigeenka komishanka d/ qaranka cali Maxamed cabdi biikolo ayaa kulanka ka dib warbaahinta u sheegay in kulanka maanta ee komishanka iyo xisbiga KULMIYE uu ahaa kulamada wada-tashiga ee komishanka iyo axsaabta qaranka xisbiga kulmiyena ay isla fahmeen waxyaabo badan oo ay ka wada hadleen walina wada hadal uu u socdo, cali biikolo waxa uu sheegay in mudaynt amaalinta doorashada la qabanayo komishanka awood u leeyahay laakiin aanu go’aanka la sexeexayn inta la dhamahynayo tabashooyinka axsaab ta qaranka, taasi oo uu sheegay in manta galinka dambe ay kulan la yeesheen labda xisbi ee UDUB IYO UCID kulamada wada tashiga ah ee komishanka d/qaranku iyo xisbiga KULMIYE ayaa ka dambeeyey kadib markii maalintii shalay komishanka qaranku si lama filaan ugu shaaciyey inay maalinta doorsahada madaxtooyadu u mudeeyeen 3/ may ee ee sanadka 2009 dibu dhacaas I oo noqonaya dib u dhicii afraad ee doorashada madaxtooyadu dib uga dhacdo wakhtigii laysku ogaa, taasi oo xisbiga KULMIYE si cad u sheegay inaanu marnaba aqbali doonin mudo kordhin dambe oo lagu sameeyo mudada xilka madaxweynaha iyo ku xigeenka.

Xigasho/ Soaliland.org

Comments are closed.