‘Golayaasha Sharciga Ah Ayaanu Ka Sugaynaa Cidda 6 April Wixii Ka Dambeeya Ummada Doorasho Gaadhsiinaysa’ KULMIYE
Hargaysa (Somaliland.org)- Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Xisbiga KULMUYE Cabdiraxmaan Cabdiqaadir Faarax ayaa shir jaraa’id oo uu maanta qabtay ku sheegay wakhtigii xisbiga KULMIYE uu iska taagay wixii ka dambeeya 6-da bisha April oo sharciyadda Madaxwayne Riyaale ku eegtahay in go’aankaasi ay taagan yihiin oo ay ka sugayaan golayaasha Baarlamaanka ciddii 6-da bidha April wixii ka dambeeya ummadda doorasho gaadhsiin lahayd.
Cabdiraxmaan Cabdiqaadir Faarax waxa uu shirkiisan jraa;id kaga hadlay in muddadii Sharciga ahayd ee Madaxwayne Riyaale la doortay ay ahayd 5 sanno oo ku dhamaaday bishii 4aad ee sannadkii dhamaaday, markii golaha guurtidu uu sannadka u kordhiyayna uu balan qaaday in mudadaasi sannadka ah uu ku diyaarinayo doorashadii, hase ahaatee isaga oo aan diyaar ahayn wakhtigii danbane uu ka dhacay. Sidaasi darted xisbi ahaan golayaasha sharciga ah ay ka sugayaan in ay go’aan ka gaadhaan cidda 6-da bisha April wixii ka danbeeya ummadda doorasho gaadhsiin lahayd.
Cabdiraxmaan Cabdiqaadir waxa kale oo uu ka hadlay arrimaha nabadgeliyada oo uu sheegay in xukuumaddu wado dacaayado lagu khalkhal gelinayo nabad geliyada, si doorashada dib loogu sii rido iyo aflagaadooyin baryahan danbe warbaahinta xukuumaddu ay ku wado buu yidhi mujaahidiintii SNM oo kawa aflagaadaynayaana ay ahaayeen kuwii ka danqan waayay markii dadka la xasuuqayay ee mujaahidiintii SNM ay naftooda u hureen.
Ugu danbayn guddoomiye ku xigeenka labaad waxa uu sheegay in xisbiga KULMIYE aanu wadin nabadgelo darro ee kaliya uu wax ku doonayo food ay ku kalsoon yihiin xisbi ahaan in dadka Somaliland ay dooranayaan xisbiga KULMIYE, kadib markii xisbiga UDUB uu ku fashilmay wax qabadkii ummadu ka sugaysay.
xigasho/ Somaliland.org