Warqad Furan Oo Ku Socota Xisbiga KULMIYE Iyo Hogaankiisa Sare
Ku: Gudoomiyaha xisbiga KULMIYE Mujaahid Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ahna musharaxaha madaxweyne
Ku: Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), musharaxa madaxweyne ku xigeen ee xisbiga
Og: Gudoomiye Ku xigeenada Xisbiga
Og; gudida fulinta xisbiga
Og: golaha dhexe ee xisbiga
Arar kooban,
Mahad oo dhammi waxa ay u sugnaatay Allaha weyn ee ina uumay SWT, naxariista iyo nabad gelyada Eebena korkiisa ka ahaato nabigeenii mudnaa Muxamed Ibnu Cabilaah SCW.
Waxa aan cidna maanta mugdi kaga jirin marxaladda aadka u murugsan ee dalku marayo, ku dhawaad 18-sano oo ay shacabka reer Somaliland ku soo tabcayeen dawlad yar oo curdin ah oo aan beesha caalamka ka haysan wax ictiraaf ah, wali shacabkaasi haakah mar kali ah kama ay odhan xukuumad ka turjunta baahiyaheeda dhabta ama aasaasiga ah ee ay leedahay, qof kasta oo wadanka lexejeclo ka hayso oo muwaadin ahi waxa uu filayaa in is badal weyn loo baahanyahay, is badalkaasi ha noqdo mid siyaasi ah ama mid dadbane, shacabku marnaba may filayn in xukuumadii ay codkooda siiyeen sidan ula dhaqmi doonto, hadiibase ay xukuumada tamarta daran ee maanta jirtaa ku guulaysato in ay bulshada u fududayso in ay mar kale codkooda ku soo doortaan cida ay doonaan, maxaa la gudboon xisbiyada qaranka ee mucaaradka ah gaar ahaan xisbiga KULMIYE oo ah kan ugu tunka weyn marka loo eego labada xisbi ee kale.
Nuxurka qoraalka,
Xisbi kasta oo isu diyaarinaya in uu ku guulaysto doorashooyinka ku soo aadan waxa uu awoodda saaraa sidii uu shacabkiisa u hanan lahaaa, doodaha, lafa-gurka siyaasadeed, barnaamij siyaasadeed oo wax qabad oo cilmi ku dhisan, iyo kaambayn loo diyaariyay si cilmiyaysan oo waliba casriga la jaan qaadayaa waa aasaaska bar bilawga guusha. Guud ahaan xisbiga KULMIYE, gaar ahaan masuliyiinta xisbigan waxa la gudboon in ay diyaariyaan qorshe hawleed ku aadan sidii uu xisbigu kaambayn siyaasadeed oo dhumuc badan u gali lahaa. Xikmad siyaasadeed ayaa tidhaahda “kaambayn wanaagsani waxa uu kuu horseedaa guul”. Hadaba waxa iga talo ah anoo ka mid ah bah-weynta xisbiga in kaambaynka doorashooyinka ee foodda inagu soo hayaa noqdo mid si wanaagsan u qorshaysan oo in muddo ah laga shaqeeyo. Si aan u helno kaambayn wanaagsan oo muujinaya cududa tayo iyo tiro ee xisbiga waa in la racaa tallaabooyinkan soo socda:
• Masuuliyiinta xisbigu waa in ay xoojiyaan xidhiidhka ka dhaxeeya laamaha taageerayaasha xisbiga ee dibada (KULMIYE Diaspora)
• Diyaarinta qorshe cad oo xisbigu ugu diyaar garoobo kaambaynka doorashooyinka Somaliland.
• Waa in barnaamijka xisbigu ka turjumaa baahiyaha wakhtigan taagan ee bulshada Somaliland haysta, aan is waydiino muxuu barnaamijkeena siyaasadeed kaga duwanyahay labada xisbi ee tartanku inaga dhaxeeyo, in badan waxaad maqlaysaa hadalo odhanaya: maxay ku kala duwanyihiin sadexda xisbi qaran?.
• Masuuliyiinta xisbigu sida ugu dakhsaha badan ha u magacaabaan guddida kaambaynka ee xisbiga, si ay iyaguna u qabtaan siminaaro iyo aqoon is waydaarsiyo la xidhiidha aqoonta aynu uga baahanyahay kaambayn casri ah oo bulshada aynu ku soo jiidano. (ogaada qof kali ah oo telefishan ka hadlay oo xisbiga ka tirsani in uu lumin karo taageerada kumanaan qof ama soo jiidi karo taageerayaal hor leh)
• Dhallinyarada u diyaariya madal ay ku doodaan oo ay wakhtiyada qaarkood kula kulmaan madaxdooda xisbiga ee heer gobol ilaa heer qaran. Fadlan ogaada codka ugu badan waxa xisbiga siin kara haweenka iyo dhallinyarada. Qiime inooma laha oday koofiyad bacle ah oo mabda’iisa siistay shilimaad yar iyo qadar kooban oo qaad ah.
Wabiilaahi tawfiiq, waa inoo mar kale iyo talooyin waxtar u leh xisbigeena
Khadar Maxamuud Yuusuf
Hargeisa Somaliland
E-mail: mkhadar7@yahoo.com