Fadeexad Iyo Musuq-Maasuq Ka Soo Baxay Xogta Natiijadii Diiwaangelinta Iyo Ka Gil-Gilashada KomishankaIyo Interpeace Oo Daaha Ka Fayday Tuhuno Hore Loo Qabay
Muwaadinka Ay Xogtiisii Luntay Sidii Looga Kaban Karaa Iyo Baadhisteedii Way Socotaa… Idinkuna (Axsaabta) Hanagu Dul-Botorini-Na Ee Meelahaa Kale La Tagga” Jaamac Sweden
Hargeysa March 8, 2009 (Haatuf)- Komishanka Doorashooyinka ayaa Shalay kulan ugu qabtay xaruntooda saddexda xibi qaran iyo hay’adda interpeace, si ay asxaabta ugu qanciyaan bilawga hawsha Serverka kala shaandhaynta dadkii iska diiwaangeliyey gobolada Somaliland, taas oo ay xisbiyada Mucaaridku si weyn uga biyo diideen natiijooyinka ay komishanku sheegeen in lagu shubay Server ka oo madmadow badani ka soo baxay, halka xisbiga talada haya ee UDUB ay iyagu soo dhoweeyeen waxa ay komishanku soo bandhigeen.
Kulankan oo ahaa mid xasaasiya ayaa cakirmay markii ay komishanku sheegeen in tirooyinkii gobolada qaarkood iska diiwaangeliyey ay goobo ka mid ahi lumeen, oo aanay haynin macluumaadkii iyo in gobolka Awdal ay tiro aad u badani ku korodhay tirooyinkii hordhaca ahaa ee ay komishanku baahiyeen, halka ay gobolada Hargeysa, Togdheer, Sanaag iyo Sool ay wax ka go, een tirooyinkii hordhaca ahaa ee komishanku hore u sheegay.
Gudoomiyaha komishanka doorashooyinka Qaranka Jaamac Maxamuud Cumar oo kulankaas ka hadlay ayaa si kulul ugu sheegay xisbiyada mucaaridka in aanay komishanku u gacmo duubnaanayn hawl kasta oo ay qabanayaan, balse khaladaadka jira ee ka soo baxay diiwaan galintii la isla eego isla markaana laga wada sheeqeeyo oo komishan ahaan aanay kaligood waxba qaban Karin, haddii aanay axsaabtu wax la qaban.
Guddoomiyaha komishanka doorashooyinka oo arimahaasi ka hadlayaana waxa uu yidhi:
“Waxaanu idiin sheegaynaa (Axsaabta Qaranka) komishanka qaranku idiin gacmo duubnaan maayo in aad wax walba tidhaahdaan talaabo ha qaadina, horta taa ogaada, wixii aynu wada leenahay ee aynu isla qorshaynayno ama aad tidhaahdaan jooga.
Waxa weeye halkaa xog ayaa soo gashay, wax ku go’aya maalin keliya maaha, waa wax soconaya, waa wax inay shaqadu bilaabanto ah oo aad eegataan sida ay u socoto oo liiska soo baxa koobigii ayaa yaala oo giddaar ayaa lagu dhejinayaa kii isdiiwaangeliyay ee meesha ka baxay ayaa odhanaya xagee ayaa la igeeyay, horta wax ayaar go’aya maaha, hawsha diiwaangelinta khalad badan oo aynu leenahay ayaa ku jira oo iminkaba aad wada dul marteen, hadaba ma shaqada iyo wada jooga, anaga (Komishanka) talaabadii la qaadaba wax baa naga go’an oo hawl ayaa nagu socota.
Waad ogtihiin oo umadan waxa ay u baahan tahay in doorasho loo qabto, noo kaalaya oo nala eega wixii jira, oo wixii daw ah joojiyana-na dhaha.
Maanta waxa aynu halkan isugu nimi in aynu ummadan wax u qabano, xisbiyadu dano siyaasadeed ayay leeyihiin taana sida aad u kala helaysaan idinka ayay idin jirtaa, laakiin waxa aanu idin leenahay aan liis xalaal ah idiin soo saarno.
Komishankana haddii aan lala shaqayn keligii waxba ma qaban karo, wixii halkaa yaalana ilaahay baa naga og oo wax aan wanaag ahayn ma ogin.
Xisbiyada qaranku dadkuba ha ogaadeen nimankaa cadaanka ah kalsoonidooda iyaga ayaa bixiyay oo yidhi bahashani hanti dhawr ayay leedahay, waa in la baadhaa waana in la ogaadaa meeshay gashay, inta aan maanta isugu kiin yeedhnay intii aynu fadhiyi lahayn ama joornaal aanu ku qorno ama halkan ha noo taalee waxa weeye in aynu bahashii bilaabano heer gobeed, heer degmo iyo heer gobol-ba iyo heer qaran-ba, intaas ayay u qaybsan tahay kii ku laba celiyay iyo kii albanka laga soo qaaday-ba intuba halkan ayay noo yaalaan.
Waxaana weeye in aynu guud ahaan meel uga soo wada jeedsano arrinkaas wax dan laga leeyahay oo la odhan karo waxbaa la sameeyayna maaha arrinkaasi, waxa weeye wixii lumayna way lumeene sidii looga soo kaban lahaa ayaa loo fadhiyaaye maaha in la yidhaahdo siday u lumeen.
Waayo nin muwaadin ah oo ay xogtiisii luntay oo xaq leh, sidee ayay u luntay iyo sidee ayaa looga kaban karaa iyo siday u wax u jiraan baadhistiina way socotaa, haddii la yidhaahdo 20 baa lumay waa in komishanka qaranku uu baadhaa ummadana uu ka qanciyaa, idinkuna (Axsaabta Qaranka) halkay u nugushahay uun lagama eegtee waxa aanu doonaynaa in meel looga soo wada jeedsado, waxa aynu ka hadlaynaa waa farsamo uune aynu isla eegno anagana ha nagu dul botorinine, meelaha kale ku botoriye”
Ugu dambayntii su’aalihii ay saxaafadu halkaasi ku weydiisay guddoomiyaha komishanka, Mr Jaamac Sweden ayaa waxa ay u dhaceen sidan:
S:Imika shirka waxa nooga muuqday inay ka soo baxayaan khilaaf iyo cabashooyin axsaabta mucaaradka ah, waxaanada qaadeen talaabo aanay idin la ogayn, oo xisbigii talada hayay ee UDUB-na raali geliyay. Maxaa talaabadaa idinku kalifay ?
J: Xasan Looshade tan aad leedahay xisbul xaakimka ayay ka farxisay mucaaradkana way ka boodeen, ma jirto wax gaar ah oo aan sheegnay. Waxa jirta arrinta Sever-ka iyo xogta lagu shubayaa, sidii aanu sheegnay shaqadu xataa ku shubitaankeeda anaga komishners-ka ahi waxa jirta masuuliyada gaar ah, oo ay lahayeen komishanka iyo hay’ada interpeace ay haysay kooxdaas ayaa lahayd inay xogogaalka noqdaana nidaamka uu marayo ayaa maanta la sugayay oo bilaabmaysay. Waxa hore oo aanu ku talaabsanay ma jirto. Warbixinta intaas ayaan xog idin haynaa oo ay inoo soo saareen oo farsama-yaqaanaduna weliba u badan yihiin ajinabigu, way jiraan.xog aan weli lagu shubin oo habsan ah. Laakiin, inta aynu shaqada ku bilaabi karno ee ilaa imika noo hadhsani way jirtaa.nidaamkii ku shubka xogta Sever-ku maanta ayuu inoo bilaabmayaa, Sever-ka intaa ayaa xog inoogu jirta.
S: 210,000 kun ayaa ku sheegteen inay ka soo baxday gobolka Awdal markii hore natiijadii hor-dhaca ahayd waxaa ku sheegteen 133 kun xagee ayay tirada intaa leegi ka soo baxday?
J:Haa Gobolka wuu ahaa 133 kun sidii la sheegay waxay ahayd qiyaas, waxaa jira oo raacay dadkii isdiiwaangeliyay maalmihii dheeraadka ahaa. Gobollada kalena, way ku jirtay.CD-yada noo hadhay ee ilaa dhowr iyo tobonka ah iyo wax maqan in iyana la soo saaro. Waxaana noo yaala hard koobiyadii.
S: Waxa jiray maalmo dheeraad ah oo lagu daray gobollada dalka si ay isu diiwaan geliyaan dadkii markii hore fursada u waayay.
imika buuqa ka imanaya xisbiyada mucaaradka ah.
Markaa ma haboon tahay in gebigeedaba la kansal gareeyo diiwaangelinta maalmihii dheeraadka ahaa ama guud ahaanba. Haddii ay dhibaato keenayso?
J: Gudoomiyaha Jaamac Sweden: marka hore hadalkaas oo kale afkayga kamaan sheegeen.
Ummadan reer Somaliland mar afti ayaa laga qaaday iyo diiwaan gelintan way gashay oo maanta ayay sugnaatay ayaan ahayn Somaliland.
Markaa khaladkii galay aynu ka saaro iyo aynu qurxino mooyaane wax kale oo meesha ku jiraa ma jiraan.
Deeqbixiyaashii lacagta ku bixiyayna waxay leeyihiin waar wixii aanu ummada ugu talo galnay waa in ay faa’iido u dhashaaye maaha inay xumaan ku keento.waxaana la doonayaa in la yidhaahdo qofkii labada khaadh haystay iyo saddexda haystayba in la yidhaahdo keena waxa ku soo hadhay liiskaa, waxaana laga yaabaa in ay hadhaw cabasho ka timaado waana la saxayaa marka ay doorashadu dhamaatana waxa la galaya in gobol iyo degmo walba lagu celiyo xogtii oo kii dhintayna laga saaro ka dhashayna la galiyo, oo diiwaangelintii rasmiga ahayd ayaa bilaabmaysa.
S: waxa jirtay in agaasimihii guud ee diiwaangelinta uu hore ugu guulaystay Maxamed Baaruud oo ah muwaadin reer Somaliland ah isla markaana sida la sheegay culays xaga madaxtooyada idinkaga yimid awgeed aad u diideen, xagee ayuu ku dambeeyay arrinkiisii?
J: Ma jirto, waxa aan halkan ka cadaynay aniga oo ku hadlaya magaca afka Komishanka in ninka Maxamed Baaruud la yidhaahdo aan imtixaan looga qaadin diiwaan hayaha, tartana umuu gelin, talo ayaa lagu soo gudbiyay.
S: maxaa la idinku aaminayaa komishan ahaan mar haddii saddex jeer aad sheegteen tirooyin iska soo horjeeda oo marna yaraanaya marna badanaya?
J: Horta Komishanka qaranka Inankaagan yari (Wariyaha Su’aasha waydiiyay Guddoomiyaha) aaminaad uma haysid, ee waxaanu la soo baxno ayaanu leenahay, waxaanu arrintan badka u soo dhignay waxa weeye in laga bogto oo wixii khalad galay laga saaro, ujoogoo maalinta aad aragto inuu khalad galay ee aad liiskaa iska waydo maalintaas ayaynu ka wada hadlaynaa.
S: Markii aad servarka gelayseen xogtan maxaad axsaabta qaranka ugu wargelin waydeen?
J: Xisbiyada qaranku waxa ay leeyihiin wakiilo, xisbi walba laba nin ayaa ka socda ilaa inta uu socdo iyo ilaa liiska u dambeeya Komishanka qaranka way la joogaan tala-na way ku leeyihiin.
Intan xogta la ururinaayay weeye inta ay leeyihiin maxaanu u ogaan waynay, waa intii la keenayay halkan dhexe ee lagu kala saarayay wixii faro laga qaaday iyo wixii kale.
Waxaad ogtihiin mashruucan waxa marka hore loogu talo galay inay fartu qabato, fartii ayaa laga tagay ama ha looga tago ku celcelin.
Khalad aynu leenahay ayaana hawshii ku jira oo ninkii wax bixiyayna leeyahay sidii aanu idiinku lisnay noogumaydaan hambayn.
S: sida ka muuqata shirkan idin dhex maray idinka iyo Axsaabta waxa ka muuqda in labada xisbi ee mucaaridka ahi ay isku mawqif yihiin, komishanka iyo UDUBna ay isku aragti yihiin, dhawaana waxa aad tidhi adiga oo xisbiga KULMIYE la hadlaya Kulmiyoow afeef hore lahaw ama adkaysi dambe lahaw, ,markaa taasi miyaanay muujinayn in aad si badheedh ah ula safatay xukuumada iyo xisbiga UDUB, maxaase lagugu aaminayaa?
J: horta maah-maahdaa afeef hore lahaw ama adkaysi dambe lahaw mid aan xisbi ugu jeeday may ahayn, waa mid nin walba saaran, idinka (Saxaafada) qudhiinana way idin saaran tahay, xaga aaminaadana horta ummada Kitaab ayaanu u marnay walina lama gaadhin wakhti la yidhaahdo kan baad samaysay iyo kan ayaad samaysay waxa weeye xisbiyada qaranka waanu u simanahay, halkan ku raacsan iyo mid aan raacsanaynba dhex ayaanu u nahay, garina laba nin kama wada qosliso.
S: Markii ay Interpeace idinku tidhi idin lama shaqayn karayno waxa keliya ee aad cuskateen waxa ay ahaayeen xisbiyada mucaaridka ah oo aad tidhaahdeen haddii ay noo soo jeediyeen in aanan meteli karin ama aanay kalsooni nagu qabin waanu is casilaynaa, maanta labadii xisbi mucaarid waxa ay muujiyeen in aanay kalsooni buuxda idinku qabin, markaa maanta maxaa idinla gudboon in aad samaysaan?
J: Horta haddii aanu nahay komishanka qaranka ummada ayaanu u garsooraynaa, taariikh ayaa naga hadhaysa, maaha wax aanu ayaar iska leenahay, waxaana ka dhalan doona mustaqbalka boqolaalka sano ee soo socda wax la tixgelin doono.
Komishankana waxa u kow ah in ay cadaalad u sameeyaan saddexda murashax ee saddexda xisbi ka kala socda.
Wixii dhaliil ah ee ay naga arkaana in ay sheegtaan xaq ayay u leeyihiin.
S: Guddoomiye labadii todobaad ee ugu dambeeyay waxaad qaadeen laba talaabo oo aanay axsaabtu idinkula soconin oo mid inta loo balamay aad go’aan ka gaadheen oo ahaa kii aad muddada cusub ku cayinteen, waxa kale oo aad qaadeen talaabadan ah tan Servarka oo qayb ka mid ah shaqadii uu qabtay aad soo saarteen idinka oo aanay axsaabtii idinla joogin, marka labadaa talaabo la eego miyaan la odhan karin waad ka xidhiidh goosateen axsaabtii?
J: Axsaabta qaranka waanu soo dhowaynaynaa iyaga ayaanu meesha u fadhinaa oo aanu doonaynaa in aanu u garsoorno oo aanu liis xalaal ah u soo saarno, anigu waxa aan u arkaa komishanka qaranku isaga ayaa u igman mudaynta.
Ugu dambayntii waxa uu guddoomiyaha komishanku uu qaar ka mid ah saxaafada tusay qaabka uu shaqaynayo Server-kii codadka lagu ururiyay.