Guddoomiye-ku-xigeenka 1aad Ee Golaha Wakiillada Oo Sheegay In Madaxwayne Riyaale Lagala Quustay Fulinta Iyo Ku Dhaqanka Distoorka
Hargaysa (Somaliland.org)- Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha Wakiillada Mudane Cabdicasiis Maxamed Samaale ayaa sheegay in Madaxwayne Riyaale lagala quustay fulinta iyo ku dhaqanka distoorka iyo shuruucda dalka.
Mudane Cabdicasiis Maxamed Samaale waxa uu ka waramay xaaladda haatan dalku marayo, taasi oo uu ku tilmaamay in Xukuumadda Madaxwayne Riyaale ay gabtay xilkii ummadu u igmatay, isla markaana ay ku guul-daraysatay in ay dalka ka hirgeliso doorasho wakhtigeedii ku dhacda oo xor iyo xalaal ah.
Mudane Samaale waxa uu sidaasi ku sheegay hadal dheer oo uu maanta ka jeediyay xaflad loo sameeyay furitaanka dugsi cusub oo maanta lagu qabtay magaalada Hargaysa.
Mudane Cabdicasiis Maxamed Samaale isaga oo daba socda hadal uu Wasiirka Duulista iyo Hawada Cali Waran-cadde ku sheegay in wakhtiga doorashooyinku soo dhawaadaan ay siyaasiyiinta mucaaridku bilaabaan arrimo lagu khalkhal gelinayo nabad-gelyada, ayaa Samaale waxa uu sheegay in aanay jirin cid nabadgelyada wax yeelaynaysa, waxaanu ku taliyay in marka la gaadho 6-da bisha April loo baahan yahay in ay labada gole baarlamaan kulan isugu yimaadaan.