Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Oo Tacsi U diraya Marxuum Looshade

Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa isaga oo ku hadlaya magaciisa, magaca Xisbiga Kulmiye iyo ka guddida fulinta, wuxuu tacsi u dirayaa Marxuum Xasan Maxamed Cumar (Looshade). Wuxuuna Guddoomiyuhu tacsidaas u dirayaa, Qaranka Somaliland, Guddida doorashooyinka Somaliland, Guddida diiwaangelinta qaranka, qoyskii uu ka baxay marxuum Looshade iyo dhamaan shacbiga Somaliland.
Illaahay samir iyo iimaan ha innaga siiyo, isagana qabriga ha u nuuro.

Innaa Lillaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun.

Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye
Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).


Comments are closed.