Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE oo Hadal Dheer Ka Jeediyay Kulan Fagaareed Maanta Ka Dhacay Hargaysa

Hargaysa (Somaliland.org)- Guddoomiyaha xisbiga siyaasiga ah ee KULMIYE Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo madaxda sare ee xisbiga KULMIYE, ayaa maanta ka qayb galay kulan fagaareed wayn oo taageerayaasha xisbigu si tabaruc ah xafiis uga furayeen degmada 26-ka Juun ee magaalada Hargaysa, madaxda xisbigana ay ku marti qaadeen furitaanka xafiiska.
Kulankan oo ahaa mid ay ka soo qayb galeen boqolaal qof, ayaa guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Mudane Axmed Maxamed (Siilaanyo) hadal uu ka jeediyay waxa uu si mug leh uga waranay marxaladaha dhinacyada siyaasadeed, dhaqaale iyo doorasho ee haatan dalku galay, taasi oo dad badan warwar ku haysa.
Guddoomiyuhu waxa uu sheegay in xukuumadu ka soo bixi wayday waajibaadkii ay u xilsaarnayd oo ay ka mid tahay in doorasho ay ku qabato wakhtigii loo cayimay ee shanta sanno ahayd oo mar iyo laba jeerba loo kordhiyay, hase ahaatee xisbiga KULMIYE mawqifkiisu uu yahay in aanay aqbalayn kordhin kale oo dhaawacaysa midaankii dimuquraadiyadda, xukuumadda Madaxwayne Riyaalena ay kaga dhantahay kordhintii dambe 06 April, 2009, qaranka iyo hay’addaha sharci dejintana ay u taalo in ay soo magacaabaan ciddii doorasho dalka gaadhsiin lahayd.
Mudane Axmed Siilaanyo waxa kale oo uu ka hadlay in xisbiga KULMIYE heegan u yahay ilaalinta nabadgeliyada, isla markaana si sharci ah ay ku doonayaan in xilka iyo hogaaminta dalka ay ku gaadhaan.
Dhalinyaradii, Odayaashii iyo taageerayaashii xisbiga KULMIYE ee munaasibadaasi hadalka ka jeediyay ayaa dhamaantood ka midaysnaa aragtida isbedel dalku in uu u baahan yahay iyo in ay taageero buuxda la garabtaagan yihiin mawqifka xisbiga KULMIYE uu iska taagay wixii ka dambeeya 06 April iyo go’aamadii ka soo baxay shirka beelaha wada degan magaalada Burco ay dhawaan soo saareen.