Guddoomiyaha KULMIYE oo Mar Kale ku Celiyey in Aanay Aqbalayn Muddo-kordhin loo Sameeyo Xukuumadda Madaxweyne Rayaale

Hargaysa (Jam)- Guddoomiyaha xisbiga mucaarka ah ee KULMIYE Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa mar kale ku celiyey in aannu xisbigiisu aqbali doonin muddo-kordhin dambe oo loo sameeyo Madaxweyne Rayaale iyo Ku-xigeenkiisa, isla markaana mowqifkoodu yahay kii hore ay u sheegeen.

Md. Axmed Siilaanyo waxa uu sidan ka sheegay hadal dheer oo uu maanta ka jeediyey xaflad ballaadhan oo loo sameeyey furitaanka xafiis taageerayaasha xisbiga KULMIYE ka fureen Degmada 26-ka June ee magaalada Hargeysa, taas oo ay ka qaybgaleen masuuliyiin badan oo ka tirsan xisbigaasi iyo dad weyne tiro badan oo halkaasi isugu soo baxay.

Guddoomiye Siilaanyo waxa hadal uu xafladaasi ka jeediyey kaga hadlay xaalada dalka ee dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha iyo doorashooyinka waqtigoodu dib-u-dhacu ku yimi. Waxaannu xukuummada Madaxweyne Rayaale ku eedeeyey inay ka soo bixiwayday waajibaadkii ay u xilsaarnayd ee ay ka mid ahayd inay doorashada ku qabato waqtigii loo cayimay ee shanta sanno ahayd oo mar iyo laba jeerba loo kordhiyay.

Md. Siilaanyo waxa uu ku adkaystay mawqifka xisbigiisa KULMIYE hore u sheegay, isla markaana aannu aqbali doonin wax muddo kordhin ah loo sameeyo xukuumadda, taas oo uu ku tilmaamay mid dhaawac weyn u geysanaysay hannaanka dimuqraadiyadeed ee dalka Somaliland.

Sidaa daraadeedna xukuumadda Madaxwayne Riyaale waqtigeedii hore loogu kordhiyey kaga dhan tahay 6-da bisha April, wixii intaa ka dambeeya arrintaasi u taalo qaranka iyo hay’addaha sharcidejinta sidii loo samayn lahaa cid dalka gaadhsiisa doorasho.

Axmed Siilaanyo waxa kale oo uu sheegay in xisbiga KULMIYE heegan u yahay ilaalinta nabadgeliyada, isla markaana si sharci ah ay ku doonayaan in xilka iyo hogaaminta dalka ay ku gaadhaan.

Jamhuuriya Online

Comments are closed.