Gudoomiyaha Xisbiga Oo Tacsiyadaynaya
Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Mudane Xaaji Axmed Mohamed Mohamoud ( Siilaanyo) isagoo ku hadlaaya magaciisa, kan qoyskiisa, Guddiga Fulinta Xisbiga, Golaha dhexe, iyo Dhammaan taageerayasha Xisbiga gudaha iyo Dibedaba, waxa uu Tacsi u dirayaa qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyooday Xildhibaan Xuseen sahal oo ka tirsanaa golaha Guurtida Somaliland.
Waxa uu marxuumka ilaahay uga baryayaa inuu jannadii ka waraabiyo,ehelada iyo kaqaraabada uu ka tegayna samir iyo iimaan ka siiyo. Aamiin.
Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye
Axmed Maxamed maxamud Siilaanyo
Hargeysa , Somaliland
Wxaa kale halkan tacsi ka soo gudbiinaya jaaliyadaha reer Somaliland ee dalka Canada, USA. UK, Norway, denmark, Sweden, Finland, Irland, UAE, Saudi Arabia, Qatar, SouthAfrica iyo Kenya oo dhamaan tacsiyad u diraya qoyskii u ka baxay marxuum Xuseen Sahal Aw Ciise ILLAAHAYNA uga baraya inuu janadii Farowsa ka waraabiyo qoyskii qaraabadii iyo shacabka reer Somalilandna samir iyo Iiaan ka wada siiyo. Aamiin