Koontiinaro Lacag Xukuumaddu Soo Daabacatay ah oo Xalay Bangiga Dhexe Lagu Rogay

Hargeysa (Jam) – Afar Koontiinaradda waaweyn ah oo ay ku jirto lacag shilinka Somaliland ah oo xukuumadu soo daabacatay, ayaa xalay lagu rogay xarunta Bangiga dhexe ee Somaliland ee magaalada Hargeysa, kuwaasi oo dhinaca magaalada Berbera lagaga soo daabulay baabuurta xamuulka lagu raro.

Ma jiro war rasmi ah oo ay xukuumadda Somaliland ka soo saartay lacagtan ay soo daabacatay iyo xadigeeda toona, balse wariyayaal ka tirsan Jamhuuriya ayaa xalay indhahooga ku arkay koontiinaradan ay ku jirto shixnada lacagta ah oo xarunta bangiga lagaga rogayey afar baabuurta xamuulka qaada ah ee loo yaqaano shaamboo xayraanka, waxaana ilaa magaaladda Berbera lagu soo galbiyey tigniko hubaysan oo ilaalinayey ammaanka lacagtan, iyada oo ilaa xalayna ciidamo milatari ahi gaadh ka hayeen Bangiga, kuwaasi oo lagu arkayey wajahada hore ee Bangiga lacagta lagu rogayey.

Mar aanu xalay isku daynay in aanu lacagtan dalka la soo galiyey ee la soo daabacay wax ka waydiino Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee Somaliland iyo Wasiirka Maaliyada Md. Cawil Cali Ducaale ayaanay noo suurtogelin in aanu khadka telefoonka ku helno, haseyeeshee sida ay ilo xogogaal ahi Jamhuuriya xalay u xaqiiyeen, ujeedada ka dambaysa lacagta xilligan xukuumaddu soo daabacatay ayaa lagu sheegay in ay tahay mid loogu talogalay in xukuumadda iyo xisbigeeda UDUB ku galaan ololaha doorashada Madaxtooyada ee la filayo in ay dalka ka qabsoonto, lacataasina maaha mid daabacadeeda laga ansixiyey Golaha Wakiiladda Somaliland oo dastuurku xaq u siiyey in ay ogolaadaan lacag kasta oo dawladu soo daabacayso, haddii kale ay noqonayso mid qayru sharci ah oo isticmaalkeedu xaaraan yahay.

Warbixin ay dhawaan Gudida Dhaqaalaha ee golaha wakiiladu ka diyaariyeen miisaaniyad-sannadeedka 2009-ka ayaa waxa ay ku sheegeen in dhammaan lacagaha uu bangigu soo daabacday aan laga ansixin Golaha Wakiilada sida uu dhigayo qodobka dastuurka 54 farqaiisa 3 oo ka hadlaysa awoodaha golaha dhinaca maaliyada, waxaannu qodobkaasi odhanayaa sedan, “In la daabaco lacag, lana soo saaro shahaadooyin rahmadeed iyo kuwo kale oo leh qiimo dammaanadeed” arintani waxa ay u baahantay in goluhu go’aan sharciya ka gaaadho.

Maaha markii u horreysay ee xukuumaddu soo daabacato lacago aan loo marin sifihii sharciga ahaa ee dastuurku jideeyey, balse dhawr jeer oo hore ayey xukuumaddu lacago soo daabacday, taas oo aan Golaha Wakiilladu ansixin, isla markaana mudanayaasha golahaas iyo xisbiyada mucaaradku ku eedeeyeen inay sifo suuq madow ah ku daabacdo.

Dhinaca kale, sarifka lacagaha qalaad, gaar ahaan Dollarka ayaa maalmihii u dambeeyey circa isku shareeray suuqyada magaalada Hargeysa, iyada oo halka doolar uu gaadhay in lagu sarifayo 6800 shillinka Somaliland ah (lix kun iyo sideed boqol oo shillin), halka markii hore lagu sarifi jiray 6200 shillin.

Kor-u-kaca sarifka doolar ee suuqyada Hargeysa ayaa loo aanaynayaa inay masuul ka tahay lacag badan oo kaash ah oo suuqyada soo gashay, taas oo keentay in doolarku yaraado, kadibna sarifkiisu cirka isku shareero. Waxaanay arrintani keenaysaa inay wax ka beddesho nolosha aasaasiga ah, gaar ahaan cuntada daruuriga ah oo ganacsatadu ku iibiso lacagta doolarka, iyada oo si gaar ah saamayn ugu yeelan doonto dadka danyarta ah oo aan awoodi karin sicir-barar mar kale ku yimaada raashinka daruuriga ah.

Comments are closed.