Xisbiga Kulmiye Oo Jawaab Ka Soo Saaray UJEEDDO MAWQIFKA XISBIGA KULMIYE EE XILLIGA DOORASHADA IYO DHAMMAADKA XILKA MADAXWEYNAHA IYO KU-XIGEENKIISA

XISBIGA MIDNIMADA  IYO HORUMARINTA  SOMALILAND / KULMIYE

REF: XK/GF/0048/09

Date: 22/03/2009

KU: GOLAHA GUURTIDA JSL

KU: GOLAHA WAKIILLADA JSL

KU: KOMISHANKA DOORASHOOYINKA QARANKA  JSL

UJEEDDO: MAWQIFKA XISBIGA KULMIYE EE XILLIGA DOORASHADA IYO DHAMMAADKA XILKA MADAXWEYNAHA IYO KU-XIGEENKIISA

Jamhuuriyadda Somaliland waa Dawlad Dimuqraadi ah oo ku dhisan Distoor  loo qaaday Afti Dadweyne.  Distoorkaasi wuxuu ku saleysan yahay mabda’a aasaasiga ah ee uu saldhig u yahay  ku dhaqanka sharcig  (Rule of law).

Nidaamka Siyaasadeed ee Dalka waxa saldhig u ah talo-wadaag iyo hannaanka Xisbiyada badan.  Awooda  xilka Madaxtooyadu wuxuu  ku imaan karaa hanaanka sharcigu banaynaayo oo keliya oo ah Doorasho guud , shantii sannaba mar.

Waa waajibaadka Distooriga ah ee Madaxweynaha Xilka haya iyo xukuumadiisa inay qaban-qaabiyaan, isla markaana xaqiijiyaan inay Doorashadu ku dhacdo xilligeedii iyo habkii loogu talo galay (Article 83/2)

Distoorku (Article 42/3 iyo 83/5) wuxuu cudurdaar u yeelayaa oo keliya inay Doorasho did-u-dhici karto haddii ay yimaadaan duruufo adag dartood sida, dagaal baahsan, xasilooni darro gudaha ah, aafo dabiici ah oo culus, sida dhul-gariir, cudurada faafa, iyo abaaro culus”.

Sida la wada ogsoon yahay, waxa dhammaaday muddadii 5-ta sanno ahayd ee xilka loo doortay Madaxweyne Rayaale, waxaana dib-udhac ku yimid (xil-gudasho la’aan awgeed ) xilligii doorashada loo qoondeeyey ee 15 April 2008, Waxayna Doorashadii dib ugu dhacday 29 march 2009, iyadoo ay Guurtidu muddo kordhin sanad ah u sameeyeen Madaxweynaha (in kastoo aanay muddo kordhintaasi ku imaanin duruufihii adkaa ee uu sharcigu tilmaamay), waxayna Madaxweynaha ku waajibiyeen inuu ku qabto Doorashada ugu dambayn 06 April 2009.

Waxa nasiib darro ah, in haddana mar kale dib u dhac ku yimid Doorashadii oo loo qoondeeyey mar kale inay dhacdo  31 May 2009, taasoo iyaduna ah muddo aan la hubin.

Xisbiga Kulmiye isagoo ka duulaya arrimahaas kor ku xusan, wuxuu caddaynayaa:

1. In uu Xisbiga KULMIYE   diyaar u yahay Doorasho xor oo xalaal ah oo Sharciga waafaqsan.

2. In sida la ogsoon yahay sharciyadii xilka Madaxweyne Rayaale iyo Madaxweyne kuxigeenkiisa waxay   ku eeg-tahay 06 April 2009, sidaa darteed KULMIYE sinaba uma ogola muddo kordhin dambe, maadaama aanay jirin duruufihii adkaa ee uu sharcigu tilmaamay  In loogu kordhin karo.

3. Xisbiga KULMIYE wuxuu u soo jeedinaya labada Gole ee Sharci-dejinta inay Dalka u soo dhisaan Xukuumad ku-meel-gaadh ah oo muddo kooban Dalka ku gaadhsiisa Doorasho.

4. Xisbiga KULMIYE wuxuu u arkaa inay ahayd sharciyan in la qabto Doorasho inta aan Madaxweynaha xilkiisu dhammaan. Marse haddii xilkiisii dhammaaday waxa mudnaanta leh in la dhiso xukuumad, si aynaan ugu dhicin meel bannaan ah ( Vacum ), ka dibna Doorashada la qabto.

Wa billaahi tawfiiq

Axmed Maxamed Siilaanyo

Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE

Comments are closed.