13 mudane oo ka tirsan Golaha Guurtida oo Shirguddoonka u gudbiyey Mooshin ay Golaha u soo jeedinayaan in dib loo saxo Go’aankii Mudda-kordhinta Madaxweynaha
13 mudane oo ka tirsan Golaha Guurtida oo Shirguddoonka u gudbiyey Mooshin ay Golaha u soo jeedinayaan in dib loo saxo Go’aankii Mudda-kordhinta Madaxweynaha
Hargeysa (Somaliland.org) – 13 Mudane oo ka tirsan Golaha Guurtida ayaa maanta shirguddoonka golahaas u gudbiyey Mooshin ay Golaha ugu soo jeedinayaan inuu dib u sixid ku sameeyo go’aankii muranku ka dhashay ee ay muddada xilka ugu kordhiyeen Madaxweyne Riyaale.
Qoraalka mooshinka waxay xildhibaannadu dureen qaabkii Goluhu u gaadhey go’aanka oo ay ku tilmaameen mid aan waafaqsanayn sharciga, loona baahnaa in dib u sixid iyo wax ka beddel lagu sameeyo go’aankaas.
Waxa kale oo ay xildhibaanadaasi soo jeediyeen in mudda-kordhintu u baahnayd in lagala tashado dhammaan dhinacyada doorashadu khusayso, Waxayna ka dalbadeen Shirguddoonka in dood laga furo arrintaas is loo iftiimiyo khaladaadka ku jira.
Dhinaca kale, waxay xildhibaanadu ku soo jeediyeen mooshinkooda in dib loo eego, waxna laga beddelo xeerka Diiwaangelinta Codbixiyayaasha oo caqabad lagaga dhigayo doorashooyinka.
Xeerka Diiwaangelinta oo uu ku jiro qodob dhigaya in diiwaangelinta codbixiyayaasha la sameeyo Lix bilood ka hor wakhtiga doorashada ayaa Madaxweyne Riyaale qiil sharci uga dhiganayaa mudda-kordhintiisa muranku ka jiro. Waana xeerka uu Madaxweyne Riyaale ku khasbayo Komishanka inuu ku dhaqmo, iyada oo sida wararku sheegayaan Komishankuna uu dalbanayo in wax ka beddel lagu sameeyo xeerkaas.
Mooshinkan waxa loo ballamay Sabtida. Waxayna kala yihiin magacyada xildhibaanada saxeexay:
- Xildhibaan Sh. Cabdiraxmaan Sh. Yuusuf Sh. Madar
- Xildhibaan Aadan Shire Faarax
- Xildhibaan Cabdisalaan Maxamed Siciid
- Xildhibaan Axmed Dirir Cali
- Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Huruuse
- Xildhibaan Cabdirashiid Sh. Cabdillaahi Aadan
- Xildhibaan Cawil Xuseen Axmed
- Xildhibaan Cawil Cismaan Maxamed (Ina Dawiil)
- Xildhibaan Maxamed Ismaaciil Cabdi (Quulle)
- Xildhibaan Muuse Ciise Xamari
- Xildhibaan Sh. Cabdiraxmaan Cismaan Jaamac
- Xildhibaan Axmed Daahir
- Xildhibaan Sh. Maxamuud Xirsi Faarax
Xigasho / Somaliland.org