Guddoomiyaha Gobolka Togdheer ee ururka suxufiyiinta SOLJA, Kayse Axmed Digaale, ayaa caddeeyay in habayaraatee aannu jirin shirweyne u furmaya xubnaha
Burco (Togdheernews..- Guddoomiyaha Gobolka Togdheer ee ururka suxufiyiinta SOLJA, Kayse Axmed Digaale, ayaa caddeeyay in habayaraatee aannu jirin shirweyne u furmaya xubnaha

suxufiyinta gobolka, isla markaana ay ka mid yihiin suxufiyiinta gobollada kale dalka.
Guddoomiyaha oo hadalkiisan ku sheegay warsaxaaafadeed uu xalay ka soo saaray magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer, ayaa waxa kale oo uu ugu baaqay isu-duwaha wasaaradda warfaafinta ee Gobolka Togdheer inuu joojiyo faro galin joogto ah oo uu xusay inuu ku hayo xafiiskooda.
Warsaxaafadeedkaas oo faahfaahsana waxa uu u dhignaa sidan:
“Waxa maalmahan dambe soo baxaya in isu-duwaha wasaaradda warfaafinta ee Gobolka Togdheer ku hawlan yahay siduu u koox ka mida suxuufiyiinta gobolka ugu qaban lahaa shir, kadibna isugu dooran lahaa guddoomiye suxufiyiinta, arrimahaasna ay ka biyo-diideen kuna gacmo-saydheen suxufiyiintii gobolku, sidaas darteed waxaannu cidkasta oo ay khusayso u sheegaynaa in aannu jirin wax shirweyne ah oo u furmaya suxufiyinta Gobolka”
Waxa nasiib-darro ah tallaabadan uu qaadayo Isa-duwaha warfaafinta dawladdu ay baalmarsan tahay sharcigii iyo dastuurkii u dhignaa ururka SOLJA, taasoo u muuqata mid uu ku raadinayo sidii suxufiyiinta gobolka uu u kala qaybin lahaa isagana horkeeni lahaa.
Suxufiyiinta Togdheer waxay la mid yihiin suxufiyiinta kale ee gobollada dalka, xilliga loo baahdo in shirgoboleedyo la qabtana waa mid qabsoomaya waqti sugan oo isku mid oo la soo cayimay, isla markaana shirweynihii guud ee SOLJA waa kii qabsoomay bishii Feberwari, waanna wax lala yaabo ujeedada ka dambeysa ee uu xiligan kala guurguurka arimaha u bilaabay.
Sidaas darteed waxa looga digayaa Isu-duwaha Warfaafinta Gobolka Togdheer Yuusuf Ilkacase inuu faraha kala baxo fadqalalaha iyo burburinta xafiiska ururka suxufiyiinta SOLJA, haddii kale waxa laga qaadi doonaa talaabada sharciga ee ku habboon.
Xigasho/ TogdheerNews