Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Md. Ahmed Mohamed Siilaanyo isaga oo ku hadlaya magaciisa iyo magaca xisbiga KULMIYE, Waxa uu hambalyo iyo bogaadin u dirayaa guud ahaa shacbiga reer Somaliland, Mujaahidiinta Ururka SNM, Agoomahoodii iyo Naafadoodiiba, isaga oo ku hambalyeynaya maalmaha xusuusta weyn mudan ee 27/05/2008 iyo 31/05/2008, ee ku beegan guddo-galkii Magaalooyinka Burco 27/05/1988 iyo Hargeysa 31/05/1988.
Waxa uu ilaahay uga baryayaa inuu sannadkan sannadkiisa inagu gaadhsiiyo Barwaaqo, Nabad-galyo iyo Ictiraaf buuxa, inta u dhimateyna janada ka waraabiyo, inta u naafowdayna ilaahay ka abaal mariyo.