Somaliland flag

KULMIYE Party

KULMIYE political party, Somaliland Republic

Untitled Document


The Party

The party was registered in May 2002, and run for the December 2002 local elections, winning enough votes to become one of the three permanent political parties in Somaliland.
www.flickr.com
This is a Flickr badge showing photos in a set called Shirka KULMIYE March 31, 2008. Make your own badge here.

Somaliland Images

Links

Somaliland

Somaliland Government | Somaliland Forum | SOPRI Institute | SL. Democracy Watch

Other Political Parties

UCID PARTY | UDUB PARTY

News, Media

Somaliland Org | Togdheer.com | Radio Somaliland | Somaliland Net | Hadh Wanaag | Haatuf | Somaliland Times | Jamhuuriya | Halgan News | Somaliland Future | TV Somaliland Europe

Other

Redsea Online

Xuskii ugu ballaadhnaa oo maanta magaalada Burco loogu sameeyey 20guurada Gudagalkii SNM ee 27 May

May 28th, 2008 | Uncategorized

. Burco (Somaliland.org) – Xuska Sanadguuradii 20aad ee ka soo wareegaty 27-May 1988, markii ay Xoogagii SNM soo galeen gudaha dalka, gaar ahaan magaalada Burco ayaa maanta lagu qabtay fagaaraha khayriyada ee magaalada Burco.

Xuska munaasibadan oo ay soo qabanqaabiyeen maamulka degmada Burco, ayaa waxa ka qaybgalay qaar ka mid ah saraakiishii sare-sare ee ururkii SNM maamulada degmada iyo gobolka iyo Dadweyne aad u tiro badan.

Duqa degmada Burco Maxamuud Axmed Xasan( Dhago-Laab ), oo ugu horreyn halkaasi ka hadlay ayaa ku dheeraaday mihiimada Xuska maalintani leeyahay, isaga oo sheegay in ay maalintani tahay Maalintii Somaliland la Xoreeyay.

“Waxaan qabaa Xuska 27-May, ayaa ka mihiimsan Xuska 18-May waayo? Dee haddaan maalinta la guulaysan Somaliland may jirteen,” ayuu yidhi Maayarku. Waxana uu intaasi raaciayay, “Somaliland ba laguma dhawaaqeen haddaan geesiyaashii SNM 27-May Burco soo geli lahayn”.

Abwaan Maxamed Ibraahin Warsame ( Hadraawi), oo isaguna munaasibaddan ka hadlay ayaa xusay mihiimadii uu lahaa halgankii SNM, waxana uu carrabka ku dhuftay in la gaadhay Guulihii ugu weynaa ee ay SNM ku naaloonaysay.

.

“Guushii ugu weynayd ee ay SNM rabtay waxa ay ahayd Gobonimada iyo Xorriyadda, intiina maanta waynu haysanaaye yaan lagu ciyaarin, oo yaan la khasaarin midhihii halgamayaashu maalintan ay beereen,” ayuu Yidhi Abwaanku. Waxana uu intaasi raaciyey “Waxaan idinkula dar-darmayaa in la xejiyo guushii geesiyaashu keeneen.”

Sidoo kale munaasibadan oo ahayd mid aad loo soo agaasimay, waxa hadalo ka jeediyay qaarka mid ah saraakiishii SNM, oo ay ka mid yihiin: Muj. Maxamed Kaahin Axmed


Muj.Maxamed Kaahin.

.


Muj.Ibraahin Dhega weyn


Prof.C/salaan Yaasiin

Prof. C/Salaan Yaasiin, Muj. Ibaraahim Cabdillaahi Xuseen (Dhewagaweyne) iyo C/raxmaan Aw-Cali Faarax, dhamaantoodna waxay ku dheeraadeen mihiimadda ay maalintani u leedahay Qaranka Somaliland, iyaga oo shacabkana ku boorriyey adkaynta nabada iyo xasiloonida oo ay sheegeen in ay tahay tii loo halgamaayey.


Inkasta oo horeba looga xusi jiray Munaasibadan 27-May magaalada Burco, haddana xuska sanadkani waxa ay ahayd tii ugu weynayd ee lagu xuso abid, marka laga eego dhinaca abaabulka iyo weliba miisaanka wufuudda ka soo qayb gashay.

27-May ee Sanadkii 1988, ayay ahayd markii ay xoogagii SNM ku waabariisteen gudaha Magaalada Burco, weerar xooggan ka dib, weerarkaasi oo ahaa kii ugu horreeyey ee ay SNM ku soo gasho gudaha dalka.

Foosi Saleebaan Aw-Bindhe

Somaliland.org/Burco