Hargeysa– Xisbiga KULMIYE, ayaa warsaxaafadeed uu maanta soo saaray kaga hadlay arrimo dhowr ah oo uu ka mid yahay sicir-bararka maceeshadda iyo shidaalka oo si ba’an u saameeyey nolosha qoysas badan oo reer Somaliland ah, gaar ahaanna qoysaska saboolka ah. Waxana uu ugu baaqay in talo qaran laga yeesho sidii looga gaashaaman lahaa aafada sicirbararka iyo maceeshad yaraanta.
Warsaxaafadeedka oo sidoo kale ka hadlaya dhaqangelinta Xeerka Diiwaangelinta, Tahriibta iyo gebagebada sannad-dugsiyeedka Waxbarashada Somaliland, waxa uu u qoran yahay sidan:-
Xisbiga KULMIYE wuxuu maanta halkan kaga hadlayaa afar qodob;
1. Sicir bararka Maceeshadda.
2. Kaabista Xeer N0: 37
3. Hambalyadda sanad Dugsiyeedka Ardayda.
4. Iyo Tahriibka
I. Sicir Bararka.
Xisbiga KULMIYE wuxuu aad uga warwarsan yahay qiimaha maceeshadda daruuriga ah iyo Shidaalka oo maraaya meel adag. Waxa kale oo Xisbiga KULMIYE ka yaaban yahay iyada oo aanay Dawlada ka muuqan tabaabusho ay kaga hor tagayso arrinta culus ee inagu soo korodhay, waxa hubaal ah inay dhibaatadani tahay bilow sida ka muuqata sayladaha caalamka.
Xisbiga KULMIYE wuxuu ugu dhawaaqayaa cod dheer in Dawlad, Axsaab iyo shacbiba tallo laga galo sidii xaaladan adag looga gaashaaman lahaa.
Maanta Maceeshadda iyo shidaalka qiimahoodu waxa uu marayaa meel laga argagaxo oo shacbiga intiisa badani aanay iibsan Karin sida hoos ku cad.
| Maceeshadda iyo Shidaalka | Qiimaha |
| Bariiska 50 Kg | $50 |
| Daqiiq 50 Kg | $50 |
| Naafto one Liter | 6,500 Sl Sh |
| Batrool one liter | 5,900 Sl Sh |
| Gaas one liter | 8,000 Sl Sh |
| Geela/qaliinka | 2,100,000 – 2,500,000 Sl Sh |
| Lo’da/qaliinka | 1,500,000 Sl Sh |
| Adhiga/qaliinka | 180,000 Sl Sh |
Marka aad isbarbar dhigto xoolaheena qiimahoodii iyo maceeshadii dibeda inooga imanaysay way iswaydaarteen oo maceeshadii baa in badan kor u kacday, waa dhibbaato hor leh oo ku soo korodhay dhibbaatooyinkii ina haystay ee dhaqaalo xumida. Ummad waliba waxay dhibbaatada kaga baxdaa markay si xaqiiqo ah u deristo dhibaatada haysata. Inaga Somaliland ahaan dhibaatadeena dhaqaale xummo waxay salka ku haysaa seddex qodob:
1. Nimcooleyda Eebe ina siiyey waa Xoolo iyo kalluun. Waana labada maanta Aduunka ugu qaalisan, waxaynu u baahanahay keliya in aynu dhaqaalayno ka dibna suuq gelin fiican u doono.
Dhibtu waxa weeye xoolihii oo aynu daayacnay, Kalluunkii oo aynaan
ka faa’iidaysan iyo xoolaha intii reer miyigu hayey oo aynaan suuq
gelin fiican u raadin
2. Dhibta kale waxa weeye wixii dhaqaale ina soo gala oo u badan inta qurbo-joogu soo diro ayeynaan si fiican u isticmaalin, inta badan xoolahaasi waxay ku baxaan faakihaysi, sida cunista jaadka, baabuurta yaryar iyo dhal-dhalaal xarago oo aan raasamaal lahayn. Waxayd ahayd in maanta wixii ina soo gala loo jaheeyo waxyaabaha lagama maarmaanka ah ee mustaqbalka wax ka taraya, sida waxbarashada, warshado yaryar, tacabka dhulka I.W.M.
3. Maanta waxaynu u baahanahay in cashuurta hoos looga dhigo maceeshadda iyo Shidaalka intii suurtagal ah. In kasta oo aynu Dal sabool ah nahay, hadana waxa daruuri ah in la isu miisaamo mushaharka Dadku qaato iyo qiimaha maceeshada. Dantu maanta waxay ina faraysaa in Dawladu ka fiirsato cashuurta saaran shidaalka iyo cuntada oo ay hoos u dhigto.
Xisbiga KULMIYE wuxuu ku talinayaa in si qaran oo tallo guud ah loo waajaho dhibaatada sicir bararku keenay oo ah gaajo iyo macaluul ummadda ku soo fool leh.
II. Kaabista Xeer N0: 37
Xisbiga KULMIYE wuxuu soo dhaweynayaa dhaqangalka kaabista Xeerka Diwaan-gelinta Codbixiyeyaasha ee ka soo dhamaaday Goleyaasha Sharci-dejinta iyo Madaxtooyadda. Waa tallaabo loo qaaday dhinaca hir-gelinta Doorashooyinka.
Hadda xilka hir-gelinta Diwaan-gelinta cob-bixiyeyaasha iyo Doorashaddu wuxuu ku wareegayaa culayskiisu Guddiga Doorashooyinka Qaranka. cid walba oo ay arrintu khusayso waxa ku waajib ah in loo tafa xayto sidii loo hir-gelin lahaa hawsha ina hortaala.
Diwaan-gelinta codbixiyeyaashu waa arrin inagu cusub oo aynaan waayo aragnimo badan u lahayn, sidaa darteed waxaanu kula talinaynaa Guddiga Doorashooyinka Qaranka inay dedaal dheeraada ka galaan dhawrista wakhtiga iyo fulinta hawl walba ammintii loo cayimay.
III. Hambalyada sanad Dugsiyeedka Ardayda.
Xisbiga KULMIYE waxa uu hambalyo u dirayaa Ardayda u fadhiisatey imtixaanadii Dugsiyada Dhexe iyo Sare. Xisbigu wuxuu u rajaynaa inay guul ka gaadhaan imtixaanadooda. Xisbigu wuxuu bogaadin u dirayaa Guddiga imtixaanada, macalimiinta iyo shaqaalaha ka hawl-galay hawshan Qaran.
IV. Tahriibka
Xisbiga KULMIYE wuxuu ka murugoonaya dhalinyarada badan ee ku haligantay badaha, iyaga oo nolol doon ah, lama hayo tirade sugan eek u dhimatay sanadahan dembe. In ka badan 200 ayaa ku xidhan Dalka Liibiya. Xisbigu waxa uu tacsi u dirayaa ummadda Somaliland, gaar ahaan eheladii ay ka baxeen dhallinyaradaasi.
Xisbiga KULMIYE wuxuu ku tallinaya in qorshe shaqo loo abuuro dhallinyarada, Dalku ma gabin Dadkiisa ee taladii ayaa inaga xun. Dhallinyaradu tallo tahriib dhaanta haka fikirto.
Xisbiga KULMIYE wuxuu ugu baaqayaa dhallinyarada in ayna isku biimayn badaha.
WA BILAAHI TAWFIIQ
MD. MUUSE BIIXI CABDI
GUDDOOMIYE KU-XIGEENKA 1AAD EE XISBIGA KULMIYE
Somaliland.org, Hargeysa.