Hargeysa(Somaliland.Org) Gudoomiyaha xisbiga KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo wefti uu hogaaminayo ayaa saaka hiirtii hore socdaal ugu kicitimay deegaamada K/galbeed iyo bari ee gobolka Hargeysa.
Weftigan oo isugu jiray xubno ka tirsan hogaanka xisbiga,xildhibaano ka mida golaha wakiilada iyo xubno ka tirsan golaha dhexe ee xisbiga,waxa ka mid ahaa gudoomiye ku xigeenka koowaad ee xisbiga KULMIYE Muj Muuse Biixi Cabdi,gudoomiye ku-xigeenka Afraad ee xisbiga ahna murashaxa M/weyne ku xigeenka Eng C/raxmaan C/laahi Ismaaciil Seylici,Xildh Siciid Cilmi Rooble,Xildh Cali Yuusuf,C/laahi Ismaaciil Bidhaan,Faysal Daahir Camuud,Farxaan Maxamed Cumar iyo xubno kale waxaanay socdaalkooda oo ujeedadiisu ahayd sidii ay ugu kuur-geli lahaayeen hawsha diiwaan-gelinta ka bilaabeen magaalada Sheekh Moodhle oo K/galbeed ka xigta magaalada Hargeysa.
Waxaanu weftigani soo maray socdaal dheer oo ay ku soo mareen deegaamada ay ka socoto hawsha diiwaan-gelinta oo ka koobnaa degmooyinka Faro-weyne,Gobolka Hawd (Bali-gubadle iyo Salaxley),iyagoo manta qadadii ku qaatay magaalada Bali-gubadle ee xarunta gobolka Hawd halkaas oo ay ku soo dhoweeyeen Xildhibaan Axmed Cabdi Kijaandhe,Cabdi Giire Iyo Cali Tamaadho oo dhamaantood ka mid ah golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE.
Sidoo kalena waxay warbixino la xidhiidha xaalada gobolka hawd ka dhegeysteen gudoomiyaha gobolka Hawd Cali Cawil Cabdi iyo maayerka Bali-gubadle Jamaal Xuseen Hure oo labaduba uga waramay xaalada deegaankaa.
Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE intii uu joogay degmada Bali-gubadle wuxuu booqday xaruntii xoogagii SNM mar uu halkaa warbaahinta kula hadlayna wuxuu yidhi “Meeshan taariikh weyn bay aniga,halgenkii SNM iyo Somaliland-ba u leedahay waa meeshii lagu soo afjaray halgenkii qadhaadhaa ee SNM,dhirtaa waaweyn ee aad arkaysaan waa halkii uu Jeneral Caydiid ku qaabilnay ee uu ciidamadiisa ku tababari jiray waa halkii ina Cumar Jees noogu yimi oo aanu saanada iyo hubkaba aanu ku siinay labadoodaba waa meel taariikh weyn u leh dhamaan halgamadii dalka ka dhacay ilaa soomaaliya,Meeshan aniga qiimo weyn iyo xasuus bay ii leedahay”Ayuu yidhi Siilaanyo oo ka hadlayay xaruntii xoogagii SNM.
Axmed Siilaanyo iyo weftigiisu waxay caweyskii caawa dib ugu soo noqdeen caasimada Hargeysa,iyagoo soo maray deegaan aad u dheer oo ka koobnaa ku dhowaad 180-KM oo isku wareeg ah.
Waxaanu dhulkaasi ay weftigu soo mareen uu ahaan mid ay abaar ba’ani ka jirto isla markaana ay ka hayaameen dadku.

Hargeysa(Golis)- Xisbiyada mucaaradka ah ee Somaliland, ayaa ku hanjabay in ay Guddiga Doorashooyinka kalsoonida kala noqon doonaan haddii ay jid u sameyn waayaan goob diiwaangelineed cusub oo laga sameeyey Xafiiska la Taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha bulshada oo dhinac waqooyi kaga soo jeeda Madaxtooyada Somaliland, kaasoo ay ku tilmaameen mid sharci darro ah oo aan la aqbali Karin.
Goobtan cusub oo dheeraad ka ah 337kii goobood ee loo qoondeeyey in laga diiwaangeliyo shacbiga ku dhaqan Gobolka Maroodi-jeex, ayaanay ku sugnayn wakiillada Axsaabta Qaranka Wasaarada Arrimaha Gudaha iyo Maxkamada Sare oo si wadajir ah uga hawl-gala goobaha kale, ilaa hadana si rasmi ah looma oga sababta kelliftay falkaasi.
Hoggaamiye-yaasha axsaabta mucaaridka ayaa sheegay in aanay waxba ka ogeyn sameynta goobtan. Sidaa darteed-na sharci darro tahay, waxana ay soo jeediyeen faahfaahin laga bixiyo ujeeddada loo dhigay, isla markaana la kansalo dadkii laga diiwaangeliyey.
Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali-waraabe oo isagoo jooga degmada Sallaxlay khadka telefoonka Jamhuuriya kula soo xidhiidhay, ayaa wax lala yaabo ku tilmaameen sameynta goobtan, waxana uu yidhi; “Goobta Madaxtooyada horteeda laga sameeyey waa mid aanay waxba ka ogayn sababta loo sameeyey axsaabta, deeqbixiyeyaasha, hay’adda Inter Peace iyo beesha caalamkuba, waxaanan ku baaqayaa in si degdeg ah loogu saaro guddi baadha sababta arrintaasi ku dhacday, haddii Komishanku caddayn waayan sababta loo furay goobtaas xisbiyadu kalsoonidii ayey kala noqon doonaan.”
Eng. Faysal Cali Waraabe, waxa uu intaas ku ladhay, “Goobtaasi xisaabta guud ee qaranka iyo qorshaha waddankaba kuma jirto, cidna ma oga,”
Sidoo kale, Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa isaguna arrintaa ku tilmaamay samaynta goob-diiwaangelineedka cusub mid sharci-darro ah oo aan laysla ogayn, “Aad baan uga xunnahay in goob aan laysla ogayn la furo oo dad laga diiwaangeliyo, goobtaas cusubna waa qayrul-sharci aan la aqbali Karin,” ayuu yidhi Axmed-Siilaanyo.
Guddoomiyaha Doorashooyinka Qaranka Mr. Maxamed Ismaaciil Maxamed (Kabaweyne), ayaa isaguna sheegay in aanay komishan ahaan isla ogeyn goobtaasi, waxana uu yidhi; “Taliyaha Ciidanka Qaranka ayaa naga codsaday in ciidammada loo sameeyo goobo ay iska diiwaangeliyaan maadaama gudanayaan waajibaad qaran, kuna egyihiin xeryahooda, arrintaasina macquul bay noola muuqatay, waanuna ka aqbalnay, annagoo u oggolaanay in goob looga sameeyo taliska guud si askartu isaga diiwaangeliyaan, wax dhibaato ahna kuma jirto oo goob diiwaangelineed waa la kordhin karaa ama goobihii jiray ayaa la yarayn karaa, laakiin anigu guddoomiye ahaan sanduuqa diiwaangelinta ee la dhigay Madaxtooyada horteeda si uu ii dhaafay ma garanayo, mana ogayn sanduuqaas halkaas la dhigay oo beryahanba iska mashquul baan ahaa, shaqadayduna way badan tahay, laakiin wax dhibaato ah oo jirtaa ma jirto, kombiyuutarka la dhigayna waxa macluumaadka siinaya goobta xarunta Guriga Shaqaalaha oo kombiyuutarkii labaad ee goobtaasi lahayd.”
Goobtan oo la sheegay in uu amarkeeda bixiyey mas’uul ka tirsan guddiga doorashooyinka ayaa la sheegay in Maanta ka kansal gareeyey. Inkastoo aanay guddiga doorashooyinku war rasmi ah ka soo saarin
Source/ Shabakada Wararka Ee Golisnews
London- Aqalka Odayaasha ee Barlamaanka Ingiriiska ayaa shalay ugu yeedhay Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee xisbiga KULMIYE, Dr. Maxamed Cabdillahi Cumar, kulan la tashi iyo xogwaran ah oo ku saabsan xogogaal u noqoshada xaaladda Somaliland iyo xiisadaha siiyasadeed iyo kuwa colaadeed ee haatan ka aloosan mandaqadda Geeska Afrika.
Kulankan oo uu guddoominayey Lord Eric Avebury oo ka tiran Aqalka Odayaasha,ayaa ujeeddadiisu ahayd in xogahayha Arrimaha Dibadda ee KULMIYE uga xogwaramo mudanayaasha hawlaha diyaargarowga doorashooyinka Somaliland, aragtida Soomaliland ee ku jahaysan siyaasadaha iyo degenaasho la’aanta wakhtigan xaadirka ah ee gobolka Geeska Afrika, iyo weerarkii dhawaan ay argagixisadu ku soo qaaday Somaliland.

La tashigani wuxuu salka ku hayaa xidhiidhka xisbiga KULMIYE la leeyahay bulshada caalamka oo aad u kordhay iyo mas’uuliyiinta xisbiga KULMIYE oo si joogta ah uga muuqda fagaarayaasha caalamka ee lagu falanqaynayaa arrimaha gobolka, gaadhsiiyana aragtida shacabka Somaliland hogaamiyaasha dunida.
Kulankan oo xubnaha Aqalka Odayaasha ee Ingiriiska ay codsadeen waxaa loogu tala galay inuu gogol-xaadh u noqdo dood ku saabsan siyaasadda arrimaha dibadda ee Ingiriiska oo todobaadkan ka dhacaysa Barlamaanka, halkaasi oo ay Boqoradda Ingirrikuna hadal ka jeedin doonto, lana filaayo in qaddiyadda Geeska Afrika lagu soo qaado.
Arrimaha uu xoghayuhu ka hadlay waxaa ka mid ahaa khatarta argagixisadu ka hayso Somaliland, hawalaha diyaargarowga doorashooyinka Somaliland, dhibaatada budhcad badeedda, wadahadalada nabad raadinta ah ee u socda kooxaha isku haya siyaasada Somaliya, gargaarka ay u baahan tahay Somaliland si ay uga gaashaamato weerarka ay argagixisadu ku hayso dalkeeda, isbedelada ka dhaci kara Somaliya marka ay ciidamada Ethiopia ka baxaan Somalia iyo arrimo kale.
Wuxuu, Dr. Maxamed Cabdilahi Cumar, si gaar ah uga hadlay weerarkii dhawaan argagixisadu ku soo qaaday Somaliland, wuxuuna sheegay in waxa weerarka lagu yahay ay tahay mabaadi’da siyaasadeed iyo bulshe ee ka hirgalay jamhuriyadda Somaliland sida dimoqraadiyadda, xorriyadda dadka iyo aaaya ka talinta, oo qaar ka mid ah kooxaha xag jirku u arkaan in ay dib u dhac ku keemayso ujeedooyinkooda siyaasiga ah. Wuxuu kaloo sheegay in mabadidan oo adduun waynaha u leh ahmiyad horumarineed oo guud loo baahan yahay in ilaalintooda adduunku iska kaashado. Waxaanu ugu yeedhay fadhiga golaha baraalaamnka Ingiriiska ee todobaadkan dhacaya inuu arrintan falanqeeyo, Somaliland taageero u diro si ay isaga difaacdo weerarka argagixisadu ka hayso. Wuxuu kaloo caddeeyay in kobcinta dawladnimada iyo dimuqraadiyadda Somaliland ay tahay arrin maslaxad u ah wadamada gobolka iyo adduunkaba.
Wuxuu Xoghayuha Arrimaha Dibadda ee KULMIYE ka codsaday Aqalka Odayaasha Baarlamaanka Ingiriiisku inuu ugu yeedho Madaxweyanaha Somaliland, mudane Daahir Rayaale, inuu si dhakhso ah u magaacaabo guddigii dhexdhexaadka ahaa ee seddexda xisbi , komishanka qaranka iyo xubnaha bulshada caalmaku kuwada heshiiyaya inay ka ilaaliyaan xukuumadda in aanay awooada dawliga ah iyo dhaqaalaha qaranaka ay u hayso’aanay ku isticmaalin ololaha doorashooyinka Somaliland ee soo socda.
Samayta guddigan oo ah mid madaxbanaan xilkiisuna ku kooban yahayn ilaallinta hantida qaaranka inta ka horaysa doorashada waxay aasaas u ahayd heshiiskii sida ku ku meel gaadhaka ah loogu kordhiyay mudda madaxwaynuhu hayo xilka madaxwaynanimada.
Ugu danbayntii wuxuu Xoghayuhu ka waramay xiisadda haatan Somaliya ka aloosan.Wuxuu sheegay in xisbigiisu taageersan yahay in khilaafaadka ka jira Soomaliya lagu dhammeeyo wadahadallo, lana taageero heshiiskii dhawaan lagu gaadhay dalka Jabuuti ee isku soo dhaweenayay kooxaha isku haya Somaaliya, wuxuuna Jabuuti ku amaanay dadaalka ay ugu jirto sidii loo yarayn lahaa isafgaran waaga iyo colaadada ka jirta Somaliya, wuxuuna carabka ku dhuftay in aqoonsiga Somaliland uu dhiirigalin u noqon karo baadigoobka nabadda Somalia, Somalilandna ay kaalin mug leh ka gali karto soo afjaridda xiisadaha ka jira dalkaas
|
|||
Hargeysa(Somaliland.Org) Goob cusub oo diiwaan-gelin isla markaana aan ku jirin qorshihii hore ee goobaha diiwaan-gelinta oo aan sharci ahayn ayaa shalay si tuugo ah looga furay xafiis ku yaala ka soo horjeedka xarunta madaxtooyada.
Goobtan cusub oo aan ka mid ahayn 133-goobood ee degmada Hargeysa hore looga codeeyay isla mar ahaantaana goobtan cusubi kuma jirto 20-goobood oo dhawaan loogu daray goobaha diiwaan-gelinta magaalada Hargeysa ayaa si aan waafaqsanayn sharciga looga furay shalay xafiiska la taliyaha M/weynaha ee dhinaca arrimaha bulshada oo ku yaala ka soo horjeedka xarunta madaxtooyada,taasoo ilaa manta gelinkii dambe laga waday whawsha diiwaan-gelinta cod-bixiyayaasha.
Waxaana la arkayay goobtan oo si gaar ah ay ugu shaqaysanayeen
masuuliyiin ka tirsan dawlada sida xoghayaha guud ee golaha guurtida Mr C/laahi Dheere,isla markaana ay iska diiwaan-gelinayaan dad gaar ah.
Masuuliyiinta gudiga doorashooyinka qaranka ee heer qaran iyo heer gobol oo aanu isku daynay in aanu la xidhiidh si aanu wax uga weydiino goobtaasi cusub ayaanay noo suurto gelin in aanu helno.
Hase yeeshee gudoomiyaha xisbiga KULMIYE ee gobolka Hargeysa Axmed Cumar Xaaji C/laahi Xamarji oo shabakada wararka ee Somaliland.Org ay caawa khadka telefoonka kula xidhiidhay ayaa cadeeyay in aanay goobtaasi ka mid ahayn goobihii diiwaan-gelinta ee sharciga ahaa isla markaana aanay ka mid ahayn 20-goobood oo loo kordhiyay magaalada Hargeysa “Goobtaa cusub ee ku taala ka soo horjeedka madaxtooyada anagu ma ogin kamana mid aha 133-ka goobood ee hore Hargeysa uga diiwaangashanaa iyo 20-ka goobood ee iminka loo kordhiyay magaalada markaa waxaanu u aragnaa goob xaaraan ah oo cid gaar ah lagu raali gelinayo waxaanuna komishanka ka dalbanaynaa inay noo cadeeyaan sifaha goobtaasi loo sameeyay” Ayuu yidhi gudoomiyaha xisbiga KULMIYE ee gobolka Hargeysa Muj Axmed Cumar Xaaji C/laahi Xamarji oo ka jawaabayay waxa ay kala socdaan xisbi ahaan goobtaa cusub ee laga furay xafiiska la taliyaha m/weynaha ee dhinaca arrimaha bulshada.
Dhinaca kale waxa dhowaan xarunta dhexe ee komishanka doorashooyinka ku soo xerooday sanduuq ama Computer ka mid ah kuwii ka hawl galay gobolka Awdal oo in ka badan mudo shan iyo labaatan aan la ogayn meel lagula maqnaa,kaasoo shaki weyn geliyay axsaabta mucaaradka ah isla markaana daah furay arimo badan oo hore tuhuno badan looga qabay kartida komishanka doorashooyinka.
Source/ Somaliland.org
Marwo Amina Weris oo xaflad Lagu qabtay Manchester ku sheegtay in dadka reer Somaliland maanta yihiin isbedel doon, mabaadiida Xisbiga KULMIYE na yahay kii ka saari lahaa maanta marxaladan adag ee la soo daristay Somaliland.
Magaalada Manchester ayaa habeenimadii Jimcaha ahayd, bishuna Novemberna ahayd 28 2008 lagu qabtay xaflad ay si ween usoo agaa simeen garabka haweenka KULMIYE ee Manchester.
Xafladaa oo marwo Amino-Weris uga warantay dadkii halkaa isugu yimid xaalada maanta dalku marayo, waxaa hadalkii ay halkaa ka tidhi ahaa mid dhinacyo badan taabanayay.
Hase yeeshee qaybo ka mida oo aan halkan idinku soo ururinay ayaa waxa aad ka daawan kartaan halkan hoose.
Laanta Haweenka Garabka KULMIYE ee Manchester waxa ay u mahad celinayaan dhamaan dadkii halkaa isugu yimid ee ku soo dhaweeyay Marwo Amina Weris Xafladaa Manchester.
Marwo Asha Mohamed
Garabka Haweenka KULMIYE Manchester
Hargeysa(Somaliland.Org) Gudoomiyayaasha sadexda xisbi qaran ee UCID,KULMIYE iyo UDUB ayaa maanta yeeshay kulan ay kaga wada hadlayeen sidii loo meel marin lahaa heshiis ay sadexda xisbi hore ugu kala saxeexdeen arimo la xidhiidha hawlaha doorashooyinka iyo sidii loo wada samayn lahaa gudi dhex ah oo la socota sidii aanay xukuumada iyo xisbul-xaakimkeeda UDUB aanay ugu takri fail hantida qaran.
Kulankan oo ka dhacay qasriga madaxtooyada ee uu degan yahay gudoomiyaha xisbiga UDUB Daahir Riyaale waxa dhinaca axsaabta mucaaradka ka socday gudoomiyaha xisbiga KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo labadiisa ku xigeen halka dhinaca xisbiga UCID-na uu ka socday gudoomiyaha xisbigaasi Faysal Cali Waraabe iyo ku xigeenkiisa waxayna warar ku dhow dhow kulankaasi tibaaxeen inay hogaamada sadexda xisbi kaga wada hadleen dhawr arimood,kuwaas oo la sheegay inay ka mid ahaayeen sidii loo dhaqan gelin lahaa go’aamo ka mid ahaa heshiiskii sadexda xisbi qaran ay u wada gaadheen badhtamihii bishii June ee sanadkan waqtigaas oo ay ku ekayd mudadii shanta sano ahayd ee hogaanka talada dalkan loo doortay Mudane Riyaale.
Waxaana go’aamada heshiiskaasi sadexda xisbi ay hore isula qaateen ka mid ahaa sidii loo wada samayn lahaa gudi dhex ah oo gacanta ku haysa awooda hantida qaranka,isla markaana aanay xukuumada iyo xisbigeeda UDUB aanay si gaara ugu takri falin hantida qaranka sida dhaqaalaha,warbaahinta,gaadiidka iwm waxayna xogo u dhuun daloola kulankaasi tibaaxeen in M/weyne Riyaale arintaas ka cago jiidayo isagoo la sheegay inuu ku dooday in arintaasi ay ku filanyihiin gudiga doorashooyinka qaranka,hase yeeshee doodaasi gudoomiyaha xisbiga UDUB mudane Daahir Riyaale ma noqon mid ay ku qancaan labada hogaamada labada xisbi ee mucaaradka ah.
Waxa kale oo xogaha u dhuun daloola kulankaasi ay intaa ku dareen in kulankaa lagaga wada hadlay sidii gudiga doorashooyinka iyo hawlahooda loo dhiiri gelin lahaa isla markaana awoodahooda loo madax banaanayn lahaa taas oo sadexda dhinacba ay isla qaateen.
Inkasta oo aanay kulanka ka soo bixin wax ay ku heshiiyeen sadexda dhinac balse waxa lagu wadaa inay kulamo kale isugu imaan doonaan mudooyinka soo socda,kaasoo lagu wado inay xal kaga gaadhaan sidii ay u dhaqan gelin lahaayeen waxyaabihii ay hore ugu heshiiyeen.
Source/Somaliland.org

“waxaan ahay nin wayn ee Ina Rayaale oo Somaliland haysta inaan dhinto dooni mayo”….Wasiirkii Hore Ee Reer Miyiga Fu’aad Aadan Cade
Hargeysa(Somaliland.Org) Wasiirkii hore ee Deegaanka iyo Horumarinta reer Miyiga Fu’aad Aadan Cadde ayaa maanta ku biiray Xisbiga Mucaaradka ah ee KULMIYE.
Munaasibad loo qabtay ku-biiritaanka Fu’aad ee Xisbiga KULMIYE oo ka dhacday Xarunta dhexe ee Xisbiga KULMIYE ayaa waxa ka soo qaybgalay Hoggaanka sare ee Xisbiga KULMIYE, Xubno ka socday Golaha dhexe ee Xisbiga, Xildhibaano iyo marti-sharaf kale.
Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo halkaa ka hadlay ayaa Fu’aad Aadan Cadde ku tilmaamay nin mawqif siyaasadeed leh, isla markaana aan ka gabban marnaba mawqifkiisa. “Fu’aad Aadan Cadde waaa nin ka soo jeeda Gobolka Sool oo aqoon badan leh, isla markaana aaminsan Somaliland.. waa nin dhiiran oo UDUB wuxuu kala soo wareegay oo aynu maqli jirnay isaga oo Xukuumadda ku jira in uu Mawqif cad istaagi jiray. Waxaanu ku leenahay soo dhawoow xisbiga, si qiimo leh ayaad Xisbiga uga mid noqonaysaa,Doorashooyinka soo socdana waxaan rejaynayaa inaad ka soo hoyn doonto guulo wax ku ool ah.” Ayuu yidhi Gudoomiye Axmed Siilaanyo
Guddoomiyaha KULMIYE oo ka hadlay Weeraradii 29-kii October ka dhacay Hargeysa, waxa uu Shacabka ugu baaqay in aan laga yeellayn Shacabka Soomaaliyeed ee ka baro-kacay Koonfurta Somalia. “Ha la ilaaliyo dadka walaalaheen ah oo yaynaan noqon dad martidii la joogtay baqdin iyo wel-wel ku abuura.” Ayuu yiri Axmed Siilaanyo.
Wasiirkii hore ee Deegaanka iyo Horumarinta reer Miyiga Somaliland Fu’aad Aadan Cadde oo muddo haatan ku siman 8-bilood ka hor Madaxweyne Rayaale Xilka ka qaaday oo isna halkaa ka hadlay ayaa yidhi, “Waxaan ballan qaadayaa oo aan Ilaahay ka baryayaa in uu ila qabto oo aanan waxba kala hadhin Dalka, Dadka, Gobolkaan ka imi (Sool) iyo Xisbigaba ee aan wax taro. Waxa kale oo aan ballan-qaadayaa in aanan Somaliland waxba kale hadhin ugu horrayn. Waxaan aaminsanahay ninku Lacag, Caafimaad, Ubad iyo wax kasta oo kale ha haysto, haddii aanu qofku Waddan nabad ah oo la ictiraafsan yahay lahayn, rag iyo dumar ka uu doono ha ahaadee xarragadiisu wax ay taraysaa ma jirto. Maanta iiguma muuqato (Somaliland) in uu yahay sidii dal lagu noqon lahaa, waa in lala yimaadaan habkii dal lagu noqon lahaa. “
Fu’aad Aadan Cadde ayaa ka warmay sifihii uu Madaxweyne Rayaale Xilka uga qaaday wixii qoraalkii ku xusnaa Digreetadii M/weyne Rayaale Xilka kaga qaaday. “Runtii maaha inaan Dawladda caayayo, ee Shan sannadood ayaa Wasiir ahaa, siddeed bilood ayaan hadda ka maqanahay, intii aan ku jiray mar walba waan hadli jiray oo wax ha la qabto ayaan odhan jiray, wixii dhalliil jirana waan sheegi jiray. Sideedda bilood ee aan ka maqnaa maan hadlin oo Saxaafadda midna kamaan hadlin. Macnaheedu waxa weeye, wixii shalay aad ka midka ahayd maanta ha caayin. Runtu waxay tahay, Madaxweynuhu markii uu I eryay waxa uu Warqadda iigu qoray, waxaan u fasaxay inuu meelahaa ka nac-nacleeyo. Madaxweynaha maan caayin oo Oday baan ahay, waxaanan idhi caayi maayo oo isagu wuu I caayay, hase ahaatee haddii Madaxweynuhu runta u yaqaano nac-nac, runta waan sheegayaa inta aan noolahay.” Ayuu yidhi Fu’aad Aadan. Waxaanu intaa raaciyay oo uu yidhi, “Aniga oo aaminsan in aydun markii horeba run isu sheegi jirteen, waxaan idinku soo kordhinayaa in aan run dhexdiina ka sheego”Ayuu yidhi Fu’aad Aadan Cade
Fu’aad Aadan Cadde waxa uu halkaa ka jeediyay Ereyo Siyaasadeed oo duur-xul iyo badheedh-ba isugu jira. “Nin da’ ahaa oo Maraykan ah, ayaa la soo shaqeeyay afar Madaxweyne oo Dawladihii Maraykanka ee awoodda lahaa iyo sidoo kale Dawladdii Ruushka. Muddo dabadeed ayuu shaqadii ka fadhiistay, waxa u tegay nin Suxufi ah oo waydiiyay, maadaama aad Hanti, Magac, Caruur iyo Waayo-aragnimo-ba leedahay miyaanad faraxsanayn. Wuxuu ugu jawaabay, waxaan ahay nin wayn, mana rabo in aan dhinto isaga oo Nixon uu joogo oo uu Madaxweyne ka yahay Aqalka Cad. ILaahay wuu ugu hagaajiyay oo Nixon waa la khaarajiyay. Imika, waxaan idin leeyahay, waxaan ahay nin wayn ee Ina Rayaale oo Somaliland haysta inaan dhinto dooni maayo. Waxaan Ilaahay ka baryayaa inaynu helno dal wanaagsan iyo Dawlad wanaagsan.” Ayuu yidhi Fu’aad Aadan Cadde.
Waxa kale oo Munaasibaddaa ka hadlay Guddomiye-xigeenka labaad ee Golaha Wakiillada Somaliland Baashe Maxamuud Faarax oo Fu’aad Aadan ku tilmaamay Masuul wax wayn ku kordhin doona Xisbiga KULMIYE, isla markaana metela Siyaasiyiinta Gobolka Sool. Waxaanu sheegay in ay jiraan Siyaasiyiin kale oo mustaqbalka dhow ku soo biiraya Xisbiga KULMIYE.
Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo ka mid ah xildhibaanada Golaha Wakiillada Somaliland, kana soo baxay Xisbiga KULMIYE oo halkaa ka hadlay ayaa isna soo dhaweeyey, isla markaana xusay in ay jireen Siyaasiyiin kale oo ka soo jeeda Gobolka Sool oo hore uga mid ahaa Xisbiga.
Hargeysa (Somaliland.Org) Wasiirka daakhiliga C/llaahi Ismaaciil Ciro ayaa sheegay in qaraxyadii 29-kii bishii hore ka dhacay gobo ku yaala caasimada Hargeysa inay ka dambeeyeen ururka Al-shabaab,ka dib markii uu maanta shirjaraa;id oo uu xafiiskiisa ku dhawaaqay natiijadii ka soo baxday baadhista weeraradii ismiidaaminta ahaa ee 29-kii October 2008 lala beegsaday Madaxtooyada, Xafiiska Safaaradda Itoobiya ku leedahay Somaliland iyo xafiiska hay’ada UNDP magaalada Hargeysa.
Wasiirku waxa uu sheegay in tiradii dadkii qaraxyadaas fuliyey ay dhammaayeen lix qof oo mid ka mid ahi uu u dhashay Somaliland, halka shanta kalena ay ka soo jeedaan koonfurta Soomaaliya, kuwaas oo uu sheegay in laba ka mid ah si toos ah u aqoonsadeen,inkasta oo aanu magacooda sheegin xubnahaasi ay aqoonsadeen.
“Dhacdadii dhacday 29-kii October ee dhimashada, dhaawaca iyo khasaarahaba geysatay ee Dawlada Somaliland gil-gilshay waxa laga joogaa maanta sagaal iyo labaatan maalmood, muddadaasna waxa lagu gudo jiray baadhis si xaqiiqada loo ogaado, iyada oo ay weli baadhisteedii socoto oo ay natiijada u danbeysa maxkamadu leedahay ayaan doonayaa maanta inaan idiin iftiimiyo oo ummada u sheegno in badan ayey dhegtu taagnayd, weerarkaas ciddii ka dambeysay ee soo abaabushay ee Madaxda ka ahayd ee hawlgalka fulisay kuwii dhintay iyo kuwa noolba meelkastaa oo ay joogaan-ba waxa weeyaan Ururka la yidhaahdo Al-shabaab,” ayuu yidhi Wasiir C/laahi Ciro.
Wasiir C/laahi Cirro oo ka hadlayey dhacdadan ugu dambaysay cidda ka fulisay iyo cidda ka dambaysayba wuxuu yidhi; “Kiiskan ugu dambeeyey Axmed Cabdi Godane iyo Mukhtaar Al-Mansoor Roobow labadoodaasi ayaa abaabulkiisa lahaa, halkan ninka isaguna abaabulaha koowaad ka ahaa waxa la yidhaa Cabdifataax Cabdilaahi Guutaale oo Green Card mareykan ah sita inuu sax ahaa iyo in kale mooyaane Baasaboor Soomaali ahna laba jeer kaga soo degay marna Airport-ka Hargeysa kagana dhoofay labada goorba Baasaboorka, waa isla kii hase yeeshee, Magaca ayaa kala beddelen, marna waxa u qoran Cabdilaahi Guutaale, marna waxa u qoran Axmed Muuse iyo Nin-kale oo la yidhaahdo Nuur Sheekh Muxumed oo baxsaday iyo nimanka iminka arrintan u xidhan oo markaan maxkamada u gudbino aad xaqiiqdooda ogaan doontaan.”
Wasiirku waxa uu sheegay in aanay ahayn markii ugu horreysay ee Al-shabaab soo weerarto Somaliland, balse ay ka dambeysay weeraradii hore uga dhacay ee lagu laayey dad ajaanib ah oo hawlo samafal u joogay dalka.
Isaga oo arrimahaa ka hadlayana wuxuu yidhi; “Kooxda Al-shaabab markii ugu horreysay ee ay Somaliland soo weerarto maaha, waxay soo weerartay marar badan oo is-daba jooga weerarkii ugu horreeyey waxa uu dhacay 19/9/2000, waxay afduubeen gaadhi ay lahayd WFP, kooxdii Afduubtay waxa madax ka ahaa Nin-kii la odhan jiray Kuutiye ee kooxdii Dhoqoshay-na watay waxa ku xigay dilkii nin la odhan jiray Martin oo 30 Dec 2002 ee Huteel Star horteeda ka dhacay”
Waxaanu intaa raaciyay “waxa ku xigay dilkii dhacay 05/10 2003 oo Boorma ka dhacay ee Alaneli tonelli loo geystay, waxa ku xigay dilkii lamaanihii dugsiga sheikh oo isaguna dhacay 8 November 2003, waxa ku xigay dhacdadii lacagta ahayd ee Wajaale laga dhacay 22 Novenber 2003, waxa ku xigay dilkii gabadhii Sawaaxiliyada ahayd ee lagu dilay tuulada la yidhaahdo Diin-qal 19/3/2004, waxa ku xigay miino aad u fara badnayd oo lagu qabtay Hargeysa 27 April 2006, waxa ku xigay hawlgal ballaadhnaa oo lala doonayey goob-joogayaashii doorashadii Barlamaanka oo Xamar laga soo abaabulay oo nimanka Al-shabab Madaxda ka ah gaar ahaan Aadan Xaashi Cayrow iyo ninka layidhaahdo Axmed Cabdi Godone, Ibraahim Jaamac Meecaad ay soo abaabuleen kaasina waxa uu dhacay 22 September 2005, waxa kooxda madax u ahaa Axmed Cabdi- Godane waagaas ayuu ka baxsaday Somaliland intii ka danbeysayna waa Madaxda Sare ee Al-shabaab.”Ayuu yidhi wasiirku
Waxaanu ugu dambeyntii wasiir C/laahi ciro yidhi “Cadowga Somaliland ee ilaa maalinta hore ilaa maanta waxa kiisas ah ee is-daba jooga ah cidda ka masuulka ah ee aan caalamkana u sheegaynaa, ummada Somaliland-na aanu u sheegaynaa ee aanu leenahay waa cadowgiina 1-aad ee ogaada Waa Al-shabaab , iyaaga Madax ka ah maalintii dhawayd markii ay arrintani dhacday waxa uu ina Cabdi- Godane ku khudbadeeyey Waajibaad ayaa la soo gutay aad iyo aad ayey ugu riyaaqeen, waxa isaguna ku jiray Xasan Turki,” ayuu yidhi Wasiirku.

(Somaliland.Org) – Dawladda Kenya ayaa qarka u saaran inay rukhsaddii kala noqoto xafiis ay hore u ogolaatay in ay dawladda Somaliland ka furato caasimadda Kenya ee Nairobi, kadib markii ay wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Somaliland la daahday sidii ay uga furan lahayd Nairobi ee uu u noqon lahaa mid taabo galay.
Ilo xog-ogaal ah oo arrinta aanu ka waraysanay ayaa waxay noo sheegeen in dawladda Kenya iyo ta Somaliland ay muddo hore isku af-garteen in midba ta kale ka furato xafiis martabad diblomaasiyadeed leh. Waxaana wakhtiyada qaarkood ku sugnaan jiray magaalada Hargeysa sarkaal ka tirsan dawladda Kenya, kaas oo xafiis ku lahaa caasimadda dalkan ee Hargeysa.
Waxa kale oo jirtay in wasiirka Maaliyadda Cawil Cali Ducaale uu in badan isku taxalujin jiray in uu noqdo wakiilka Somaliland u fadhiya dalka Kenya, balse uu arrintaas marwalba ka diidi jiray Madaxweynihii geeriyooday ee Somaliland Marxuum M. I. Cigaal. Hase yeeshee xidhiidhka Somaliland iyo Kenya waxa uu noqday mid sidii hore dhaama kadib markii uu Madaxweyne Riyaale booqasho ku tegay dalkaas sannadkii 2006 iyo waliba markii wakiilka Somaliland ee fadhiya dalkaasi loo magacaabay Mr. Maxamed Axmed Nuur (Indho-Buur), kaas oo la sheegay in uu yahay nin asal ahaan ka soo jeeda Somaliland balse ku dhashay Kenya.
Haddaba siday ilo-haasi xog-ogaal ahi noo sheegeen furitaanka xafiiska Somaliland ee Nairobi waxa uu muddo sannad ahba u xanibnaa ilaa haddana u xaniban yahay kharashkii lagu diyaarin lahaa xafiiskaasi haddii ay tahay dhinaca qalabka iyo haddii ay tahay dhinaca kirada la sii qadimoba.
Ilohaasi waxay sheegeen in kharashka ku bixi lahaa fulinta xafiiskani aanu qiyaas ahaan ka badnaadeen $50,000 (konton kun oo dollar). Waxayse intaas ku dareen in kharashkaasi aanu macno lahayn marka la barbar-dhigo hawlaha ahmiyadda weyn leh ee uu xafiiskani Somaliland uga qaban lahaa caasimadda Kenya ee haatan noqotay xarunta laga unko lagana hago siyaasadaha diblomaasiyadeed ee dunidu kula dhaqanto dalalka mandaqadda Bariga iyo Geeska Afrika.
Dhinaca kale wasiirka Maaliyadda ee Somaliland Cawil Cali Duaale ayaa waxa uu laba guri oo qurux badan ka dhistay xaafadda Haligham State, Chaka Road, Studio House Ave, ee magaalada Nairobi.
Labadan guri oo aanu sawiradooda hayno, waxa la sheegay inay ku yaalaan mid ka mid ah xaafadaha ugu dhulka iyo guryaha qaalisan magaalada Nairobi, isla markaana kaamboolka ay ku wada yaalaan lagu dhex arko dhawr gaadhi oo mid ka mid ahi yahay Toyota Prado, kaas oo sida la sheegay ah nooca aanay rasaastu karin.
Hase yeeshee waxa la xaqiijiyay in gaadhigaasi uu wasiir Cawil kala soo degay dibadaha iyada oo loo soo mariyey Cadan-Mambasa oo dhinaca badda ah.
Xigasho Haatufnews