Borama-(Lug)-Musharaxa Madaxwayne ku xigeenka Xisbiga Kulmiye Eng.C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici) oo uu weheliyo Xoghaya Arrimaha dibada ee Xisbiga Kulmiye Dr.Maxamed C/laahi Cumar ayaa maanta magaalada Addis Ababa Kulan kula yeeshay Qunsulka Maxmiyadda Britain u fadhiya Adiss Ababa John Marshal, Kulankan ayaa waxa uu ka dhacay Gudaha Qunsulidda Ingiriiska ee Magaalada Addis ababa.
Eng.C/raxmaan Saylici oo khadka Telephone ugu waramay shabakada Lughayanews ayaa sheegay in kulankii ay la yeesheein Qunsul John Marshal uu ahaa mid midho dhal ah isagoo ka waramay waxyaabihii ay ka wada hadleen ayaa waxa uu yidhi waxa aanu ugu horeyn kala hadalnay sidii ay dowladda Ingiriisku u dar dar galin lahayd dadaalada ay ugu jirto Aqoonsi Caalami ah oo uu dalku helo.
Sidoo kale waxa aanu ka wada hadalnay Dimuqraadiyadda ka hano qaaday Somaliland iyo howlihii u dambeeyey ee ka qabsoomay dalka, ee ay ugu muhiimsanayd Diiwaangalintu taasi oo uu ka muujiyay dareen aad u sareeya.
Waxaa kale oo Eng.Saylici sheegay inay ka wada hadleen Qunsulka, Amniga Qaranka oo uu xusay inuu yahay mid u baahan adkayn iyo howlaha Budhcad badeeda iyo dadaalada ay Beesha Caalamku ugu jiraan sidii budhcad badeeda loo Xakamayn lahaa.
Waftigan heerka Qaran ah ee uu hogaaminayo Eng.C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici) oo imika ku sugan Magaalada Addis ababa ayaa waxa ay usii dhaafi doonaan Maalinta Isniinta ah ee Fooda inagu soo haysa magaalada London ee dalka Ingiriiska, halkaasi oo uu kaga qayb gali doono shir aad u balaadhan oo ay yeelan doonaan Taageerayaasha Xisbiga Kulmiye ee Qurba Jooga ah kuwaasi oo iskaga iman Doono Waqooyiga America, Bariga iyo Badhtamaha Europe, Khaliijka, Asia iyo Australia.
Shirwaynahan ayaa waxa uu dhici doonaa 24 January, 2009, waxana uu noqon doonaa mid si wayn looga arrinsado u diyaargarowga doorashooyinka fooda inagu soo haya iyo guud ahaan Xaalada dalka iyo Mustaqbalka Aqoonsiga qaranimda Somaliland.
Waftigan ee uu hogaaminayo Eng.Saylici ayaa waxa uu noqon doonaa Ergayga ugu sareeya ee ka socda Xisbiga Kulmiye ee Shirwaynahaasi ka qayb gala, waxa kale oo uu waftigu booqashooyin ku kala bixin doonaa qaybo ka mid ah Qaarada Europe halkaasi oo ay kula kulmi doonaan Jaaliyaddaha Somaliland ee Qurba jooga iyo Taageerayaasha Xisbiga Kulmiye
| Xisbiga KULMIYE Oo Ka Jawaabay Eedayn Xukuumaddu U-jeedisay Una Xambaariyay Maamulka Madaxweyne Rayaale. | ||
![]() |
||
hadhwanaag 2009-01-06 (Hadhwanaagnews) Hargeysa(HWN):-Xubno isugu jira Xildhibaano iyo Siyaasiyiin ka soo jeeda dhalasho ahaan Deegaanka Buuhoodle, isla markaana ka tirsan Xisbiga Mucaaradka ah ee KULMIYE, ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay eedaymo ay Wasiiro Xukuumadda Madaxweyne Rayaale ka tirsani, kuwaasoo ku eedeeyay in Kulmiye ka dambeeyay rabshadihii todobaadkan ka dhacay Magaalooyinka Buhoodle iyo Widh-widh. Wasiir ku xigeenka hawlaha guud iyo Guryaynta Somaliland oo dhalasho ahaan Buuhoodle ka soo jeeda, ayaa shalay shir jaraa’id oo uu ku qabtay Magaaladda Hargaysa waxa uu ku eedeeyay shaqaaqadii ka dhacday Degmada Buuhoodle ee lagaga soo hor jeeday diwaangelinta in ay masuul ka ahaayeen xubno ka tirsan Xisbiga KULMIYE oo ka soo jeeda Deegaanka Buuhoodle. Xubnaha uu Wasiir ku xigeenku eedeeyay oo ay ka mid ahaayeen Xildhibaan Maxamed Jaamac Cabdi, Xildhibaan Xamse Maxamed Gaadawayne iyo Wasiir ku xigeenkii hore ee Wasaaradda Hawlaha guud Cabdirashiid Ducaale Qambi, ayaa shir jaraa’id oo ay maanta ku qabteen magaalada Hargaysa waxa ay ku sheegeen in aanay waxba ka jirin eedaymaha xukuumaddu u soo jeedisay, wasiir ku xigeenkana ay hadalkaasi u gaysay waayo aragnimo la’aan iyo aqoon la’aan siyaasadeed. Masuuliyiintani waxa ay sheegeen in xukuumaddu masuul ka tahay wax kasta oo ka dhacay deegaankaasi, maadaama oo ay xukuumaddu aanay samayn wax diyaargaraw ah iyo wax qorshe ah midna ku tagin deegaankaasi, isla markaana ay hawl-wadeenadii diwaangelinta u dirtay dhul aanay iyadu gacanta ku haynin amaankiisa. Masuuliyiintani waxa ay intaa ku dareen in xukuumadda looga baahnaa in ay qirato khaladaadkii ay gashay ee aanay ahayn in ay cid kale ku eedayso. Dhinaca kale, wararka naga soo gaadhaya degmada Buuhoodle ayaa sheegay in ay maanta degmadaasi soo gaadheen siddeed baabuur oo tikniko ah oo ay wateen maleeshiyaad reer Buuhoodle ah, oo taabacsan maamul-goboleedka Puntland, kana yimi dhinaca magaalada Garoowe. Warku waxa uu intaa ku daray in dadka deegaankaasi diiday in ay kooxdaasi soo galaan gudaha magaalada Buuhoodle. Xigasho/ Hadhwanaagnews |

Hargeyasa, Somaliland- Musharaxa madaxweyne ku xigenka xisbiga Kulmiye Eng Cabdiraxman Cabdillahi Saylici iyo xoghayaha arimaha dibada ee xisbiga Dr Maxamed Cabdillahi Cai ayaa shalay ka soo u soo amabaxay dalka Ingriiska iyaga oo ku sii hakanaayay magaalada Addisababa ee caasimada dalka Ethiopia.
Madaxda xisbiga ayaa inta joogaan magaalada Addisababa waxay waxay kulamo la yeelan doonaan madax ka tirsan dalka Ethiopia iyo safaaradda dalka Ingriiska oo ay ka wada hadlayaan doorashooyinka soo socda ee iyo arimo la xidhiidha geedi socodka dimuqraadiyadeed ee jamhuuriyada Somaliland.
Musharaxa madaxweyne ku xigeenka xisbiga Eng Saylici iyo xoghayaha arimaha dibada ee xisbiga Dr Maxamed Cabdillahi Cumar ayaa waxay la kulmi doona dhamaan taageerayaasha xisbiga Kulmiye ee dalka Ingriiska arimo la xidhiidha u diyaar garowga doorashada Madaxweyne iyo ku xigeenka ee bisha march 29keeda dalka ka qabsoomi doonta.
Kulmiye.org
” INNA LILLAAH WAA INNA ILAYHI RAAJUCUUN”
Aniga oo ku hadlaya magacayga, magaca golaha dhexe ee xisbiga, dhamaan xubnaha iyo taageerayaasha xisbiga ee dibada iyo gudaha dalkaba jooga waxaan halkan tacsi uga soo gudbinaya walaalkeen Ibrahin Xuseen oo ah gudoomiyaha Kulmiye UK,oo xalay walaalkii Sh Axmed Xuseen ku geeriyooday magaalada Hargeysa. Waxaan marxuumka ILLAAHAY uga baryayaa inuu janadii Fardowsa ka waraaabiyo, idinkana samir iyo iimaan idinka wada siiyo. Aamiin
Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo
Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye
Hargeysa
____________________________________________________________
” INNAA LILLAAH WAA INNAA ILAYHI RAAJUCUUN “
Waxaa iyaguna tacsi tacsidaas la mid ah diraya dhamaan laamaha xisbiga ee kala duwan oo kala ah UK, Norway, Sweden ,Denmarka, Finland, Abudhabi, Canada iyo laamaha Maraykan. Waxaa kale oo iyaguna si gaar ah tacsidan mid la mid ah soo gudbinaya gudoomiyaha, gudida iyo dhamaan xubnaha qurbajooga Kulmiye ee ku dhan madasha loo yaqaan Kulmiye Egroupka oo walaalkood Ibraahim ka tacsiyadaynaya geerida ku timid walaalkii Sh Axmed Xuseen ILLAAHAYNA uga baryaya inuu marxuumka janadii Fardowsa ka waraabiyo ehelkii iyo qaraabadiina samir iyo imaan ka wada siiyo. Aamiin.



“Runta markaan sheego KULMIYE gobollada
oo dhan si laxaad leh baa loogu soo dhaweeyay”
Axmed-Siilaanyo
Berbera (Ogaal)- Guddoomiyaha xisbiga Mucaaradka ah ee KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa shalay hadal u jeediyay dad tiro badan oo ka tirsan taageerayaasha xisbigiisa ee gobolka Saaxil, kuwasoo isugu soo baxay xafiis-gobolleedka KULMIYE ee Berbera.
Taageerayaasha KULMIYE ee Saaxil, waxay shalay Guddoomiyaha ku soo dhaweeyeen magaalada Berbera ka dib markii uu ka soo laabtay socdaal wefti uu hoaaminayay kaga soo laabteen ka-qaybgalka hirgelinta hawlaha diiwaangelinta gobolka Sool. “Waxaad nasiib u yeelateen inaad noqotaan gobolkii u horeeyay ee Diiwaangelinta gala. Runtii tiradeenu ha yaraato, laakiin waxaan u malaynayaa haddii lays baadhbaadho, tirooyinkana Server-ka (Kambuyuutarka kala shaandhaynta dadka ku noqnoqda isdiiwaangelinta), cidi inagama dad badna.” Sidaa waxa yidhi Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo ka mid ahaa weftiga Guddoomiyaha ee ka soo laabtay gobolka Sool. “Waad ogtihiinoo, Diiwaangelintu maaha doorashadii, ololihii doorashaduna wuu inoo hadhay. Laakiin, tani bilaw bay u tahay hawsha doorashooyinka oo qofka aan hadda isdiiwaangelini doorashada ma codayn karo. Idinku hore ayaad hawshiinii u fuliseen (diiwaangelinta u gasheen), gobollada aanu so marnay oo dhanna si wacan bay uga socotay. Markaan runta idiin sheego, si aad u wanaagsan oo laxaad leh ayaa xisbiga KULMIYE gobollada aanu soo marnay oo dhan loogu soo dhaweeyey.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiye Axmed-Siilaanyo oo hadal kooban u jeediyay dadweynihii isugu soo baxay xafiiska xisbigooda ee Berbera. Guddoomiyuhu waxa uu taageerayaasha xisbiga ee Berbera uga mahadceliyay soo dhawaynta ay u muujiyeen. Wuxuuna intaa ku daray, in gobolka Saaxil ay ka bilaabi doonaan ololaha doorashada Madaxtinimada oo la filayo inay dalka ka dhacdo 29 March, muddo kooban ka dib marka xisbiyad loo fasaxo ololaha tartanka Madaxtinimada.
Weftiga KULMIYE oo shalay munaasibad qado ahayd ay isku qaabileen qaar badan oo taageerayaashiisa ka mid ah, wuxuu fiidnimadii xalay ku soo laabtay magaalada Hargeysa.
Xigasho / Ogaal

Dunidan aynu ku noolahay laba system ayuu policeku u shaqeeya. Waa police dowlad diktator ah u shaqeeya oo guud ahaan dowladda dalkaa ka jirta danaheeda gaarka ah ee madaxda dowladdu leedahay fuliya oo amarkooda uun qaata iyo police ilaaliya sharciga ka jira dal diimuqradiya.
Markaa aynu ku horaynu dowladda diimuqraadiga ah. Policeka uu dalkaasi leeyahay sharciga dalka u yaala ayaa la baraa. Dugsiyo sharciga lagu dhigo oo dalkaasi leeyahay ayey askartu kasoo qalin jebiyaan. Qof aan sharciga aqoon police lagama dhigo. Policeku markuu ku qabanayo sharcigii aad jebisay ee dalka u yiilay ayuu kuu akhriyayaa. Haduu ku joojiyo wuxuu kugu odhanayaa “Sababtaan kuu joojiyey magaranaysaa.” Hadaad tidhaahdid maya iyo hadii kaleba sharciga’aad jebisay ayuu kuu sheegayaa. Reboodh ayuu kaa qorayaa faahfaahsan oo uu ku qoran yahay sharcigii aad jebisay ee markii uu ku qabtay aad faraha kula jirtay, saacadii, meeshii iyo hadii uu wax kale oo cadayma ah hayo cadaymihii. Hadii aanu askarigaasi wax macquul ah keenin maxkamadda ayuu waji gabax kala kulmayaa oo canaan u jeedinaysa. Markaa askarigu isaga oo huba qofkan uu soo xidhay inuu denbigii uu galay ku cadyahay ayuu maxkamadda geeyaa. Arin aniga , tuug iyo askari nadhexmartay aan idiinka sheekeeyo. Tuug ay arini nadhexmartay oo baxsaday ayaan arkay maalin kale isaga oo dukaankaygii hortiisa maraya . Askar ayaan wacday waxaan ku idhi “Ninkan meeshayada horteeda aan hada ku arkay, kamarad ayaa qabatay oo aan ka daawaday wuxuu u eegyahay nin kamid ah ragii tuugta ahaa. Qoortu waa qoortiisii, timuhu waa timihiisii, dhererkuna waa dherarkiisii” Askarigii wuxuu igu yidhi “ Ninkan hadda wax denbi ah oo uu faraha kulajiro mahayno. Maxkamaduna wax cadaan ah ayey iga rabtaa oo indhaha ayey igaga dhufanaysaa dacwada aan ku soo oogo oo wuxuu u eegyahay ninkii tuuga ahaa ma iga aqbalayso, laakiin magaciisa iyo cinwaankiisa ayaanu haynaynaa.”
![]()
Arintan soo socota sifiican aynu u fahano: “ POLICEKA DAL DIIMUQRAADIYA KA HOWLGALAA NINA AMAR KAMAQAATO CIDINA MASOODIRTO OO QOFKAA SOOQABO MATIRAAHDO SHARCIGUU AMAR KAQAATAA, SHARCIGUU ILAALIYAA, CIDKASTA OO SHARCIGA JEBISA OO DENBI GASHA MAXKAMADDA AYUU GEEYAA, HADII UU MADAXWAYNAHA OO DENBI KUJIRA ARKO, MASALAN ISAGOO TARAFIK LAYDHJARAY, TIGIDH AYUU U GOYNAYAA, HADAAD DACWAD KAQABTO MAXKAMADDA TAG AYUU LEEYAHAY” Waxa laga yaabaa inuu madaxwaynahaasi baryo askariga oo yiraahdo “ Min fadlan waan isku yara buuqsanaa oo ogaan umaan jebin sharciga masdaxdayduba may joogin ee ii naxariiso, nin madaxwayne/wasiir ah ayaan ahay hadii lamaqlo sharcigii ayaan jebiyey fadeexad iyo ceebwayn ayaan naftayda, dalka iyo xisbigaygaba u soo jiidayaa….” Markaa wasiir/madax waynahaasi wuxuu teerigaraynayaa inaanay cidi maqal. Waayo , xataa xisbigiisa ayaan arintan kuraacayn oo kasoo horjeesanaya ilayn waa xisbi mustaqbal raba e. Dadka laga baqanayaa waa shacbiga ilayn waala soo doortaaye. Meesha ay diimuqradiyadi kajirto nin walba sharcigu wuu qabtaa waana lagawada baqaa sharciga in lajebiyo waayo nin walba in sharciga la ilaaliyo ayey dantiisu ku jirtaa. Hadii kale dulmi ayaa ka dhalanaya qof walba taabta oo aanay cidina kabadbaadayn, ka bacdi burbur, kabacdi…………..
Markaa waaxda policeka iyo waaxda madaxwaynaha iyo wasiiradiisu shaqo isku malaha. Waa laba waaxood oo laba shaqo oo kala gooni ah qabta. Haday labadan waaxood is dhexgalaan diimuqraadiyadi majirto. Hada mowduucayga ayaan labadan waaxood ku soo qaatay uune ee waa inay executive-ka, policeka, cadaaladda iyo shaci dejintu kala madax banaanaadaan waa hadii diimuqraadiyad larabo.

Shaqada policeka dowlad keli talis ahi waxaweeye: Askarigu sharci mayaqaan waa madax yaqaan. Hadaad ku tiraahdid waar sharcigee ayaan jebiyey wuxuu kuleeyahay “ ANIGA AMARBAA XAGA SARE IGAGA YIMI” isagu dembi maleh mushaharkiisa ayuu ilaashanayaa hadii kale waala eryayaa. Lamabarin sida sharciga loo ilaaliyo, laguma odhan sharcigu cidwalba wuuqabanayaa. Waala marin habaabiyey , waana laga faaiidaystay. Askarigu wuxuu sharaf, qiimo iyo tayo leeyahay markuu sharciga ilaalinayo ee aanu nin u shaqayn ee dalkiisa u shaqaynaayo. Askariga dowlad dikteer ah u shaqeeyaa waa qof baqanaya sida shacbigu ubaqanayo madaxdiisa ayuu kabaqanayaa. Waayo sharci kaqabanayaa majiro oo amarkooda ayaa sharci ah. Askariga laguma odhan dowladkasta oo dhalata adigu waad joogtaa, dantaaduna waxay ku jrtaa markaad u shaqaynayso dowlad diimuqraadiya.
Xisbiyadda mucaaradku ha u ololeeyeen qeybahaas aan kor ku soo sheegnay inay kalasaarayaan oo aanay isku dhexmilmayn oo askartana sharciga labarayo oo aanay nin amarkiisa ku shaqayndoonin ee ay sharcigu waxa uu yiraahdo ku shaqaynayaan. Dalkeena Somaliland nin wasiir ah ayaa dad jeel iska dhiganaya markaasaynu odhanaynaa diimuqraadi ayeynu nahay. Dowladda dalkeena ka jirtaa inay dictator tahay shacbiga badankiisu maba oga. Maxaa la inoo ictiraafi waayey ayeynu nidhaahnaa. Dunidda dowlad dictator ah lama ictiraafo ee waa laridaa. Albaabo ayaan garaacay ayuu Riyaale ku leeyahay. Bal waxaan isugu sheekaynayno daya. Nin dictator ah cidi albaabo kafurimayso isaguna wuu ogyahay ee waa kas iyo ulakac. Shacbigay utaalaa haday sidan diimuqraadiyad u haystaan.
Abdillahi M. Saleban
Toronto, Canada
| Warkii 04-Jan-2009 iyo Qormadii: News. |
Buuhoodle-Hawlaha diiwaangelinta ee ka socda gobolada Sool iyo Buuhoodle ayaa badanaa goobihii la qorsheeyey inay ka dhacaan diiwaangelintu si nabad ah ay hawlahaasi uga socdaan,marka laga reebo degmada Buuhoodle oo rabshado ay sameeyeen malayshiyo aan la garan karin ciday ka amar qaataan,kuwaas oo weeraray 2 goobood oo ka mid ah goobaha diwaangelinta degmada Buuhoodle.
Rabshadahaas ayaa bilowday kadib markii iridaha loo furay xarumaha doorashooyinka ee Buuhoodle,iyadoo lagu riday rasaas ka dahcaysey qoryaha fudud,waxaana markii danbe ay ciidamada amnigu ka codsadeen in la joojiyo hawlaha diiwaangelinta si aan rabshadu ugu fidin dhamaan magaalada,oo aan ciidamada amniga iyo qolyahaha rabshada wadaa isku rasaasayn magaalada badhtamaheeda,waxaana la xidhay dhamaan goobihii diiwaangelinta ee degmada Buuhoodle,waxayna hawlwadeenadii badankoodii u baxeen dhinaca tuulooyinka kale ee gobolkaas oo diiwaangelintu ka socoto si nadad ah. Rabshadahaas ayaa keenay inuu geeriyoodo nin reer Koonfur ah,oo ku noolaa magaalada Buuhoodle,mana jirto cid kale oo wax ku noqotay,iyadoo aanu jirin wax ciidamo ah oo dagaal dhexmaray,oo aan ka ahayn rasaas ay ridayayeen dablaydaasi. Waxaa hada degen magaalada Buuhoodle,iyadoo ay soo gaadheen magaalada ciidamo Itoobiyaan ah oo markii danbe u baxay meel magaalada koonaheeda ah. Sida ay noo xaqiijiyeen dad goob joog ahi waxaa hawlaha diiwaangelintu ka socdaan gobolka Buuhoodle,magaalooyinka ay ka mid yihiin Ceegaag,Xamarlagu-xidh,Yayle,Guumays,Qorilugud, QorfoBuro,Sooljjoogto,Balihadhac,Widhwidh,iyadoo magaalooyinka Horufadhi iyo Yeyle ay ka bilaabmi doonto beri subax hadii ala idmo. Dhinaca gobolka Sool ayaa doorashooyinku uga socdaan si nabad ah,iyadoo dhamaan goobihii loo qoondeeyey ay ka socoto diiwaangelintu,wax rabshado ahna aan laga soo sheegin. Degmooyinka Xudun,Laascaanood iyo Kalabaydh ayaa si buuxda la isu diiwaangeliyey,dedgmada Taleex ayaan iyada la hubin in diiwaangelintu ka bilaabmi doonto,iyadoo loogu jiro dadaalo badan,in aanay ka hadhin hawlaha diiwaangelinta oo muhiimu ah shacabka gobolka. Arintu si kastaba ha ahaatee,waxaa la filayaa in ay dhowaan soo gebageboowdo hawlaha doorashooyinka gobolada Sool iyo Buuhoodle,halkaas oo lagu soo afjari doono hawlaha diiwaangelinta doorashooyinka Somalialanad. Xigasho/ Afnugaal News Desk. |

Caynaba (Somaliland.org) – Wefti ballaadhan oo uu hogaaminayay guddoomiyaha xisbiga siyaasiga ah ee KULMIYE Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa haatan soo gaadhay magaalada Caynaba ee xarunta gobolka Saraar oo ka mid ah deegaanada ay diwaangelintu ka socoto, diwaangelintana raacaya gobolka Sool.
Weftigan oo uu hogaaminayo guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Mudane Axmed Siilaanyo waxa ay shalay ka qayb galeen munaasibad loo sameeyay furitaankii diwaangelinta codbixiyayaasha ee gobolka Sool.
Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE oo hadal ka jeediyay munaasibaddaasi waxa uu ka waramay diwaangelintu marxaladihii ay soo martay iyo sida muhiim loogu arkay in dalka laga hirgeliyo, iyada oo diwaangelintu qaran ahaan ay keenayso midnimo iyo wada jir ay yeeshaan shacbiga Somaliland.

Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Mudane Siilaanyo waxa uu ugu baaqay shacabka ku dhaqan gobolka Sool, in diwaangelintu ay tahay xaq ay leeyihiin, sidaasi darteedna loo bahan yahay in si mugleh ay isu diwaangeliyaan, waxaana guddoomiyaha iyo weftiga kale ee uu hogaaminayay ay kormeereen shalay iyo gelinkii hore ee maanta goobaha diwaangelinta ee gudaha magaalada Laascaanood.
Magaalada Laascaanood ayaa weli waxa ku sugan masuuliyiin sare oo ka tirsan hogaanka xisbiga KULMIYE.
Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, Axmed Siilaanyo iyo weftigiisa ayaa la filayaa inay caawa ku soo hoydaan magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer.
Xigasho/ Somaliland.org
| Warkii 03-Jan-2009 iyo Qormadii: News |
Widhwidh-Waxaa degen degmada Widhwidh iyo deegaamada ku xeeran,kadib markii halkaas ay ka dhaceen iska hor imaad dhexmaray ciidamada qaranka Somaliland iyo malayshiyo uu watay nin badhasaab u ahaan jirey maamulka Puntland oo lagu magacaabo Keyse Cabdi Yuusuf,taasoo keentay inay ku geeriyoodaan dhowr qof oo qaar yihiin saraakiil ka tirsan ciidamada Somaliland.
Dhamaan gobolada Buuhoodle iyo Sool ayaa waxa ka socda isdiiwaan gelinta la diiwaangelinayo shacabka,iyadoo badanaa goobihii ay tageen wufuuda dawlada iyo hawlwadeenada diiwaangelintu ay u socdaan si nabad ah. Degmada Widhwidh ayaa malayshiyadaasi waxay wadada u galeen hawlwadeenadii diiwaangelinta iyo ciimadii nabdooda sugayey,iyadoo uu dhexmaray iska horimaad socday qadar daqiiqado ah. Ciidamada Somaliland oo ka daba jooga malayshiyadaas ayaa waxay hada gaadheen tuulada Balicad,halkaas o lagu sheegay malayshiyadii iyo horjoogahoodiiba. Col. Nadalo Saalax maxamed & Faarax Nadiif Aadan Hawd oo ka mid ah saraakiisha sugaysa amniga deegaankaas,iyo weliba waxgaradka degmada Widhwidh ayaa iyagoo kaashanaya madaxda maamulka degmadaas waxay dadweynaha ku dhiirigelinayaan inay nabada ilaaliyaan,isla markaana si wadajir ah looga hortago wixii keeni kara amaan daro. Gudoomiyaha gobolka Buuhoodle Ismaaciil Afmiishaar ayaa isna soo gaadhay degmada,isaga oo ka soo kicitimay dhinaca Laascaanood,wuxuuna u sheegay shacabka Widhwidh inay la shaqeeyaan hawlwadeenada diiwaangelinta ayna ilaaliyaan nabada ay haystaan,sida deegaamada kale ee Sool,iyo Buuhoodle. Waxaa maalintii labaad si xawli ah uga socda dhamaan gobolka Sool iyo Buuhoodle diiwaangelinta dooroshooyinka Somaliland,iyadoo la filayo inay is diiwaangeliyaan badanaa shacabka deegaankaasi. Xigasho / shabakada Afnugaal News Desk. Contact:info@afnugaal.com |