Xubin Ka Tirsan Xisbiga KULMIYE Ee G/Awdal Oo Jawaab Ka Bixiyey Hadal Siyaasi Reer Boorama Ahi
Borama-(Lug)-Xubin ka tirsan xisbiga KULMIYE ee G/Awdal ayaa si kulul u weerarary hadal uu shalay saxaafadda siiyey Xubin ka tirsanaa golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE,
lana yidhaa Maxamed Jaamac Abgaal isagoo sida la sheegay Maxamed Jaamac abgaal KULMIYE uga baxay wadaa tashi la’aan, isagoo dhinaca kalena lagasoo xigtay siyaasigaasi inuu xisbiga UDUB ku sheegay inuu wadatashi ku shaqeeyo.
Abshir Maxamed Ducaale oo ka hadlay sheegashada uu siyaasigaasi reer Boorama u jeediyey xisbiga KULMIYE ayaa sidoo kale taageerayaasha xisbiga KULMIYE usoo jeediyey inaysan u dhegtaagin shakhsiyaad siyaabo kala duwan ugu dhex muuqday xisbga KULMIYE balse ay maanta jiiteen dano gaar ahi .
Abshir Maxamed Ducaale oo arrintaasi ka hadlayana waxa uu yidhi ‘’Waxan aad ugu faraxsanahay in xaaladda siyaasadeed ee wakhtigana taagani ay kala sifeeyeen dadkii siyaasiyiintii iyo basaasiintii xisbigan ka dhex muuqatay muddo sannado ah, haatanna la gaadhay wakhti dagaalkii ugu xumaa ee dhinaca siyaasadda lagu dhawaaday ee xisbiga KULMIYE”.
Maxamed Jaamac Abgaal kana mid ah dhallinyarada aadka looga yaqaanno gobolkan ee muddaba ka dhex muuqday xisbiga KULMIYE waxana uu shalay saxaafadda horteeda ka sheegay dhaliil uu xisbiga KULMIYE leeyahay sida uu sheegay oo uu toddoba sano arki waayey balse manta uun u arkay Maxamed Jaamac abgaal ayaa sidoo kale waxa uu sheegay inuu xisbiga KULMIYE uga baxay markii uu Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE ku dhawaaqay ‘Rayaale ha dhaco “.Waxa kale oo an ognahay in hadaladii uu Maxamed Jaamac Abgaal ka jeedinayey Hargeysa laga xusuusanyahay hadalada ay ka mid yihiin ‘Rayaaloow meesha ka teg ,”rayaaloow jidkii Aad Boorama usii mari lahayd wuu xunyahay oo burbursanyahay ‘
Haddaba markaad dib u eegto hadaladaasi iyo aflafaadooyinka uu manta Abgaal u geystay xisbiga Axmed Siilaanyo, lana da’ ah wiilasha Guddoomiyaha xisbigu aabaha u yahay ee sita shahaadooyinka Jaamacadeed ayaa hadalkaaga maantuna wuxu la mid yahay uun ‘meselooyinkiisii hore maanta garaan waaye ‘. Ceeb maaha haddii ay hayb ugu hiiliso ina adeerkaa Daahir Rayaale, laakiin aanad umadda xisbigaasi ku jirta iyo guddoomiyaha aflagaadooyin u geysan ee aad si nadiif ah kaga baxdo xisbiga .KULMIYE nin iyo laba marka horeba xisbiga ugu jiray sifooyin kale duwan , sida basaasnimad, hunguri qabyaalad iyo daacad darro, waxba uma noqonayo wuuna soconayaa geeddiga isbeddeldoonka xisbigaasi ilaa inta laga gaadho guusha kama dambaysta ah ‘
Maxamed Jaamac Abgaal ayaa waxa uu ka mid ahaa siyaasiyiintii xisbigaasi ku jirtay ee shirweynihii Burco ee xisbiga ka duday
Xigasho /Wariye:-
Maxamed Cumar Sh.(Hyane)
Lughayanews-Borama