Nin Habaryar Ay U Tahay Xaaska Gudoomiyaha Xisbiga UDUB Dahir Riyaale Kaahin Oo Bistoolad Ka Dhex Riday Shacabkii Isu Soo Baxa Isugu Yimid Xarunta Dhexe Ee Xisbiga Kulmiye

Hargeysa (Gargaar) 13,04.09 Ilaa imika waxaa ka socda banaanbax weyn oo xaafiska Kulmie ee Hargeysa dadweynahu isagu yimid iyagoo degmooyinka Hargeysa dhammaan ka soo baqoolay subaxnimadii. Wey ku fashilmeyn boliska oo isku dayey inay dariiqyada iska hortaagaan dadweynaha soo qulqulaayey. Booliiska oo uu hoggaaminaayo Taliye Saqadhi. waxa ay joogaaan hareeraha Xarunta Hawshu ka socoto, ragga ilaa hadda hadlayna waxaa ka mid ah Maxamed Xaashi, Cali Maarshaal, Gudoomiyaha, Dhugad iyo rag kale .
Dhammaantood waxay ka hadleen xaaladda taagan ee dalku ku sugan yahay, waxayna u wada hadleen si ladifan. Intii hawshu socotay nin la yidhi waxaa habar-yar u ah Huda Barkhad ayaa xabad Bistooladeed ka riday dadka dhexdiisa, laakiin markiiba Booliiska ayaa qabtay oo kaxeeyey, Xaaladu waa caadi. Waxbana ma dhicin ilaa immika.
Berbera oon saaka meelaha Ganacsigu dhammaan xidhnaa oo dadweynahu si xawli ah u yimaadeen xarunta xisbiga, markii hore ciidamadu way qashqasheen, laakiin amar Madaxda Gobolku bixisay ayaa lagu amray inaysan la hadal qolada Kulmiye ee loo daayo inay meeshooda ku qabsadaan bannaanbaxooda .

Waxaana ugu horeyn furay Xoghayihii Xisbiga ee Gobolka Cali Gadhle, waxaa isna hadlay oo si adag u hadlay Xildhibaan maxamed Faarax Qabile oo ka tirsan Golaha Wakiilada Somaliland oo berbera laga soo doortay Xisbiga UCID, Laakiin beryahanba Kulmiye u ololaynaayey oo UCID diidanaa Waxaa isna hadlay C/raxmaan Cawil Xasan oo ka mid ahaa Xildhibaanadii dhacay ee Xisbiga Kulmiye ( Kuwii aan Doorashadii soo bixin).
Gargaar, Hargeysa