Hadaladii Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Ka Jeediyay Banaan-bixii Maanta Ka Dhacay Magaalada Hargaysa

Hargaysa (Somaliland.org)- Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Mujaahid Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa khudbad dheer oo xiiso badan u jeediyay kumanaan taageerayaasha xisbiga KULMIYE ah oo maanta isu soo baxay xarunta dhexe ee xisbiga ee magaalada Hargaysa.
Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Mudane Axmed Siilaanyo waxa uu khudbadiisa kaga waramay arrimo door ah oo ay ka mid yihiin xaalada cakiran ee haatan dalku galay, arrimaha doorashooyinka iyo dacaayado ay xukuumaddu baryahan danbe ka waday warbaahinta ay maamusho, khudbada guddoomiyaha oo dhamaystiranina waxa ay u dhacday sidan:-
“Waxa aynu maanta isugu soo baxnay in aynu muujino sida aynu uga xunahay waxyaabaha xun ee dalkeena ka dhacaya maanta, boobka hantida umadda ku socda, dimuquraadiyaddii oo la baabiiyay iyo nidaamkii aynu doonaynay in aynu ku dhaqano ee walaaltinimada iyo dadka aynu isugu keeni lahayn ee aynu isugu soo bixi lahayn. Xisbiga KULMIYR muxuu u taagan yahay? waa xisbiga midaynta iyo walaalaynta ummadda, ta aynu doonaynaa iminkana waa taa.
Arrin baan doonayaa in aan hoosta ka xariiqo, waxa weeye dacaayado ayaa intaa la fidinayaa, waxaa dacaayadahaa la fidinayo ka mid ah KULMIYE doorasho doonimaayo. KULMIYE doorashuu doonayaa, KULMIYE wuu isku kalsoon yahay, doorasho dhakhso ah oo degdeg ah oo xor ah oo xalaala ayaanu rabnaa, meel aanu doorasho ku diidnay ma jirto ee waxa aanu rabnaa waa doorasho. Taa macnaheedu maaha in si aynu doorashada u galno in aynu xaqdarada qaadano, anagu waxaanu taaganahay oo aanu leenahay haddii wakhtigii Daahir Riyaale iyo Axmed Yuusuf Yaasiin ay dhamaadeen, way dhamaadeen baanu leenahay oo anagu ma ictiraafsanin inta aanu leenahay waa intaa. Waxa kale oo aanu leenahay in aanu banaanbaxyo noocan oo kale ah iyo kuwo ka ballaadhanba oo nidaama in aanu u soo baxno xaq iyo sharci baanu u leenahay, distoorka qaranka ayaa na siinaya, taana iyada cid aanu uga haybadaysanaynaa ma jirto, ma jirto, ma jirto. Isla markaa shacabku waa shacabkayagii, askartu waa kuwayagii, anaga ayaa uga tudhayna wixii dhibaato u keenaya, anagu xabad qaadan mayno. Shalay xabad baa la inagala hor yimi oo waad ogaydeen, ul maynaan sidan, dhagax maynaan tuurin, wax alaale wax aynu samaynay ma jirin. Waynu ka guulaysanay oo waynu ka guulaysanay, waxaynu kaga guulaysanay.
Maanta odhan mayo waynu lugaynayaa oo waayo balan baynu galnayoo mar haddii aynu ka gashanay mar labaad dee… halkaas ayaynu si wacan uga kala dareeraynaa, inaga ayaa sidaa ku balanay, laakiin marka aynu mudaharaadayno haddii ay mid shucuur ah tahay iyo haddii ay mid socod ah tahayba xaq baynu u leenahay. Marka ay leeyihiin doorasho dhici mayso, waxaan idin xasuusinayaa marka ay leeyihiin doorasho dhici kari mayso, marka ay leeyihiin dalka nabad gelyo darro ayaa ka jirta, war iyada oo aan nabad gelyo darro dalka ka jirin, ayaa doorasho ka dhici jirtay dalkii Soomaaliya la isku odhan jiray ee aynu ka mid ahaan jirnay intii aynaan la soo noqon xornimadeena. Cabdirashiid Cali Sharmaarke markii doorashada lagu jiray dagaal baa socday oo Itoobiya ayaa lala dagaalamayay, wuxuu yidhi gacana waanu ku codaynaynaa gacana waanu ku dagaalamaynaa oo xabada ayaanu ku ridaynaa oo dalkayaga ayaanu ku daafacaynaa, iyada oo dagaal socdo. Iyada oo aan maanta dagaal jirin oo kuligeen nabad naga hadlayo oo aynu wiil iyo caano nahay oo wax ala wax dhibaato ahi aanay jirin mid ay iyagu abuurayaan mooyaane waxaa la leeyahay doorasho dhici karimayso waayo dalka nabad gelyo darro ayaa ka jirta, taa miyaynu rumaysanaa, taa miyaynu rumaysanaa, waxay leeyihiin maanta KULMIYE ayaa hortaagan Doorashada, waar ma inaga ayaa doorashada hor taagan, doorashana ma hortaagnin, doorasho xor ah oo xalaal ah ayaynu doonaynaa, mudaharaadkana xaq baanu u leenahay, isu soo baxa xaq baanu u leenahay, cid ala cid naga hor joogsan kartaana ma jirto.”
kala soco somaliland.org, khudbadihii masuuliyiinta kale ee xisbiga KULMIYE