‘Maanta Waxi Ka Danbeya Waxanu U Aaminsanahay Dahir Rayale Inu Yahay Guddomiyaha Xisbiga UDUB’ Shir Qurba JOoga Somaliland iyo KULMIYE Oo London Ka Dhacay
’Wixii Waddanka kadhaca wadanka Waxaa kamasuul ah 42kaa Guurtida ee Yidhi Riyaale Adaa Madaxweyna ah oo annaga ayaa kaadhignay’ Xasan Cali Weyd.
‘Xukumadani Waa Gows Maal ee Maha Xukun Doon’ Suldaan Yuusuf Suldaan Cali Cilmi.
‘Dhamaan Caalamku Waxay isha kuhayaan Habdhaqanka Madaxweyne Riyaale’ Xoghaya Arrimaha Dabada Xisbiga KULMIYE Maxamed Cabdillahi. 
Waxaa Maanta Kadhacay Magaalada London Shir wadatashi balaadhana oo Qurbajooga Somaliland iyo Tegeerayasha
Xisbiga KULMIYE ku qabteen, Shirkaas oo kadhacay Xaafadda Tower Hamlets Shirkan oy kasoo qaybgaleen dadweynaha Kunool London iyo Magalooyin kale oo UK ah.
Shirkan oo losoo agaasimay si aad uhersareysa waxaa soo qaban qaabiyay Guddida East London iyo guddida kulmie uk oo u hormood kayahiin Xogyaha Xisbiga KULMIYE ee East London Ahna Xubin golaha dhexa Md Cisman Sacid iyo
Guddida Fulinta ee UK oo uu hogaaminayo Guddomiyaha Xisbiga ee UK Ibraahim Xuseen, Waxaa Shirkaas kasoo qaybgalay Madaxdhaqameedyo Saladiin Xildhibaano Barlamaanka iyo dad badan oo iskugu jiray Tageerayasha Xisbiga KULMIYE iyo Jaliyada Somaliland ee Cariga Engiriiska. 
Uguhoreyn waxaa halkaas kahadlay Osmaan Saciid Jamac oo ka tirsan guddida KULMIYE ee bariga london oo Shirka
furay wuxuuna kusoo dhaweeyay Guddomiyaha Xisbiga KULMIYE ee Uk Mudane Ibrahim Huseen, oo isagu daa’dihinayay Shirka.
Guddomioye Ibrahim ayaa sheegay in ujeedada shirkani tahay in taagerayasha KULMIYE ee qurba jooga ah, gaar ahaan, Ingiriiska ay kaga arrinsaden dhacdooyinka wadanka ka taagan iyo mawqifka xisbiga. Waxaana warbaahiyaha lagu soo dhoweeyey Mujahid Maxamed Cabdilaahi Cabsiiye oo ka mid ah madaxda xisbiga KULMIYE kuna nool dalka Ingiriiska.
Mudane Cabsiiye wuxuu kahadlay arrimaha kataagan waddanki sida maanta ragii dalkan utudhay loogu handadaayo isagoo arrimaha kahadlaya wuxuu yiri, Maanta Somaliland waxay maraysa meel fiican dadku yagaa nabadooda dhistay yagaa qoryaha iska dhigay yagaa i sqarameeyay maanta ninka adeegsanaya Ciidanka Qarranka ee anuu ogayn halkii lagu aas asay een ogayn halkii hubka loogu dhiibay ee aan ogayn halkii nabadan lagu yagleelay maha maanta in ninkaasi u adeegsado. Sidoo kale Mujahid Cabsiiye isaga oo ka hadlaya cagajuglaynta iyo afduubka Rayale wado, waxa uu sheegay in badiyaa fulagyu uu hanjabad badan yahay oo si fudud nabada ugu tunto, taas oo qolyaha UDUB aanay fahamsanayn macnaha nabada , isla markaana fulaynimo darteed ay cabudhid iyo qas wadaan.
Waxaa isna halkaas kahadlay Xasan Cali Weyd oo Kamida odayaasha Jaliyada Somaliland ee UK, isagoo Xasan
kahadlaya waxyaabaha kataagan Waddankii wuxuu yiri ‘Maanta waxaa kamas’uul ah wixii Somaliland kadhaca 42ka xubnood ee guurtida ka mid ah ee ucodeeyay in Rayale muddo kordhin bilaa sharci ah loo sameeyo. 42kaas qof e ee yiri Shacabka Saddexda Milyan ah annaga mantalna oo kamas’uula ee kufadhi, iyaga ayaa lagala xisaab tamayaa waxii dhibato ama wixii waddanka gadha. Mudane X asan Cali Wayd isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu yiri
‘Somaliland wada tashi ayay kucaano maashay, ninka diidan ee kalidii meel istaagay ee 42 Odey codkood leh waan
kufadhiyaya isagaa og halkuu isku wado’.
Waxaa isna dadkii halkaas kahadlay kamid ahaa Suladaan Yuusuf Suldaan Cali Cilmo oo kamida Madax dhaqameedka
Somaliland Suldaanku wuxuu shegay in Maanta Mamulka jira yahay niman Gowsku shaqeynaayo ee aan talo kale meesha kuhayn isagoo arrinta kahadlaya wuxuu yiri, Somaliland cida maamusha maha cid ummadda utudhaysa ee waa niman kashaqeysanaaya wana laogyahay waa niman gowsku shaqeynaayo ee maha niman dal iyo dad dankaleh.
Maxamuud Xaashi Cabdi oo kamida Siyasiyiinta Xisbiga KULMIYE ayaa halkaas isna kasoo jediyay khudbad dhinacyo 
badan taabanaysa. Mudane Maxamuud Xashi oo ka tirsanaa golahii wakiiladda ee hore wuxuu kahadlay sidii dalka
loonabadeeyay iyo Marxaladihii uu soomaray, isaga oo ku nuuxnuuxsaday in xisbiga KULMIYE yahay marwalba ka nabadda ilaalinaya. Waxaanu yidhi maanta UDUB markay odhanayso KULMIYE ayaa qas wada, KULMIYE iyo Mujahid Silanyo miyanay ahayn kuwii yagoo doroashadi intay heleen la yidhi 80 cod ayad ku waydeen, inagoo og Africa waxay taasi dhaliso., kuwi ka dhaqaqay ee u tanasulay nabada iyo lexejeclo ay dadka ka leeyihin’. Maalintaas ayaa KULMIYE nabadda wax yeeli lahaa haduu qas wado oo xaqiisa dhacsan laha. . Mudane Maxamud Xashi waxu kalo ku dheraday sida xisbiga UDUB iyo Guddomiyahoda Dahir Rayale ay shacabki iyo dalki u jaha wareriyen ee rajo xumo xaaladda wadanku u marayso. 
Waxaa isna halkaas kahadlay Maxamed Yoonis oo kamida Saraakisha KULMIYE ayaa yiri maanta ninka Madaxweynaha sheeganaya ee Madaxda Xisbiyada ee lamidka ah rasaasta ladhacaya ee Xafiisyada weeraraya ee Dumuquradiyada aan ogolayn eeleh kalidey ayaa joogaya kalidey ayaa jiraya runtii Caalamkuna waa arka rer Somalilandna way arkaan isaguna ha-ogaado in anay sidaa ugu dhalayn oo anu Madaxweyne ku ahaanayn ninku Xabada u-ladhacayo waa kii Shalay uga hadhay 80 cod.
Waxaa isna halkaas kahadlay Cabdi Bacow oo ah Guddomiye kuxigeenka Xisbiga KULMIYE ee Uk. Oo isna kahadlay 
mowqifka Xisbiga ee qurbuhu inuu yahay kay qaateen Madaxda Xisbiga ee guduhu, isagoo hadalkiisa siiwata Bacaow
wuxuu yiri waanu ku garab taaganahay Hogaamiyaha Xisbiga mowqifkuu qatay wana in Waddanka loo dhisa dowlad
dalka doorasho gadhsiisa Riyaalena wakhtigiisi wuxuu ku eeka 6/04/2009, Xisbiga KULMIYE wuxuu ka kooban yahay
dhamaan beelaha Somaliland min Lowyacado ilaa Dhahar, Beel kamaqani majirto dadkana maha in naxli iyo buqdi
lagu kalabeero beena loo sheego isbadal ayaanu waddanku ubahan yahay.
Waxa kaloo shirkaas ka hadlay Md Farax Xasan Jagac, Cali Meecad iyo xubno kale oo badan oo dhamaantod ku nuuxnuuxsaday In Md Dahir Rayale Kaahin ahayn Madaxweynaha wadanka laakiin uu yahay Guddomiyaha xisbiga UDUB.
Gebogebadii Shirka waxaa halkaas hadal kajeediyay Xoghayaha arrimaha debeda ee Xisbiga KULMIYE mudane Maxamed Cabdillahi wuxuuna kahadlay arrimaha maanta Waddanki katagan iyo sidey ulasocoto beesha Calamku, Wuxuuna halkaas ka-akhriyay warsaxafadeedkii Shirka oo ka koobna qodobadan.
1 In laga bilaabo 6/04/2009 Riyaale Kaahin yahay Guddomiyaha Xisbiga UDUB oo ay dhamaatay Mudadii Xilka
Madaxweyne ee kudhisnaa Doorashada Shacabka Somaliland.
2.. Shirku wuxuu ugu baaqaya Dahir Riyaale Kahin inuu joojiyo arrimaha xasilooni darida abuuraya ee uu kawado
Jamhuuriyada Somaliland oo ay kamid tahay cabudhinta xuquuqda Shacabka Somaliland Xidh Xidhista iyo
Cagajoglaynta lagula kacaayo Masuuliyinta iyo tageerayasha Xisbiga KULMIYE.
3.. Shirku wuxuu ugu baqayaa Cidamada qalabka sida iyo kuwa amniga iney unoqdaan dhex-dhexaad Axsaabta
Qarranka oo aan Dahir Riyaale u adeegsan Cabudhinta masuuliyinta Shacabka Somaliland.
4.. Shirku wuxuu ugu baaqaya beesha calamka oo muujisay dareen welwel leh oo laxidhiidha nabadgalyaynta iyo
dimuquradiyada waddanka in KULMIYE kashaqeynaayo sidii nabad galyo loogu soo dabaali laha siyasadaha cakiran
ee maanta kajira Somaliland.
5.. Xisbiga KULMIYE wuxuu diyaar uyahay in uu kaqayb galo doorashooyin xora oo xalaala wakhtiga ugu horeeya
ey isla gartaan Axsaabta Qarranka iyo Golaha koomishanka Qarranka.
6.. Maadama uu wakhtigii madaxweynuhu dhamadey sanad kahor muddo sanada loo kordhiyay nasiib darose Xukuumadu ku fashilantay iney dalka doorashooyin ka abaabusho wuxuu Xisbiga KULMIYE soo jeedinaya in laysaga yimaado.
Wuxuu shirkaasi oo aha mid wadatashi kana qayb galeen Dhamaan Jaliyada Somaliland iyo teerayasha Xisbiga
Kulmiyeba yadoy isla qateen in latago wadanki lagana qayb qaato sidii loo adkayn laha Nabada Somaliland in
dalka loo sameeyo maamul dalka gaadhsiiya doorashooyin .
Muniir Axmed Cigaal
Free journalist
Uk/ London