Suldaan Saleeban Boqor Cusmaan Oo Maanta Loo Xidhay Sababo Ah Inuu Taageeray Xisbiga KULMIYE
Hargeysa (Soomaliland.Org) Waxa saaka xabsiga loo taxaabay Suldaan Saleebaan Boqor Cusmaan Xasan, oo ahaa suldaankii kaliya ee maalintii shalay ka hadlay fagaarahii isu soo baxay taageerayaasha xisbiga KULMIYE.
Sida ay sheegayan warar naga soo gaadhaya ilo lagu kalson yahay ayaa waxa ay sheegayan in xadhiga suldaanka uu ka danbeeyo Wasiirka duulista iyo hawada Md Cali Warancade .
Suldaanka waxa la xidhay saaka isaga oo jooga hotelka Imperial, iyada oo sida wararku sheegayan ilaa xalay ciidamada boolisku ku goobjoogeen raadkisa si ay u xidhan, hase yeeshe ay u suurobi weyday.
Xukumadda ayaa hanjabad iyo hantidad ku haysa asxabta mucaridka iyo tagerayashoda, iyada oo aaminsan in ay cabudhis iyo xadhig ku bahdili karto tagerayasha mucaridka si ay baqdin u galiso.
Waxii war ah ee kasoo kordha arrintan kala soco Somaliland.OrgWaxaana loo malaynayaa inuu xadhigiisa ka dambeeyo Cali Waran-cadde, saaka ayaan la qabtay isagoo