Xoghayaha Guud Ee Xisbiaga Kulmiye Md Keyse Xasan Cige Oo Soo Saaray Warsaxaafadeed Uu Kaga Digayo Khatarta Iyo Wareerarada Lagula Kacayo Madaxda Xisbiga Kulmiye

Xoghaya Guud ee Xisbiga KULMIYE

Mudane Keyse Xasan Cige

Hargaysa(Togdhnews)-Xisbiga Mucaaridka ee Kulmiye ayaa si weyn ugu cambaareeyay xukuumada Xadhiga sharcidarada ah ee lagu xadhidhayo

Madaxdhaqameedyada iyo taageerayaasha xisbiga Kulmiye,kuwaasoo ay ka dambeeyaan masuuliyiinta dawladu.

Hadaba Warsaxaafadeedkaa oo dhamaystiran waxa uu dhignaa sidan:

“Waxaa saaka oo bisha April aheyd 14, 2009 laga qabtay Huteel Imperial Suldaan Sulaiman Boqor Cusman Xasan, iyadoo loo gudbiyey Xarunta Ciidamda Denbi Baadhista ee C.I.D. ee Hargeysa. Ilaa iyo hadda ma jiraan wax warar rasmiya oo ku saabsan xidhiga Suldaanka, haseyeeshe waxaa la sheegayaa inay ka danbeeyaan xidhigiisa masuuliyiin ka tirsan Xisbiga UDUB oy kamid yihiin Saciid Sulub, Cawil Cali Ducaale iyo Cali Maxamed Wararn Cadde.

Dhacdani ma aha tii ugu horreysay ee noocaniya ee waxaa ka horreeyey in isla todobaadkan amar kasoo baxay masuul ka tirsan Xisbiga UDUB uu amar ku siiyey Xeer Ilaalinta Ciidamada inuu dacwad kusoo oogo Dr. Maxamed Cabdi Gaboose, lana horkeeno maxkamada ay khusayso, wuxuuna eedayntaasi sabab uga dhigay masuulkaasi iyadoo ay madax ka tirsan Xisbiga Kulmiye

uuna hoggaaminayey Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Md. Axmed Maxamed Siilaanyo oo ay weheliyaan Guddoomiye Ku-Xigeenka Golaha Wakiilada Md. Baashe Maxamed, Dr. Maxamed Cabdi Gaboose iyo Jamaal Caydiid ay booqasho ugu tegeen Talisyada Ciidamda Qaranka iyo Booliska halkaaso ay kula kulmeen labada Taliye ee labada ciidan.
Waxayna labada geesood ka wada hadleen ilaalainta xassiloonida iyo nabadgelyada dalka iyo sidii la isaga kaashan lahaa.

Waxaa sidoo kale weeraro lagu qaaday xafiisyada Kulmiye ee magaalooyinka Hargeysa, Berbera iyo Burco halkaasoo waxyeelo iyo xidhigba loogu geestay qaar kamida masuuliyiinta Xisbiga ee magaalooyinkaasi. Waxaa kaloo rasaas ciidamada Boolisku ku fureen todobaadkii hore Guddoomiyaha Xisbiga Md. Siilaanyo iyo taageerayaal la socda oo socod ku maraya wadada u dhexaysa Xarunta Xisbiga iyo Guriga Guddoomiyaha, iyadoo la xaqiijinayo in rag kamida ciidanka Booliska ay isku dayeen inay toogtaan Guddomiyaha Xisbiga Md. Siilaanyo.

Waxaa kaloo falalkaasi xaqiijinayaan in mar labaad shalay oo bishu aheyd 14 April 2009 la isku dayey in la toogto madaxda Xisbiga Kulmiye kadib markii uu nin aan taageerayaasha Kulmiye ka mid aheyni rasaas baastoolad ku riday taageerayaasha Kulmiye mar ay isu soo bax ka sameynayeen Xarunta Dhexe ee Xisbiga.

Xisbiga Kulmiye wuxuu mar walba mudnaanta kowaad siinayaa ilaalinta nabbada iyo xassiloonida, wuxuuna mar walba kasoo horjeeda wax kastoo waxyeelo u gaysanaya midnimada iyo wadjirka ummdadda.

Sidaasi daraadeed wuxuu Xisbiga Kulmiye u tilmaamayaa hay’adaha ku shuqulka leh ilaalinta nabadgelyada khatarta ka iman karta weerarada sharci darroda ah ee lagula kacayo madaxda iyo taageerayaasha Xisbiga Kulmiye, wuxuuna ku boorinayaa inay ka qaadaan tallaabo sharciya ciddii wax u dhimaysa nabbada iyo wadajirka ummadda.”

TogdheerNews..Hargaysa

Comments are closed.