Xisbiga Kulmiye Oo Ka Jawaabay Hanjabada Cabdillahi Ciro

Hargeysa, Somaliand- Xisbiga KULMIYE ayaa maanta jawaab kuluul ka bixiyey hadal ka soo yeedhay shalay sarkaalka sida sharci darada ku fadhiya wasaarada arimaha Gudaha Cabdillaahi Ismaaciil Cali (Cabdillaahi-Cirro),kaas oo uu sarkaalkaasi ku hanjabay KULMIYE in talaabo Sharci ah ka qaadi doonaan haddiiba ay mar dambe KULMIYE iyo taageerayaashiisu isugu soo baxaan goobo dibadda ka ah Xarumahooda. Sarkaalkan oo marka hore isaga iyo hogaamiyahiisa xisbiga Udub oo mudadii ka dhamaatay bishan 6 deedii xarumihii wasaaradaha iyo qasarkii madaxtooyadana ku fadhiya sifo sharci daro ah ayaa waliba hanjabaad ku daraya. ( Dameertu Geela Ha Didisee Waliba Quruf Quruftay kaga sii dartay)
.
Xoghayhaya guud ee xisbiga mudane Keyse jawaabtiisu waxay u dhignayd sidatan:
“Shir jaraa’id oo uu C/laahi Ismaciil Cali (Cirro) shalay qabtay, wuxuu uga digay Xisbiga KULMIYE inuu ku sameeyo isu-soo bax Xafiiska Xarunta Dhexe ee Xisbiga iyo gobolladaba. Waxaa kaloo oo uu uga digey Kulmiye inaanay adeegsan Karin codbaahiyeyaal nooc kasta ha noqdeene. Waxaa kaloo uu ku hanjabay in tallaabo laga qaadi doono haddii uu KULMIYE raaci waayo amarkan, isagoo faray taliyeyaasha Ciidanka Booliska iyo Guddoomiyeyaasha gobollada iyo degmooyinka inay ka hortagaan isu-soo bax kasta oo KULMIYE sameeyo.
Haddaba, waxa isweydiin leh halka uu ka keenay Cirro awooda u fasaxaysa inuu xisbi Qaran oo Distuuri ah u xadido goobta uu ka hadli karo ama isugu iman karo.
Xisbiga KULMIYE wuxuu C/laahi Cirro u sheegayaa in aanuu Kulmiye marnaba bilaabin olole doorasho, isu-soo bixiisuna ku waajahan yahay dhammaadka muddo xilleedka Riyaale oo ku ekeyd 6diii April 2009.
Sidaasi daraadeed, isagoo Xisbiga KULMIYE ka duulaya qodobka 9aad, faqradiisa 1aad , taasoo dhigaysa “nidaamka Siyaasadeed ee JSL, waxa saldhig u ah nabad, tallo-wadaag, dimuqraadiyad iyo hannaanka Xisbiyada badan”.
Sidoo kale, sida uu dhigayo xeerka Diwaan-gelinta Ururada Siyaasiga ah iyo ansixinta asxaabta ee xeer Lr. 14, ee caddaynayaa waxa ay xaqa u leeyihiin Xisbiyada Siyaasadeed oo kamid yihiin:-
1. In ay si siman u adeegsadaan warbaahinta Qaranka. . .
2. In ay si xor ah u gudbiyaan afkaartooda siyaasadeed, iyagoon waxba u dhimeyn xasiloonida iyo nabadgelyada guud ee dalka.
3. In aan la cabudhin Karin, lana xidhi Karin Xisbi, hanti gaarana inuu yeelan karo.
Dhinaca kale, Waxa qodobka 32aad ee Dastuurka Qaranka, faqradiisa 2aad qoraysa “ Muwaadin kastaa wuxuu xor u yahay inuu abaabulo, kana qaybqaato kulan ama banaanbax nabadeed oo xeerka waafaqsan”.
Haddaba, Xisbiga KULMIYE isagoo mar walba aaminsan, kuna shaqaynaya Dastuurka iyo shuruucda dalka u yaala, marnaba aqbali maayo inuu ka tanaasulo xuquuqdiisa dastuuriga ah ee lama taabtaanka ah.
Sidaasi awgeed, Xisbiga KULMIYE wuxuu u diyaar yahay inuu sameeyo banaanbaxyo salmi ah, kana dhigo dhammaan Gobollada iyo Degmooyinka dalka, iyadoo lagu soo bandhigi doono xaaladaha Siyaasadeed, dhaqaale iyo Bulshoba.”
Sarkaalka sida sharci darada ah ku fadhiya Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Cabdillaahi Ismaaciil Cali (Cabdillaahi-Cirro), ayaa Xisbiga Mucaaridka ah ee KULMIYE ugu hanjabay inaanay banaanbax dambe ama isu imaad ay ka samaysan Karin meelo ka baxsan Xafiisyadooda,isla markaana waxa uu ku hanjabay in ay xidh xidhi doonaan haddiiba ay mar dambe KULMIYE iyo taageerayaashiisu isugu soo baxaan goobo dibadda ka ah Xarumahooda.