Xisbiga Hubaysan Ee UDUB Oo Lagu Eedeeyay In Uu Colaado Sokeeye Ka Dhex Hurinayo Beelaha Somaliland

Hargaysa (Somaliland.org)- Aqoonyahano, Siyaasiyiin iyo waxgarad kale oo ka tirsan xisbiga siyaasiga ah ee KULMIYE, kana soo jeeda deegaanka koonfurta gobolka Hargaysa ayaa shir jaraa’id oo ay maanta qabteen si xoogle ugu cambaareeyay hadalo dhaawan ka soo yeedhay Salaadiin iyo odayaal deegaanadaasi ka soo jeeda oo ay hadaladooda ku tilmaameen kuwo lagu hurinayo dagaalo iyo xasilooni darro dalka laga abuurayo.

Xubnaha shirkan jaraa’id qabtay oo kala ahaa Maxamed Muuse Abees, Dr, Xuseen Muxumed Maxamed (Xuseen Xoog), Dr Ismaaciil Cali Jaamac, Dr. Axmed Caga-wayne iyo wasiir dawlihii hore ee wasaaradda waxbarashada Cabdillaahi Ismaaciil Bidhaan oo dhamaantood ka tirsan guddida fulinta iyo galaha dhexe ee xisbiga KULMIYE waxa ay sheegeen in xuumadda wakhtigeedii dhamaaday 6-dii April in haatan ay ku hawlan tahay iska horkeenka beelaha walaalaha ah ee reer Somaliland, iyaga oo ku eedeeyay maamulka Daahir Riyaale in ay adeegsanayaan odayaal iyo dad kale oo aan lahayn aragti iyo qiyam ay ku eegayaan marxalada uu dalku marayo balse ay aragtidoodu noqotay hadalo cay iyo qafqaf ah oo habeen kasta laga baahinayo Telefiishanka madaxtooyada laga maamulo.

Masuuliyiintani waxa kale oo ay shirkooda jaraa’id ku sheegeen in ay ummada reer Somaliland ay ka raali-gelinayaan hadalo dhawaan ka soo yeedhay Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir iyo Xaaji Cabdi Xuseen (Cabdi-waraabe) oo sheegay in ay la dagaalami doonaan ciddii ka hortimaada maamulka Daahir Riyaale, waxaanay masuuliyiintan aqoonyahanka ahi sheegeen in aanay beel ahaan wax godob ah u haynin beelaha kale ee reer Somaliland, isla markaana laga heshiiyay dagaaladdii sokeeye, cidda soo hadal qaadana ay tahay cid doonaysa in dalka ay ka dhacaan colaado sokeeye oo lagu

Xigasho/ Somaliland.org

Comments are closed.