Waxaa halis ku jira sumcaddii wanaagsanayd ee Somaliland ku lahayd bulshada caalamka
. Way ku adagtahay Rayaale inuu ka qaybgalo doorasho uu arkayo inuu waayayo. Waxaanu ka doorbiday inuu cabudhiyo ciddii dalbata in doorasho la qabto.
London Inkastoo siyaasaddaha cakiran ee wakhtigan Somaliland ka jiraa ay asal ahaan salka ku hayaan arrimo isbarkan oo distoorka, hay’adaha sharci dejinta iyo fulintu ay qayb ka yihiin, haddana waxaa xaqiiq ah in halista ugu wayn ee dhabarjabka ku ah nabadgalyada, dimuqraadiyadda iyo dawladnimada Somaliland ay maanta ka imanayso Mudane Daahir Rayaale, Goddoomiyaha xisbiga UDUB.
Daahir Rayaale wuxuu qaaday talaabooyin halis ku ah xasiloonida dalka. Matalan, wuxuu ku fashilmay inuu guto wajibaadkiisii distuuriga ahaa ee farayay inuu doorashooyin madaxwayne qabto inta aanay dhammanin shantii sanadood ee loo doortay xilka madaxwaynanimada. Waxaa immika u dhammaaday sanadkii lixaad, waxaanu isagoo isticmaalaya awoodda dawliga ah sida dhaqaalaha iyo hayadaha qaranka uu caadeystay inuu kolba kordhisto muddada xilka. Wuxuu si badheedh ah u diiday inuu fuliyo heshiisyadii saldhigga u ahaa mudda gordhintii kal hore loo sameeyay xukuumaddiisa.
Wuxuu kaloo amar ku bixiyay in ciidamada qaranku ay qori madaxa ka saaraan madaxda iyo taageerayaasha xisbiga KULMIYE ugana hanjabaan inay toogan doonaan ciddii dibad bax samaysa. Wuxuu mabnuucay in dadku ay sameeyaan dibadbaxyo nabadgalyo oo ay ku muujinayaan dareenkooda siyaasiga ah. Wuxuuna fargalin toos ah ku sameeyay hawlaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka. Waxaa kale oo uu Rayaale gacmaha ka laabtay wax ka qabashada xaaladda colaaldeed ka jirta deegaanka gelbeedka Somaliland.
Go’aamada uu qaatay Daahir Rayaale waxay dib u celinayaan horumarkii bulshada Somaliland soo dhisaysay muddada dheer. Waxaa maanta dalka ka jira dareemo iyo cabsi shaki galinaya nabadgalyada dalka, geedi socodkii dimuqraadiyadda iyo dhaqankii wadahadalka iyo wadatashiga ee caadada u ahaa ummadda Somaliland. Waxay kaloo go’aamada uu qaatay Daahir Rayaale keeneen in deeqbixiyayaasha adduunku dib uga fiirsadaan taageerada ay siiyaan shacaka Somaliland. Waxaan kaloo iyana halis ku jira sumcaddii wanaagsanayd ee Somaliland ku lahayd bulshada caalamka. Arrimaha maanta horyaalla dalka ee u baahan waxka qabasho iyo badbaado waa kuwaa, waana arrimo saamayn toos ah ku leh qaranimada, nabadgalyada, iyo horumarka bulshada.
Waxaa hadaba is waydiin leh sababaha keenay inuu Daahir Rayaale sidaa u dhaqmo. Waxaa muuqata taageerada laxaadka leh oo uu hadda haysto xisbiga KULMIYE oo muujinaysa in wakhtigii maamulka Rayaale dhammaaday dadkuna ay diyaar u yihiin isbedel dawladeed. Way ku adag tahay Rayaale inuu ka qaybgalo doorasho uu arkayo inuu waayayo. Waxaanu ka doorbiday inuu cabudhiyo ciddii dalbata in doorasho la qabto. Waxaa kaloo muuqata in ishortaaga doorashada ay Rayaale ku garab taagan yihiin qaar ka mid ah golaha wasiirada iyo xisbiga UDUB. Waxaa kaloo suuragal ah in Daahir Rayaale casharo siyaasadeed oo kalitalisnimo ka soo dheegto meelo kale.
Su’aasha kale ee u baahan jawaabtu waxa weeye waa ayo cidda uu xilku ka saaran yahay badbaadada qaranka iyo sidii ummadda looga samata bixin lahaa nabadgalyo xumada, qaran duminta iyo siyaasadda jar-iska-tuurka ah ee Daahir Rayaale la soo baxay. Waxaan qabaa in arrinta ina hortaalaa ay tahay dhibaato qaran oo saamayn ku leh qaybaha bulshada dhammaantood. Sidaa awgeed mas’uuliyadda wax ka qabashadeedu waxay saaran tahay qaranka Somaliland oo dhan: asxaabta, golayaasha qaranka, dhalinyarada, haweenka, ganacsatada, culimada, ciidamada qaranka, waxgaradka iyo qurba joogga. Xisbiga KULMIYE wuxuu ka mid yahay qaranka Somaliland, waana inuu ka qaataa arrintan kaalin mug leh maadaamu uu yahay xisbi wayn oo siyaasi ah oo taageero balaadhan ka haysta bulshada.
Dibudhigid doorasho iyo xukun dheeraysi waa caado lagu yaqaano kalitalisnimada. Shacabka Somaliland oo uu hormuud u yahay xisbiga KULMIYE waa inay qaranka ka samata bixiyaan khataraha cusub ee soo foodsaaray. Waxaana lagaga bixi karaa iyadoo Daahir Rayaale uu dalka ku soo celiyo degenaasho, nabadgalyo iyo xorriyada dadka. Marka xigana uu ka qaybgalo wadahadal ay yeeshaan asxaabta qaranku oo lagu doonayo in la sameeyo maamul lagu wada kalsoon yahay oo dalka gaadhsiiya doorasho, kuna shaqeeya heshiis dabar leh oo ay wada saxeexaan seddexda musharax, doorashaduna waa inay dhacdaa wakhti ay raalli kawada yihiin xisbiyada tartamaya iyo guddiga doorashadu.
Dr. Maxamed Cabdillahi Cumar
Xoghaya Arimaha Dibada Ee Xisbiga Kulmiye