Tuuladii Dahir Riyaalle ku barbaaray oo taageertay KULMIYE.. April 16, 2009 By: saylac Category:

Dahir rayaale ma jeclayn inuu Gadabursi uu noqdo laakiin Ilaahay baa ka dhigay ee Reer Awdaloow isha macaluusha ee QULJEED ka lulata waad aragtaan…. bariidaduna waa sadi ruux bukaanka ku nacay adoo baahan kaa tagay  doorasho kuma banaana ,

London ( Sylipre )16.Apri,2009 : -Quljeed waa hayjada uu ku soo barbaaray Gudoomiyaha Xisbiga UDUB Daahir Riyoode Kaaha oo dhisantay sannadkii 1953 wakhtigaas oo Dahir rayaale ku yimid Qoxootinimo Ilaa iyo wakhtigaas Gudoomiye Dahir Riyoode wax rajo ah kama qabin Dalka Somalia
wuxuuna aaminsanaa inuu yahay Qoxooti aan xuquuq badan ku lahayn Dalka mar hadi mujtamaca Soomaalidu ku dhaqmaan Qabaa’il iyo deegaamo taasina ay ku tusayso in habe yaraatee ay wax rajo ah Gudoomiye rayaale uga ifayn Quljeed xitaa hada.

Quljeed ooy ku noolaan jireen 1005 oo qof ,  320 qof waxay u dhinteen nafaqo xumo , 480 qof waxay u dhinteen jirooyin, waxaa ka qaxay 100 qof hada quljeed waxaa ku nool 205 qof dad lagu qadaray oo u badan caruur iyo haween aad u ildaran kana rajo dhigay tolnimo iyo somaliland waxayna halis ugu jiraan inay iska adhiibaan nolosha . hadaba mid ka mida dadweynaha indheergaratada reer  Quljeed oo diiday in magaciisa la sheego oo la soo xidhiidhay saylicipress ayaa sheegay

Maanta dadweynaha reer Quljeed waxay taageerayaan isbedelkastoo siyasadeeed oo xididada u rujiyana taliska boocda ku tukubaya iyo xibiga Budhcadsiyasadeeda Udub ee uu hogaaminayo Dahir rayaale.. waxaanan taageraynaa Xisbiga KULMIYE oon la xisaabtami karno, dib dambana aan naloo odhanayn idinkaa xukunka haya.

Ka hor intii xukuumada boocda ku tukubaysa Somaliland ka talisa ku hogaamin hogaanka xadhiga xiga ah dadwaynaha reer Quljeed noloshoodu waxay ku xidhnaan jirtay dagalka ka soo go’a beeraha iyo ganacsiga  Xoolaha nool, markii uu talada qabtay Dahir Royoode nololmaalmoodkoodu wuxuu isku badalay mid anfariir iyo naxdin leh oon ka dhicin deegaamada Gobolka Awdal waxayna ku noolyihiin noloshooduna ku xidhantahay  Siigada baabuurta iyo rajo dhowrka rakaabka waxma haysatada  ee isaga goosha Djibouti iyo  Borama

Dhinac kale markaad eegto ganacsatada reer Hargaysa waxay ka cabanayaan cashuuraha saa’idka ah ee laga qaado wakhti ganacsigii weelka , madeebadaha , fujaanada uu hoos u dhacay ayna sababtay inay yaradeen dadkii iibsan jiray maacuuntaas taas oo macnaheedu tahay in Dawarsigii uu hoos u dhacay intii Dahir rayaale uu xukunka qabtay waa sida uu hadalka u dhigaye,

sidaasna waxaa yidhi Cabdi salaan oo ka soo jeeda Ganasatada reer Hargaysa isagoo hadalkiisa sii watana wuxuu ku daray Dahir rayaale ma jeclayn inuu gadabursi uu noqdo laakiin Ilaahay baa ka dhigay ee Reer Awdaloow isha macaluusha ee QULJEED ka lulata waad aragtaan ee waxba haku daalina Daahir Rayaale.

Dibiro dhacsiga Dahir rayale iyo baahida Quljed ka jirtaa waa kaaf iyo kala dheeri, waad ogaydeen Aden  Isaaq iyo Muse Rabiile waxay qabteen, waad aragtan  saleebaan Axmed Guleed , Abdillhai Xaashi Abiib iyo Cabdi shide waxay qabteen, maxaan Rayaale aad ku dooranaysaan ? maxaad ku difaacaysaan ? , hadh iyo habeen ma reerbaan difaacaynaa miyaan la dhimanayn ?  miyaan tolnimo la xeerinayn ?, tolkayoow ka toobad keena Dahir rayaale iyo Huwantiisa Budhacdsiyasadeeda ah

Hadii aynu dib ugu noqono taariikhdaas Waxaad arkaysaan ragbadan oo haba caano yaraadaane xusuus iyo waxqabad lagu yiqiin oo dadkooda iyo dalkooda wax tari jiray xitaa hadalku waa dane ,  hees soomaliyeedbaa tiraahdaa bariidaduna waa sadi ruux bukaanka ku nacay adoo baahan kaa tagay doorasho kuma Banaana ……

http://saylicipress .net/2009/ 04/16/tuuladii- dahir-riyaalle- ku-barbaaray- oo-taageertay- kulmiye/

Alaale  farjano . Dublin

saylicipress mas’uul kama aha qalinka qoraaga

source:Saylicipress

Comments are closed.