Xisbiga Kulmiye Ayaa Maanta Isu Soo Bax Selmi Ah Ka Sameeyay Dhamaan Gobolada Dalka Jamhuuriyada Somaliland
Isu-soobixii Maan ta ka Dhacay Magaalad
Hargeysa, Somaliland- Waxaa maanta xarumaha xisbiga Kulmiye ee dhamaan gobalada dalka lagu soo gabagabeeyay isu soo baxayo selmi ah oo lagu taageerayo mawqifka xisbiga Kulmiye iska taagay Madaxda wakhtigoodi dhamaaday ee sida sharci darada ah ugu sii fadhiya kursigii madaxweynaha iyo ku xigeenka. Illa hada magaalooyinka Hargeysa,Boorama, Burco, Berbera, Ceergaabo iyo Las Caanood ayaanu haynaa in isu soo baxo ka dhacay. Wararka aanu helay ayaa sheegaya in isu soo bixii
magaalada Las canood xoog la joojiyay markii maamulka gobolka Las caanood ciidamo xoogan oo wata sedex tekniko ah ay xoog ku joojiyeen isu soo baxaas.
Wixii warar ah kala soco Kulmiye.org saacdaha soo socda.


