Togdheer: Isu-soobixii KULMIYE ee Magaalada Burco Iyo Culayskii Ciidamada Booliska

Burco (Somaliland.org)-Kumanaan ka mid ah Taageerayaasha Xisbiga Mucaraadka Somaliland ugu weyn ee KULMIYE ayaa isugu soo baxay barxad weyn oo ku taala Xarunta dhexe ee Xisbiga KULMIYE ku leeyahay Magaalada Burco halkaasi oo ay qudbado uga jeediyeen Masuuliyiinta Xisbiga KULMIYE ee Gobolka Togdheer iyo xubno ka mid ah Qurba Jooga KULMIYE ee Cariga Ingiriiska.

Gudomiye ku Xigeenka Xisbiga KULMIYE ee Gobolka Togdheer Maxamuud Salaan Maxamuud (Faroole) oo ugu horeyn furay Madasha hadalka ee isu-soo baxa ayaa ku dheeraaday ujeedada isu-soobaxan, kaasi oo uu ku tilmaamay mid nabadgalyo ah oo ay taageerayaasha KULMIYE ku Muujinayaan Rabitaankooda Guud

Xoghayaha Arimaha Bulshada ee Xisbiga KULMIYE Dr Cabdi Aw-Daahir Cali ayaa isaguna halkaasi ka jeediyay Qudbad dheer oo dhadhankeedu ka muuqanaysaya istaraatijiyada guud ee KULMIYE kaga duwanaan doono UDUB hadii uu talada dalka qabto Mustaqbalka dhow

“Cadaalad daro ayaanu Cadaalad ku Badali doonaa, mushahar yari ayaanu mushahar badnaan ku badalaynaa, insha Allaah, Darajo la’aan ayaanu Darajo ku badalaynaa, Biyo la’aan ayaanu biyo badnaan ku badalaynaa, Musuq maasuq ayaanu Maamul wanaag ku badalaynaa, Insha Alaah ” Ayuu yidhi Dr Cabdi Aw-Daahir Cali

Sidoo kale Dr Cabdi Aw-Daahir Cali waxa maamulka Riyaale ku eedeeyay in ay caadaysatay Cabudhin iyo cagajuglayn, Taasi oo uu ku tilmaamay wixii laga dagaalamay

Faarax Nuur Xadhigle oo ka mid ah masuuliyiinta sare sare ee Xisbiga KULMIYE ayaa isaguna munaasibadaasi ka sheegay in isu-soobaxoodani yahay mid Salmi ah ” Waanu mudaharaadaynaa Amaankana waa ilaashanaynaa Ciidamadeenan Dusheena la dhigayna waxaan leeyahay ha baqanina ee Soo dhawaada oo ana nakala habeeya ” Ayuu Yidhi Xadhigle

Gudoomiye ku Xigeenka Bariga Londo Jaamac ali Muuse oo ku hadlaayay afka qurba jooga KULMIYE ayaa oo lagu soo dhaweeyay Codbaahiyaha ayaa halkaasi ka sheegay in rajada Qurba Jooga Somaliland ku Xidhantahay Guul uu KULMIYE ka Gaadho doorashooyinka Somaliland ” Rajadaydu waxay ku xidhantahay Guul uu KULMIYE gaadho, waanu guulaysan doonaa Insha Allaah” Ayuu Yidhi

Mr JaamacCali Muuse waxa uu Beelaha reer Togdheer uga digay waxuu ugu yeedhay Foosto sun ah oo ay riixayaan Todoba nin oo Riyaale u soo dhiibay Taasi ooo la doonaayo in lagu Qarxiyo Togdheer ” Qurba joogu waa ka warqabaa Todobada nin ee loo soo dhiibayFoostada suntaa la doonaayo in lagu dhex qarxiyo Beelaha Walaalaha ah ee Reer Burco waana laga warhayaa ee reer Burco iska jira ” Ayuu Yidhi Mr Jaamac Cali Muuse

Gabagabadii Isu Soo baxa KULMIYE ee Burco ayaa ku dhamaaday Si nabadgalyo ah waxana uu u muuqda mid ka weyn kuwii Hore, marka laga eego Dadka goobta isugu soo baxay

Ciidamada Booliska oo wata Gaadiidka Gaashaaman ayaa dusaha ka joogayhasa yeeshee ma jirin wax Rabshad ah

Comments are closed.