Xisbiga KULMIYE Oo Mudaharaadkii Saddexaad Ku Soo Khatimay Isu-soo Bax Balaadhan + Sawiro.

“Waxaanu Diyaar U Nahay Inaanu Dhegaysano Cid Kasta oo Nasteexa Ummadda Ka shaqaynaysa Garteena waanu Qaadanaynaa oo Gardiid Noqon Mayno” Axmed Siilaanyo

Hargeysa(Ramaas) Apr.20, 2009 – Taageereyaasha Xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE ayaa maanta xarunta guud ee xisbigaasi ee Magaalada Hargeysa isugu soo baxay, waxaana banaan baxaasi oo ku dhammaaday jawi degan oo Nabadgelyo ah ay hoggaanka xisbigaasi daboolka ka qaadeen inay wixii maanta ka dambeeya muddo joojinayaan Mudaharaadka, si loo bilaabo wada hadalo ay sheegeen inay dad wax garad ahi waadaan.

Boqolaal qof oo ka mid ah taageereyaasha xisbiga KULMIYE ee shanta degmo ee magaalada Hargeysa waxay si nabad gelyo ah ay khudbado uga dhegaysteen masuuliyiinta iyo siyaasiyiinta xisbigaasi, waxaana ciidanka Boolisku ay joogeen xarunta hareeraheeda, iyadoo masuuliyiintii hadashay ay aad u ammaanayeen ciidamada Qaranka.

Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Md Axmed Maxamed Maxamuud [Siilaanyo] oo la hadlayay  taageereyaashaasi ayaa khudbadiisii ku bilaabay oo yidhi “Waxaan taageereyaasha xisbiga  KULMIYE  idiinka mahad naqayaa oo aan bogaadin idiinku soo jeedinayaa in aad adkaysateen oo aad muujiseen  dareenkiina iyo diidmadiina hanjabaadii la inoo hanjabayay ee la yidhi ma shiri kartaan oo isuma iman kartaan. Inaad isu timaadeen oo aad shirteen oo aad cuddudiina iyo midnimadiina muujiseen aad iyo aad ayaan idiinku hambalyaynayaa.”

Guddoomiyaha KULMIYE wuxuu sheegay in banaan-baxaasi qaar la mid ahi uu ka socdo gobolada Somaliland oo dhan waxaanu Dhambaal Hambalyo ah u diray Taageereyaasha xisbigaasi ee Gobolada dalka.

Md. Axmed Siilaanyo wuxuu taageereyaasha xisbigiisa uga mahad celiyay sida ay ula shaqaynayaan oo ay u gacan siinayaan ciidamada nabadgelyada.

Guddoomiyuhu wuxuu Taagereyaashiisa ku wargeliyay in ay joojinayaan mudaharaadka muddo si ay uga qeyb galaan wada hadal lagaga xaajoonayo xaalada dalka ka taagan, isaga oo Arrintaas ka hadlayayna wuxuu yidhi:

“Waxa kale oo aan doonayaa in aan halkan idiinka sheego oo aan idiinka waramo waxaynu mar walba lahayn muddooyinkan aynu u soo baxaynay mudaharaadyada ee aanu muujinaynay waxaynu diidan nahay waxa inoogu jiray tallada oo arrinkeenu ahaa annagu dalkayaga nabad gelyo ayaanu la jecel nahay, waxaanu mar walba diyaar u nahay haddii aanu aragno cid nasteex ah oo nabadgelyada ka shaqaynaysa waxaanu diyaar u nahay in aanu dhegaysano cid kasta oo danta dalka wada.

Waxaan war ahaan idinku  siinaynayaa in ay jireen dad badan oo ummadda ka mid ah oo xilkas ah oo salaadiin, mutacalimiin iyo waxgarad leh oo intaa ku hawlanaa iyagoo  aamusnaa haddana isaga dabqaadayay dhinacyada oo dhan, oo raadinayay in arrinta taagan si nabad gelyo ah lagu xaliyo.”

“Hore waxay dadkaasi noogu yidhaahdeen haddii aanu hawlo maslaxadeed aanu ka shaqayno gartiina ma sheegaynaysaan oo diyaar ma u tihiin haa baanu nidhi waa naloo yimid, tallo ay ku soo heshiiyeen intaa oo nin ayaa noo yimid, waxay naga codsadeen maadaama oo hawshii imika la gelaayo annaguna aanu aqbalnay inaynu maanta mudaharaadka  dhigano, wixii ka dambeeyana maadaama ay gartii bilaabmayso aynu dib u dhigano, gardiid noqon maynee garteena ayeynu qaadan doonaa, hadii ay inala noqoto inaynu sii wadnana waanu idinla socodsiinaynaa,”ayuu yidhi Md. Siilaanyo.

Sidoo kale waxa isu soo baxaasi ka hadlay Murashaxa Madaxweyne Ku xigeenka xisbiga KULMIYE Md. C/raxmaan C/Laahi Ismaaciil [Saylici] oo sheegay  in taageereyaasha Xisbiga KULMIYE ee gobolka Awdal ay isugu soo baxeen xaruntooda waxaanu maamulka gobolkaasi ku eedeeyay in ay cidhiidhi ku hayaan taageereyaashooda.

“Waxaan halkan isugu soo baxnay inaynu muujino xumaha dalka ka socda iyo dimuqraadiyada la cabudhiyay waxa inoo muuqata halgankii loo soo maray dalkan waxay ahayd in sinaan la helo oo caddaaladi timaado, oo ummada xaqeeda iyo sharciga ay dhigatay la dhawro, waxaa inoo muuqata in waxaas oo dhan maamulka jiraa uu gabi dheer ka tuuray oo uu laalaabay sharciyadii dalka, dimuqraadiyadii aynu eegaynay aad moodo in la soo laalaabay,”ayuu yidhi Md. Saylici.

Murrashaxa Madaxweyne Ku xigeenku wuxuu sheegay in gobolka Awdal ee uu ka soo jeedaa ay marka ay kaftamayaan ay yidhaahdaan dimuqraadiyadii degmada Kalabaydh ma soo dhaafto, isagoo arrintaasi ka hadlayayna wuxuu yidhi “Anigu haddii aan Awdal ka soo jeedo marka aanu kaftamayno waxaanu nidhaahnaa dimuqraadiyadu ma soo dhaafsiisna degmada kalabaydh, Gobolkayagana culays gaar ah ayaa saarnaa oo ma ay soo gaadhin dimuqraadiyadii.

Halkii aanu ka eegaynay inay gaadho dimuqraadiyadu Saylac illaa Laascaanood, in maanta ay u timid caasimadii Hargeysa la yidhaahdo lama hadli karo la isuma soo bixi karo.”

Md. Saylici wuxuu u mahad naqay taageereyaasha KULMIYE oo uu tilmaamay in ay muddo lix sanadood ah u adkaysanayeen  cabudhin  iyo xaq darro lagu hayay.

Waxaanu ku baaqay in Nabad gelyada dalka ka jirta dadka loogu darro caano oo shaqooyin loo abuuro.

Dhinaca kale, waxa isu soo baxaasi ka hadlay Dr Maxamed Cabdi Gaboose, oo ciidamada nabadgelyada ku ammaanay dedaalka ay ugu jiraan xasilinta dalka, isagoo tilmaamay in ay xisbi ahaan la shaqayaan.

Dr. Gaboose, wuxuu sheegay in ciidamada nabadgelyadu ay ku nool yihiin duruuf adag oo aan la siinin daryeelkii ay u baahnaayeen, waxaanu beeniyay in xisbigoodu wado wax ka dhan ah nabadgelyada dalka.

Sidoo kale, waxa isu soo baxaasi ka hadlay Xildhibaan Cali Yuusuf Axmed, iyo Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE ee Gobolka Hargeysa kuwaasi oo tilmaamay xaqa ay u leeyihiin in ay shucuurtooda ku muujiyaan banaan bax salmi ah.

Dhinaca Kale waxa isu soo baxyo noocan oo kale ahi lagu soo waramayaa inay ka dhaceen gobolada dalka qaarkood.

Mudaharaadkan ayaa noqonaya kii saddexaad ee ay sameeyaan bishan gudaheedii.

Xigasho/ Shabakada wararka Ee Ramaasnews

Hargeysa

Comments are closed.